![]() |
![]() |
|
1 Deleb (Cali Dhuux Adan) 2
Dabuub
(Qamaan
Bulxan) 3 Aduun (Maxamed Fiin) 4 Geddistaye (Q. Bulxan) 5 Dhankaan (Cali Dhuux) 6 Diida (Buraale Cali Ubaxle) 7 Dan Ubaxay (Cali Dhuux) 8 Hooyaale (Cilmi C.C) 9 Nin dayar (Ismaciil Cali Bulaale) 10 Dabkaad (Ismaciil Mire) 11 Wallaalayn (Cali dhuux) 12 Hamraday (Cali Dhuux) 13 Haadaaqsi (S Carabey) 14 Lur (Cilmi Carab Cabdi) 15 Darka (Kh.aw.Ahmed) 16 Cali (Xuseen hudle) 17 Nabsi (M. C. Dage) 18 Haldhaa (M. C. Dage ) 19 Gar (Cali Dhuux) 20 Xoon (Samater Baxnaan) |
Cali-dhuux waa aabihii isku -xidhantan Guba bilaabay, taasoo abwaanno badan oo xilligaas noolaa dood gabay ku noqotey ilaa iyo maanta oo laga soo wareegay muddo qarni ku dhawna xiisaheedii iyo dhegaysigeeda sii kordhayo maalinba maalinta ka danbaysa. Haddaba waxaan dhegaystayaasha weydiinayaa inay ka fekeraan arrimahan markay silsiladda dhammeeyaan dhagaysigeeda. Cali dhuux ma waxuu ka gabyey dhacdo taariikheed? Mise dab lagu gubto ayuu afuufay? kaalintii uu Cali dhuux tolkiis ugu jiray miyuu ka soo baxay? mise godob ay galeen ayuu meel kale u riixayey? Silsiladdu ma mudan tahay in loo bixiyo Guba? Cali dhuux ma waxaad u aragtaa nin colaad iyo iska -horimaad had iyo jeer ololeeya? Mise mid kii dulman ama laga ital roon yahay u dooda? marka loo eego ragga kale ee Guba kala qaybgalay sida dhibaatada loo furdamiyo kaalintee ayaad Cali Dhuux ka gelin lahayd? Shuunkii Hartoo wada fadhiya shaaxin
golaheeda
Haddana markaan noloshiisa in yar ka milicsano, cali Dhuux Aadan xirsi(cali dhuux) wuxuu ahaa gabyaagii weynaa ee tirinta maansada hibada Eebbe u siiyey mulkiga iyo madadka, geyiga soomaliyeed intiisa badan laga yaqaanay ee ragga gabayga is bidaa ku halqabsan jireen iskuna dhererin jireen.Xilligiisii wuxuu ama lagu tilmaami jirey maansayahayannada kuwa calanka u sida hadii aanu ahayn midka kowaadba Cali dhuux waa ninkii mabda'iisa iyo iyo garashadiisa kaga soo horjeestay Daraawiishta oo waqtigii ay ugu awood iyo ciidanba badnaynd joogta oo ay weliba horseed u ahaayeen tolkiis oo udbihiisa iyo dhigihiisaba wata oo uu hogaaminayey wiil uu abti u ahaa waa (Sayid maxamed cabdulle xasan) waxaa jirtey gababyo badan ay dhex mareen sayid maxamed iyo cali dhuux waxaa ka mid ahaa gabaygan markii Daraawiish u soo dirtey ciidan Bah-geri ah Cali dhuuxna gabaygii uu ka tiriyey waakan.
Waxuu Cali Dhuux noolaa xilli gabyaagu yahay afhayeenka qabiilka gaar ahaan ama ummada oo dhan guud ahaan ee dareenka ay ku hadaaqaan iyo midka goconayaanba hab ay jeclaystaan oo maanso ku soo taariikhayn jireen wixii hore u dhacay garashadoodana oddorosaan sida arimo noqon doonaan. hadana waa Guba oo inoo bilaabanta .
|