|
Ha
Furfurin Dermada
...........................................................................................
Sheekooyinka
wadaniga ee ah lama-dhaafaanka ah.waxaa rag daraawiish
iweriyeen in Sayid Maxamed ciidan uu Ismaaciil Hogaaminayoku
yidhi in aysan degmada ku leexleexan si aysan uga
baaqan hawsha loo santay goor galab ah ayey degmooyinkii
ku soo beegmeen dabadeedna Daraawiishtii baa mudo
yar caruurtoodii iyo dumarkoodana kula soo balamaan
loo sheegay, muddadii oon aan dhamaan ayey faradaha
fuuleen. Ismaaciil mire oo maalintaas 7 bilood ka
maqnaa afadiisa Faaduma
tegiddaas haatana oo hadana degdega ah aad bay uga
xumaatay, waxayna jeclayd in uu maalmo la sii joogo
Gabyaagu dad kale ka garasho dheer , kolkii uu astaamahaas
oo dhan gaaridisii ka dareemay ayuu isagoo kadallooba
gabaygan caanka noqday ku Yidhi :-
Faadumoy
falaadkaygaan fiiro kaa bariye
In faseexad loo wada hadlay gobi ku faydaaye
Fahmadaba adaan qaadan baad feedho hadashaaye
Fillan naag taqaan waa ibleys furuq-alluu-keenye
Fidmadeeda
xaajada adaa faraya shaallaaye
Ferenjaan ilaalinayaa foos ka soo baxaye
Feddadaan wareegaa sidii farow ugaadheede
Ma furfuro habeenkii guntiga foore soo dhacaye
Fakayoonka
iyo gaadhka badan feeyigaan bidaye
Xeedhyahan fandhaalaysan iyo Faarac labankeeda
Fujaamadan la soo sidiyo Foonka malabaysan
Fartaydaa anaan saarin baan fuuli Looshane' e
Inaan
adiga kaa fiigayaad igu filaysaaye
Furuq igu dilaa naag kalaan faraha saaraaye
Ha Furfurin dermada layga waa inaan fadhiistaaye
Foolkii
Astaadkaan ku helay faydo iyo Khayre
Faataxo markuu ii maraan farax dhaqaaqaaye
Ma fakhriyo Shareecada ninkii faraqa haystaaye
|