|
Gabaygii:
Kala maqan
...........................................................................................
Aw khaliif Kibirhaye
wuxuu ahaa nin wadaad ah uu nolashiisu miyiga ku
xidhan tahay. Wuxuu guursaday gabadh Maka la odhan
jirey oo iyadu dhanka
reer magaalnimada isaga uga dhoweyd. Murankoodii baa
batay, maalin
walbana kolkii garnaqooda loo soo fariisto waxay
dooddeeda ku koobtaa,
«Wadaadku murriyad iyo dhar quruxoon iima gadin».
iyo waxyaalo la mid ah
Ismaaciil arrintii haddii uu u fiirsaday ayay la noqotay,
mar ay ahaataba,
in Aw Khaliif iyo Maka ay kala xiriir furan doonaan
mar hadday iyana
doonayso murriyado iyo dahab, isna uusan hayn. Gabay
ayuu markaas ku
yidhi:-
Kala
maqan ratiga muuda iyo mooggan rarataaye
Kala maqan maloog iyo nimaan dabo mulluugnayne
Kala maqan midiidin iyo soor reer u miyayaaye
Kala
maqan Midgaan iyo nimaan madax u tuurayne
Kala maqan maseellida xun iyo macangag khoofaaye
Kala maqan masuug iyo xigaal soo martiyayaaye
Marka
horese labo ruux hadday maanka ka heshiiso
Marmaroorka dhexe waa waxaan meesha soo geline
Kala maqan Makiyo Aw Khaliif malena beenowye
|