|
Ima
Khawaysiin
......................................................................................
Gabaygan
oo ay intan oo keliyi iga soo gaadhey waxaa tiriyey
Cali Dhuux.
Sida ka muuqatana wuxuu ka mid yahay gabayadii badnaa
ee uu Sayid maxamed Cabdulle Xasan u tiriyey.
Waxaase
aad iiga yaabiyey oo iguna kellifey in aan saddexdan
meeris soo qaato, intii aan maanso maqlaayey weli
ma aan arag cid xarafka (kh) ka maansootay, kan mooyaane.
Haddii
aan khadda'ay waagii hore khoofay dabadeed eh
Khamri ima cabsiin Maxammed-waal sidatan reer khayr
eh
Sida culimaduu khumuska baray ima khawaysiin eh.
|