|
Gabaygii:
intii muuqataan diliye
...........................................................................................
Rag door ah oo gabyaa ah ayey isu gabyi jireen Aadan-Carab.
Rag kale ayuu ka yaabay iyana ku biiraan oo uga hiiliyaan
kuway gabayga isku maagaan. Markaas ayaa Aadan-Carab
gabaygan oo uu ugu cagajuglaynayo u tiriyey si aanay
usoo hawaysan.
Wuxuuna yidhi:
Siduu Xayle madax reer-tolkii uga muraaddeeyey,
Oo kii is muujaba xabsiga ugu malaasaayo Yaa ii maloodaye
intii muuqataan diliye,
Isagubu mas'uuliyad u diid reer Mukaannina e Ina Mililig
buu xabashi yiri hooy mid ka ahoowe Iyagoo manjaha
ciid ka badan ama rnalyuunaad ah Inuu keligi malabkooda
cuno weydin maqasheene Ma muddaahaneeyee haddana wuu
maroorsadaye Goortuu xanjada muudsadoo miidda ka idleeyo
Ee waxa macaan kala buxuu murudka siiyaaye.
Aniguna ninkii aan mooy i odhan waan maraanmariye
Mandheeraan idiin diri dadyohow ii musuusuqiye Maqsin
baan idiin furi hadhuudh lagu masruuftaaye Baddaa
murugtay baan moolka dhexe idin muquursiinne Oo waan
idin masaafurin ilaa toban kun oo mayle Isagaa magayniyo
ahaa mudan xigaalkaye Haddaan Samatar meeshuu fadhiyey
kaga maqnaanwaayey Oo Cumar markaan maagganaa moosin
ila jiidhay Ma cid baan martabad siinayaa malaki sow
mi ihi.
Afartii
muftiye Diinta dhigay Mahamedna u keenay Sidooday
madbacadda ugu taal maansadaan idhiye Mahdabtaa shanaad
baan dejayood ila murmaysaane Inkastoo midhaha laga
sinmo iyo madasha luuqdeeda Murti baan ka reebaa hadhiyo
anigu maahmaahe Misaan haddii aan hadal lahayn waa
micna la'aane,
Maskax
baan lahaynine horaa la midiidimaye Ma maroorsibaa
gabaygu waa ii rnihiibgalaye?
Maa layga maashada haddaan la iga maarmaynin?
Milki baan u yeeshaye maxaa lay matiyi waayey?
Maskab kuma qabee jeer miyaan laygu magacaabin?
Waa maxay dadka u muhanayaa meheraddaan haystay?
Amba
kama mahoobbiyin tolkay maansadaa badane Masar iyo
Kharduunna uma tegin mana masaafoonne Kamana mudanin
shiikh ii marsha oo macrifo i dheere Waan mihindisaye
iima dhigin macallin yeedhshaaye waa shay maqaaddiir
ku yimid aan yar maammulaye Sow duul masayr ugu dhinteen
madadka lay siiyey wiil baa masalo ii dhigtaye miinyo
xumadiisa kuwaan mooggan waa murakabkaa meydka shaabaha
e Mugduu soconayaa nacas hadduu maalin joogane e Hadba
doqon marraysani ha galo maadhikiis adage Maantana
kumaa soo mudh yidhi moodki baa wada e.
|