|
Gabaygii:hanfade Maxamed hiirad
Gabaygan waxa aan tiriyay bishan aynu ku jirno ee August 26 keedii. Ujeedada maansadu waa hoga tusaalayn iyo talo aan tolkay u gudbinayo. Waxa ii muuqatay in dagaalka maanta ka socda gudaha Soomaali Galbeed oo ah mid aan Soomaaliyi u dhammayni in uu yahay mid lagu halaagmaayo. Waxa cad in gumeysiga xabashida iyo tacadiyadooda lagaga hortegi karo oo keliya dagaal loo dhan yahay iyo midnimo. Sida hadda muuqata dagaalkan waxa ku keliya Maxamed Subeer. Taas oo ay caddahay sida cadceedda in ay ku heermayaan haddii aanay isdaba qaban.
Waxa intaas dheer xilliga maanta Soomaaliyi ku jirto oo ah mid ay u qaybqaybsan tahay reero iyo weliba Itoobiya oo kala daadsanaantaas awgeed maanta gacanta ku dhigtay Soomaali oo dhan. Caqli marka ma’aha in la yidhaa Itoobiyada noocaas ah baan qaab qabiil kula dirirayaa.
Waxa ay maansadu reer tolkay oo dhulka aanu wadaagno usoo jeedinaysaa in xilligan maanta lagu jiro aanay dan ahayn in dagaal la galo, balse loo baahan yahay in xeel iyo garaad la isticmaalo. Horaa loo yidhi: colka wadhaf ma lagu dayay ee waxa ay ila tahay in bal maanta nabad wax lagu raadiyo, islamarkaanna la isdiyaariyo, Soomaalina la isla doonno. Waxa weliba loo baahan yahay in Soomaali Galbeed qowmiyado badan bay kula dhaqan tahay Itoobiya ee in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa midnimadeeda.
Xilligan waxa loo baahan yahay in dagaal aan hub ahayn lala galo Itoobiya. Kaas oo aynu xuquuqdeenna ku raadasanaynno innagga oo aan irbad u dhaafin qolyaha maanta gacanta ku haya Itoobiya. Waxa maanta dunida galbeedka ku dhaqan kumaankum u dhashay degaanka Soomaali Galbeed oo qaddiyaddeenna iyo xuquuqdeenna si hufan usoo bandhigi kara. Waxa la marayaa xilli wax kasta oo caalamka dacaladiisa ka dhaca lagu ogaan karo daqiiqado. Dagaalkaas ayaa aragtidayda ku habboon in aynu xilligan galno.
Waxa iyana waajib ah in aqoonta, horumarka iyo nolosha dadkaba lagu tala galo in wakhti kooban kor loogu soo qaado. Waa in mar walba lagu dedaalaa in aynu xoojinno midnimada.
Waxa ay maansada Hanfade loogu magac daray tidhi iyada hogatusalaynaysa tolkay:
- Axmedow ninkii hoorriyaa talo ka hoostaaye
- Habeen buu gudaa maalinimo ay hadhkii tahaye
- Ma haleeelo waanada markii hoo la leeyahaye
- Duul aan hareeraha wax jira halista dhawraynin
- Oo hoos u deyahayn kobtii lagu halaagmaayo
- Haadaan buu ka duulaa tashigaan loo hubsanahayne
- Haddaan talada madax haybadliyo odayo haaneedin
- Oo hadafka aayaha la rabo hilin cad loo jeexin
- Waa hagar naftii laga galoo lagu hanqaarmaaye
- Haddaan hoos u daadego waxay hibatay laabtaydu
- Dhaaxay hubqaadeen tolkay hawlgal dirireede
- Dhaaxay hujuumeen kufriga xabashna heereene
- Dhaaxay habeen iyo dharaar weerar humayeene
- Dhaaxaa waraabuhu hirqaday hanaddadoodiiye
- Dhaaxay habkii dowladnimo u hanqal taageene
- Ha yeeshee waxay ku hamiyeen haakah may odhane
- Hannaankaa ka liitiyo siday u hindisoodeene
- Haasaasahaa laga gartaa tay hadhow noqone
- Afartaa ha’dii gabayga iyo erayadii Hawd dheh
- Horay waxaan u soo joogay iyo hubantideedii dheh
- Hawraarihii Samatar iyo Cali habkiisii dheh
- Hadal kalana waa haatan iyo hawsha soconaysa
- Halgankay wadaan reer Subeer waa habawnimo e
- Hawiraad naftooday galeen hadimo xeel dheere
- Xabashkaa hawada duulayee badaha soo haabtay
- Ee Soomaalidii heellanayd halabsadee fuulay
- Anaa keligay heensaynayoo soo hoggaan baraya
- Waa riyo hurdadu keentay iyo qaar habsaanihiye
- Bal inay dagaalkay humeen lagu halaagmaayo
- Ma hayaan hub iyo saanad iyo ciidan heeganahe
- Ma hayaan cid hiil iyo wax qabad ay kula heshiiyeene
- Kuwii hayb u xigay baan haddeer hoyga gelinayne
- Dar baa magaca haaraamayoo kaaga haayiraye
- Harti iyo Bah Geri baan hadayn ficil horseedkiise
- Hareertaa galbeed qaar jiraan soo hinqanahayne
- Geri iyo jidwaaq la hubsayoo waa hamranayaane
- Cawliyahan hub soo qaatay baan lagu hallaynayne
- Reer Aw habaar bay wadaan nama haleeshaane
- Hawiyaan hadh kuu jiidahayn waa ku hodayaane
- Isaaq hadalkii daayoo dhammaan waa hundhudhayaane
- Markii adiga hoobiye madfaca lagu huluuqsiiyo
- Hambadii dhulkeennii ka hadhay wada hantiyaayaane
- Annagana hamaansigaa xigaa waa habeen qudha e
- Makaahiil halkuu naga xigaa haad ku dhacayaaye
- Haro Xagarray kama foofiyaan geel horweynno ahe
- Abraahiin hubkaa lala dhacay hibasho weyn reebye
- Suldaankii hogtaa lagu fadhiyay haatan laga waaye
- Raggii halaha lagu maali jiray waa hangool jabane
- Arrintaa bal hoos ugu faqoo hubantideed sheega
- Haddii kalase anigaa hungiyo ruux hadhiino ahe
- Afartaana haasaawe iyo hoga tusaalayn dheh
- Tolkayaan sidii ila habboon halista sheegeed dheh
- Ma hagradee waxa aan hamiyo waan u hurayaaye
- Erey kalena waa hadal yaraan dib u habayn mooday
- Geesigu mar buu hebed noqdaa calal hullaabtaaye
- Hannaac iyo marbaa loo filaa hooge taag darane
- Huluulaha mar buu kaga jiraa talo hogaankeede
- Hubka iyo mar buu tiiriyaa hootaduu sidayeM
- Mar buu nacabka hoosaasiyaa nabad ku heesaaye
- Qosol aan halkaa jirin mar buu kula hadaaqaaye
- Halaq iyo mar buu sida abees hilinka seexdaaye
- Iyadaan la hadahayn mar buu boqon haleelaaye
- Cashaday habboon tahay ayuu hadimo gaystaaye
- Oo guluf horseed uu ka yahay ma hadho reebaaye
- Aniguna habkaasaan la rabay ma hurahaygiiye
- Harraatida kufaartaan lahaa la herdankood dhaafe
- Bulshadaa habsaantaan lahaa horumar gaadhsiiye
- Harraadkay qabaan baan lahaa haro biyood jeexe
- Hindisaha tacliintaan lahaa waa hirgelaysaaye
- Hawlgal caafimaad baan lahaa hoyga ugu keene
- Jidad wada haloosiya dhisaan ku hammiyaa jeere
- Mar haddaad hormuudkii tihiyo madax hogaameedka
- Degaamada hanuunshaan lahaa heel isugu keene
- Hanti lagu gunneeyiyo habliyo hadallo suugaana
- Dadka naga hor jeedaan lahaa hadafka gaadhsiiye
- Maamulkaa la hiifaan lahaa, habacsanaan diide
- Hud-hudkaan dhaliil waxaan lahaa yaanu kuu heline
- Wadaaddadan hubka qaatiyo kuwaa wada humbaalleeya
- Ee gaaladaa haaribka ah u hanjabee maaga
- Ee shacab ku hoobtaan madfaca lagu halgaadaayo
- Iyo horor naftiisiyo halliga habar agoon haysa
- Inay nagu hafraan maanan rabin qaar habaaraniye
- Maansadan hanfade loo baxshee halawgu duulaayo
- Huqda iyo hurgumadaa qalbiga iga hulaaqaysa
- Hingilaanta uurkayga iyo, halasyadaa jiifa
- Hal abuurkan aan qoray ma dhimin hugunka laabtiiye
- Dulkaasaan ku hoorshee higsada, am I haaraama
Maxamed Hirad
San Diego California
E-mail:xagar2000@sbcglobal.net
_____________
|