|
Ingiriiska iyo
Soomaalidii uu ku adeegan jirey ee uu dagaalka Daraawiish u soo
kaxaysatay waxay in badan ku eedeeyeen inuu wadaadku dhiigyacab
ahaa oo aan sokeeye iyo shisheeye u kala soocnayn. Ilaa maantana
waxaa la helayaa dad badan oo soomaali ah oo ay weli maskaxdooda
ku dambayso raadkii dacaayadda shisheeyaha iyo wadaaddadii
Soomaalida ahaa ee sida tooska ah Sayidka ula muransanaa.
Maamulkii
gumeysiga iyo Soomaalidii ay isbahaysteeni markay eedda caynkaas
ah Sayidka iyo Daraawiishta saarayeen ma xusi jirin
duullaammadii iyo weerarradii colka iyo gaadahaba lahaa ee madax
iyo minjo toona aan loo kala sooci jirin, xarumaha
Daraawiishtana lagu soo qaadi jirey. Ma ay xusi jirin raggii
talada Sayidka la wadey ee maagga iyo sida gardarrada ah
Fardhiddin iyo Jidbaale xabbadda loogu leefsiiyey, mana xusi
jirin wixii ay xoolo dhaqeen ee Ingiriiska iyo dadkii ay wada
socdeeni ay dhaca kula meeri jireen. Ma ay xusi jirin inta jeer
ee ay Sayid Maxamed kaga oohiyeen, markay dhegta dhiigga u
dareen boqollaal nin-door wada ah oo ay daraawiishi ku dhisnayd.
Bal si ka-fiirsi leh u akhri meerisyadan kugu qasbaya inaad
Sayidka la oydo oo aad dhankiisa ka soo jeesato:
-
Eebbow
geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye
-
Waa
noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye
-
Eebbow
Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye!
-
Go'na
lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane
-
Gabbaad
kale hadday noo helaan waa gam'i lahayne
-
Eebbow
waxay nagu gabreen diinta soo gala e!
-
Eebbow
garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye
-
Eebbow
gammaan iyo waxaan gini-cas dhiibaayey
-
Eebbow
garow kagama helin goolashadaan wadaye!
-
Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene
-
Eebow
waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye
-
Eebbow
waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde!
-
Xirsigii
garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e
-
Geydhaale Aw-Aadan bay galawga taabteene
-
Eebow
geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene
-
Guxushaaga
Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne
-
Gorroska
Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye
-
Eebbow
ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e!
Meerisyadaas
aannu soo sheegnay waxay ku jiraan gabayada Sayidka kuwa loogu
jecel yahay mid ka mid ah. Waa gabayga 'Gudban' amase
Gaalo-leged' lagu magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed
ka sokow, in badan inoo muujin karaya waayihii Daraawiishta iyo,
xilligii isaga la tiriyey, welwelkii iyo hammigii
hoggaamiyahooda. Waa meerisyo tusaale kaa siin kara
dhibaatooyinkii Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay Daraawiish
u geysteen, rag wixii ay ka laayeen, gardarradii ay hadba ula iman
jireen Soomaalidii uu had iyo goor xoolaha iyo lacagta ku miisi jirey
siday ugu gacan-sayreen. Qalbi murugeysan isagoo wada ah oo Eebbe-weyne
u cabanaya ayuu kuu tawaawacayaa:
"Eebbow,
dhulkii aannu lahayn meel aan ka degno nalooga dhaarey. Eebbow gaalo
iyo cawaankeed waa noo gooddiyaan. Eebbow, Giriigga aan aad u
kala fog nahayba ha ku ahaatee, nin waliba birta naga aslay.
Eebbow, eed kama aannu geline, waa gardarro waxa ay noo
gumaadayaan. Eebbow, dhibaatooyinka ay nagu hayaan waan ka
seexan kari lahayn, haddii utun aan ka qabnaa ay jiri lahayd.
Eebbow, waa diinta ha la taageero oo jahaadka ha loo soo baxo.
Eebbow, nabaddii iyo waanwaantii aan la ag-taagnaa la iga
hoos-qaadi waa'.
"Eebbow, waxay
ciriidda jiifiyeen Darwiishkii Xasan-Gaarruf Axmed iyo Xayd
Aadan Gallaydh. Eebbow, Xirsi-waal Maxamuud ayay Jidbaale
gaalo iyo cawaankeed ku mawtiyeen. Eebbow, Aw-Aadan Seed iyo
Xaaji Maxamuud dheri ayay ugu shubeen. Eebbow, garcaddaaga
gaboobey ee Baynax Aadan Gallaydh waa taa ay ilmadu
dhabannadiisa qoysey, markii ay god-aakhiro u direen saddexdii
Darwiish ee uu dhalay, goobtii Jidbaalena ruuxda lagu weysiiyey.
Eebbow wadnahaygu waa gariiraa, markaan arko Muuse-taagane Jaamac
oo keligii kolba murugo meel la taagan. Eebbow, ma eego e,
wejiga ayaan ka dadbaa, markaan arko isaga oo naxdin la
dalanbaabbiyaaya oo gocanaaya afartii Darwiish ee uu dhalay,
Jidbaalena gaalo iyo Soomaalidii waddey ay ku makaleen'.
Wuxuu Ilaah u
cawdo iyo wuxuu u ashtakoodaba, wuxuu dhibaatadii la soo
gaarsiiyey tusaaleeyo oo waxa lagu falay gocdaba, ugu dambaystii
wuxuu rabbi ka durraamanayaa inuu libinta u soo meeriyo oo laga
gacan-sarraysiiyo dadka gaalada taabacay ee xaqii Daraawiisheed
lagu ogaa, godobta badanna ka haya:
-
Eebbow
goonji weyn iyo xaq bay naga gullaafteene
-
Guullow
ma helayaan waxay nagu gubaayaane
-
Eebbow
waxay naga gogtaan waa galoof-olole!
-
Eebbow
sidii guun haween 'gii'du waa aniye
-
Eebbow
nin goba baan ahoy guni rifaysaaye
-
Eebbow
waxaa noo gurmaday gaayo-alifleeye!
-
Ma
gereysni Eebbow waxaa guufanneyska ahe
-
Eebbow
gabooddii dorraad waa ka gar-allayne
-
Eebbow markaan geyllamey guulmiyoo baqane!
-
Eebbow
guddoonkii sharciga gooye nimankiiye
-
Eebbow
kufriga gedeftaley gacanta haystaane
-
Eebbow
anaa kugu gar lehe guusha ha i seejin!
Sida ay
cadawyadiisii ka faafin jireen, Sayid Maxamad ma ahayn nin dhiigga
dadka u oomman, dhaca xoolahoodana u jeelqaba. Wuxuu ahaa nin
ay waddaniyad kululi beer-qaadday, hase ahaayee dadkii uu u
danaynaayey ay la garan waayeen. Wuxuu ahaa nin isaga iyo
xarunta Daraawiishtaba in badan sidii ifka looga tirtiri lahaa
loo guulay, naftiisa la dooni jiray, hagar daamooyin badanna loo
geystey.
Markuu fekarey
oo habeenno aan tiro yarayn aayo-xumada Soomaalida lala maaggan
yahay naftiisa kala dooday, dadkiina ay waanadiisii badnayd wax
ku qaadan waayeen, weerar joogto ahina uu xagga Soomaalida kaga
socdo ayay la ahaatay dadku laba qaybood uun inuu yahay: Qaybta
hore oo ah Daraawiishta uu madaxda u yahay, dantooduna tahay
Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi inay dhulka Soomaaliyeed ka
bedbaadiyaan oo dagaal hubaysan kaga saaraan. Qaybta labaadina
waxay ahayd Soomaalida xoogaggaas shisheeyaha ah la soo safatay
ee soo hormari jirtey, ceelasha tusi jirtey, dhabbeyaasha la qaado
u kala tilmaami jirtey, awrta ka iibin jirtey ama ka ijaari jirtey,
dabadeedna xarumaha Daraawiishta soo hor-dhoobi jirtay.
Labadaas qaybood
inay Soomaalidu tahay markii uu ka badin waayey ayuu u qaatay, Daraawiishna
dhacsiiyey murtida ah, "cadawgaa jaallihiis waa cadawgaa", sida
uu Qamaan Bulxan ku gabyey markuu lahaa:
Daabaca ninkii kugu dhufta ee daabku kuu celiyey
iyo kii 'duleedshaay' ku yiri wax isma
doorshaane!
Sayid Maxamad,
aragtidaas iyada ah siyaasad qarsoon kama uu dhigin. Wax badan
ayuu gabay ahaan iyo qoraal ahaanba ummadda u bandhigay, 'gaalada aan
la dagaallamayno ninkii taageero u fidiyaa isna waa gaal' ayuu
in door ah ku celceliyey. Masafo gaaban waa kii ku lahaa:
-
Nin
aqdaamo Ferenjiya, maantiyo abuurriin
-
Ama
aaladduu sida, ama awrta buu rara
-
Ama
adhiga buu qada, ama laba ugaadhsada
-
Ama
uba ilaalaa, ama uurka kala jira
-
Ashahaado
beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo
-
Ilaahayna
nama oran, anna ma oggolaan karo!
Waa siyaasad
cad oo uu degsaday, digniinna u ahayd nin kasta oo xagga gumeysiga
u janjeerasada amaba taageero u fidiya, xilli dagaal iyo xilli nabadeed
intaba. Hayeeshee, in kasta oo uu waranka Daraawiishtu si toos ah
ugu jeeday ninkaas gaalo-raaca ah ee uu sayidku tilmaamay,
haddana waxaa dhici jirtey dar aan dagaalkaba war ka haynini
inay haasahaasaha iyo gulufka jidbaysan ee ciidammada sayidka ku
le'an jireen, hantidoodana ku waayi jireen. Waxaad mooddaa inay
Daraawiishtu marar badan ka ilduufi jireen tusaalaha iyo
dardaaranka Sayidka, taas oo sabab u noqon jirtey kooxo badan oo
xarunta u han-weynaa in ay ka fogaadaan.
Gefaf dhowr ah
oo ay Daraawiishi gashay ayaa maanta la tiriyaa, hase ahaatee
way yar yihiin markii la barbar-dhigo guulihii ay soo hooyeen iyo
sidii ay magaca dalka iyo dadka Soomaalida sare ugu
qaadeen, in kasta oo, ciidan ahaan, ugu dambaystii looga
adkaaday.
Waa
Qalinkii Abwaan Axmed Faarax Cali. Idaajaa |