| Gabaygii:
Murtid weeye ........................................................................................... Lib-ku-faanka
iyo ku-dhaadashada guusha maalintaas reer hagar usoo hooyatay ayuu dib ugu
noqonayaa isagoo tirada ay laayeen ku faraxsan aanse u qalmin ragii lagu laayey
burcodhalinyarad ku guubaabinata in uu u leyn doono muqadimiin lagu ilaawi karo
dilkii Ina Cige iyo Xaajigii Adan
carab gabaygan uu ku xusayo mar rag Safar reer hagar ah 1935 Awr ka soo rartay
magaalada Berbera ay jidka u galeenrag Muusa cabdalle ah ay damceen inay safarkaasna
dhacaan dagaalkaas jilibka baa la isu aasay ragii safarka ahaa iyo qolyahii Musa
cabdalle Ciidankii
muse cabdalle ayaa waxay galeen marinka Shiikh ciidankaas waxaa Abaanduule u ahaa
nin la oidhan jiray Cabdalle AfguduudColkaas dhamaantood waxay ahaayeen habaryoonis,Musa
cabdalle waxay doonayeen Hubka iyo waxa Awrta saaranba inay dhacaan hase ahaatee
waa male khasaareen.Goobtii maalintaas oo Qaras-gooy loo baxshay waxaa ku Adkaaday
Nimankii Dhulbahante Reer Hagar Ciidankii wadada u galayna waxay ka dileen rag
faro badan oo uu ku jiro Abaanduulihii Cabdalle-Afguduud safarka laftigiisu ma
nabad gelin oo waxaa dagaalkii kaga dhintay rag dhowr ah sidaa darteed waxaa safarkoodii
loo baxshay markay Hawd tageen Axan-side
gabaygan
waxa kale uu ku xusayaa Adan caran Meesha la Yidhaa Harawaati ee Qorilugud dhinaca
waqooyi ka xigta mar Ingiriisku usoo diray Ciidan habaryoonis ah oo uu hogaaminayo
Nuur-guunn ay halkaas ugu yimaadeen reero Adan Hagar ah oo damceen inay geelal
ka dhacaan Halkaasna Lagu dilay 14 nin oo uu ku jiro Abaanduulihii Nuur-Guun,markaa
gabaygan waa dhaadasho waxuuna ina dareensiinyaa libinta usoo hooyatey waxuu Yidhi:-
Mufti
wuxuu hadlaa goor cilmiga loo muctaad yahaye Jeeroy masalo oodantoo maaro laga
waayo Oo meher haween iyo xaqoo mururgsan loo keeno Muqniga looma soo furo
su'aal aan micne lahayne Anna waxaan mastuuroba kolkuu gabaygu ii muuqdo
Ee
aan maroorsado lib aan la igu muunaynin Ee muusanow ii baxaan midho ka sheegaaye Markaasaan
makaabka u koraa ceelka maaxda ahe Maadhiinka
waxa geelayaga loogu madhinaayey Ee tii mar-curad loo gartiyo ugubka loo miidhay Ee
maydabtii loogu qubay sumuca maaroobey Maan-laaweyaashaan ogaa inay na maageene
Habaryoonis
Reer Hagar makiyo mooday xaramkiiye Malabkiyo jannada dhiigagayagu uga macaanaaye Annagiyo
Makaahiil u file muruq-tagoogeede Laakiinse moogeysi baan muranku dhaafayne Ku
margade hadday mihindiseen muudasadoo liqa'e Abraahiin maliid iyo ku noqoy
mur iyo waabay'e Waxay Barina kaga maagayaan waa masiibada'e Marqaan kama
sokeeyeen haddaan moosku caabbiyine!
In
kastaan malyuun iyo hal reer la isu miisaamin Mayalkaan wax kula qaybsadaa
waa mintidayaaye Umana mohanno Daarood inuu noo muraarado'e Madaan ahay
xigaalkayna waa maadhan oo kale'e!
Miyigiyo
magaalaba dilkaa dunida maansheeyey Malahayga Harawaati baa ugu mar weynaaye Muusa
Cabdallena goosan baa marinka Shiikh yaale; Imminkana marxaladdaasi waa guul
munaasiba'e
Iyagoo
macaash naga hayiyo mudaneyaashiiba Oo aan col maamuli lahaa meel fog ugu duula Oo
aan masaafiyo jid dheer wax u maleegaayo Oo muuseyaal doonayiyo manida Caynaanshe
Illaahii
kuwaan meerin jirey soo masaafuriyey Oo soo muquunshaa iska leh mahadda koowaade! Gaadaha
maleegane la yidhi magac ha soo hooyo Iyo beel marriyo loo akhriyey weliba
mawliidka
La
midiidin labadaa ilaah kuu la meel yahaye Nimankaa waraabaha mirdhaa cunayo
meydkooda Misir lama dhigeen shalay hadday naga maqnaadaane Mawd iyo xaq
baa Qarraro yidhi soo maraanmaro'e
Awel
bayna maandaah dhashiyo mudho kaxaysteene Malkaday ka qaadeen halihi macawis
loo saarye Raggana kaan maqaayaha ahayn maal ku baayaca'e Haddaannaan makaline
aanay ool maqasha daaqeeda Murtad
weeye reer bayna fiid miri lahaayeene waxbaba yay matalin Xaajigiyo madawgi
dheeraaye Rag la mida maqaamkiina guda ama maqaawiirta Iyaguna maruun bay
imaan madashii Caymeede Manjo tiro ku gaadh uma qalmaan mudaneyaashiiye!
|