|
Geela
noo celiya
.............................................................................................
Gabaygan
oo runtii ku habboonaa in aynu gelinno qaybta hanjabaada iyo
wax istuska, haddana innaga oo ujeeddada gabayga tixgelinayna
waxaynu raacinaynaa maansooyinka geela. Taas oo ah Cali Aadan
oo loo yaqaan Cali Dhuux baa beeshii iyo degaankii uu ka tirsanaa
geel nin la dhuuntey Cali seedigii ahaa oo Habaryonis Reer Sugule
ahaa waxaadna ka garan in ana Geelan la dhicin ee goor barqaha
lala dhuuntey Dhoobi geela raacayey labadan Tuduc ee Cali Dhuux
marshay Goblami waaya ee ma aydun dhicin sidigtii good-wiileTuug
soo gabraaranahayaa kuula soo geliye markaasuu inta ergo kaxaystay
geelii ka daba tegey.
Markii
uu gaadhay beeshii geela ninku ula galay ee xaday wuxuu kala
kulmay diidmo iyo is-af-garanwaa in muddo ah qaatay. Markaasuu
gabaygan oo hanjabaad ah tiriyey, waxaana la wariyey in gabaygaa
markii la maqlay sidii uu yidhi la yeelay oo geelii loo celiyey
qabiiladii lahayd.
Waxaynu
mar kale halkaa ka arkaynaa qiimaha gabyaagu ku leeyahay bulshada
dhexdeeda.
Afar
iyo toban hal oo wada gunno ah geela noogu cesha
Meesha iyo gobaysane aniga oo gaban ah oo wiil ah
Labadeenna gobol ma ay dhex-gelin xaajo godobeede
Idinkaana geerideeda uun dhaxliye geela noo celiya.
Gacal
iyo xigaal baynu nahay godob la'aaneede
Guryaha iyo fagaarahaa intaa gogolshu noo taalle
Gambo jeex gatiga eebo iyo gudurna waa qaane
Bal car guula oo guula oo gudimo noo sheegta
Haddii kale xaq lama gawdhiyee geela noo celiya.
Garaad-laawihii
Maxammed Cali xidhey gambool weyne
Afar inan gumeed buu wataa oo gelbinayaaye
Guryeheenna uun buu rabaa in uu gumeeyaaye
Iyadana ha garan-waayina eh geela noo celiya.
Goblami
waaya ee ma aydun dhicin sidigtii good-wiile,
tuug soo gabraaranahayaa kuula soo geliye
Ogaadeenna kuu-la-ma gudbani gaal tagfiilaha'e
Gaashaan Wal-waali nama qabtee geela noo celiya.
Halihii
gollaha mudhuxsanaa ee gendigu laastay
Ragbaan guunyo kale lagu ogeyn gaajona u qabey eh
Iyadana ha garan waayina eh geela noo celiya.
Galoofta
iyo gadaalkii dhalka iyo goriska laameeyey
Geeliina rimay ee guubiska iyo goolku daba joogo
Sidii garow hadhuudh bay u guran guuto caydh ahiye
Gocashadiisa lama deyn karo'e geela noo celiya.
Gammuunnaale
nabaddaan uga imid iyo godankii siixawle
Alla hoy ha gees marina ee waa mid guda weyne
Iyadana ha garan waayina eh geela noo celiya.
Garaad
Faarax baan uga dhashay iyo gaanka Habar-waaye
Godobtayda lama haysan karo maalin gelinkeede
Giiryaaleyaal ma ay dhiqine geela noo celiya.
Haddii aan guba oo kale marsho oo dunida gaadhsiiyo
Nin ay guulshu raacdoba walloo laysu gelayaaye
Iyadana ha garan-waayina eh ee geela noo celiya.
Nin
gu'yari garaadkii ba'yoow waa gefaa hadal eh
Waayeel tashiga loo guraa waa gorgoriyaaye
Guxushaagu wuxuu soo baxshaa tii garaaddo ahe
Hal gabbaday nin uun baa gartee geela noo celiya.
Gar
lay naqo guddoon la iigu shiro gabadin lay jeexo
Gabadha kama malaasnaan u fili geel la ii naqo eh
Intaad galabta meel joogsataan gorodda noo dhiiba
Haddii kalese waan gudahayaaye godobtu yeelkeeda
<Top>
By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|