| Gabaygii:
Nin Waliba ...........................................................................................
Gabaygan
waxuu ku saabsan yahay Rag la iska dilay waxaa ka mid ahaa jaamac cali nuur oo
ay wadey ahaayeen Gabyaagii weynaa Ismaaciil Mire Sida ay soomaali badan la socoto
,gabay colaadeed ay guubaabo ba'ani u astaan tahay Ismaaciil dhacdadaas ka mariyey,mana
aamusin ilaa Jaamac loo aaray oo ninkii lagu eedaynaayey loo diley. Dhinaca
kale waxaa iyaguna jiray maansoyahanno isla degaanka ahaa oo guubaabadaas si weyn
uga qayb-galay,iyaga oo jifo-hoosaadkiiJaamac (Reer Cali-Geri, Reer Guuleed)iyo
Ismaaciil qudhiisa si gaar ah u guubaabin jiray ,kuna ceebayn jiray inay ka gaabsadeen
gudashada aarkooda maqam,Waxaa ka mid ahaa Maxamed-Deyl,Cali Dhuux,Samater baxnaan,Xareed
Duubi Deero Raga Dilka Jaamac ka gabyey kuwoodii ugu magaca dheeraa waxaa ka mid
ahaa Adan-Carab oo Cali dhuux iyo Ismaaciilba kaga cadhaysiisay Tixdii ugu horaysay
waxa uu Yidhi:-
Waayadan
dukaankiyo ma furin daarihii gabaye Debnahaan lahaa yey ku geyn dabaqii naareede Aan
daleeyo waa taan ahaa caalin daahiraye; Nin
waliba waxuu dir u lahaa waw u durduriyaaye Cali-Geri danduushiyo ha sido gudimo
daab weyne Duunyo ha ka hasyteen lo'dii dacasha dheerayde Dabar iyo gandaal
haw sideen hana durduureene Intay
dooxa geeyaan biyaha ha u dadaaleene Dabkana kii wadaadkiiba dagay duri ha
haysteene Degta hawgu jiro maaracasahaa loogu daal tiriye Dul-ku-fure ha
qaateen sidii Dawlad Faransiise Ha
degeen dalkana laasoddaar kama dul guuraane Dayrtiyo gugii haw baxeen daanka
Jilibboode Dusha xaarre iyo goof dunto leh deyr ha mariyeene Marka sebenka
dooggiisu kaco didib ha aadeene Duso
iyo Higloole ha tageen degalladoodiiye Dixo hawga baaqeen illaa waaba loo diraye:! Dadkana
haw xigeen nimankii deldeley danabbadoodiiye Kuwii
Jaamac Cali-nuur deldeley deris ha moodeene Ducaaliyo raggii adhigu dilay hayska
daaqsado'e Dahabna haw tumeen odayadii daamanka la'aaye
|