|
Gabaygii:
Aduun gees
u foorara
...........................................................................................
Dadkii qaarkiis uma adkaysan karaan
inay dulqaataan isbeddellada mujtamacooda markii muddo
la joogaba ka dhaca. Waxay jecel yihiin in wax waliba
ku socdaan sidii ay ku arki jireen markii ay indho
dillaacsadeen ama ay garaadsadeen. Ismaaciil wuxuu
ka mid ahaa dadka jaadkaas ah oo durba la yaaba ay
waxa ay dhalinyaradu samaynayso
Wuxuu
arkay duqowdii oo laaluushkii aan ka siqoonayn, gabdhihii
iyo raggii oo isdhexgal xad la'aan ah yeeshay
iyo habro iyo odayaal gaboobey, oo halkii ay cibaadaysan
Iahaayeen, tumanaya cayaar markaas soo haxday oo «Widdiiley»
la oran jirey. Arimahaas oo idili waxay ula ukaadeen
kuwo aan Ilaah u dulqaadan doonin, oo mar ay noqotaha
uu tillaabo culus ka qaadi doono. Markaas buu baryey
oo yidhi, «Ilaahow anigu haddaba waxaas dembiga
all ee la walaaqayo kuma jiree, Ciqaabka aad soo waddo
gees iga mari oo waxa lagu kacayo awgood wax ha igu
yeelin». Wuxuu yidhi :-
Guddidiyo
gargeydhiyo' ardada soo gar niqi weydey
Afarta goonnidaaq iyo kuwaa Ruraya laaluushka
Kiishyada garkaa marahayiyo lacagta guuraysa
Adigaan gacmaha kuu wadhay oo hoosta kaa galaye
Allahayow cuquubaday gasbaan haygu gelinsiinnin
Oo haygu gubin waa adduun gees u foorara e !
Guudxiir gun iyo geelxeraad' gaane iyo shaybe
Gabdhaha haatan loo wada sinmee geedka wada daaqay
Carmallada garbaha weyn leh iyo gootowyada qooqan
Allahayow cuuquubaday gasbaan haygu gelinsiinnin
Oo haygu guhin waa adduun gees u foorara e !
Habraha'
geedigii harahayee gaadhi kari waayey
Ee gurada lagu qaadaye guuxaya ee doobin
Garcadaha durbaansanahayiyo gaagurraha qooqay
Widdiileyda goonyaha ka bixi iyo galaayuuska
Adigaan gacmaha kuu wadhay oo hoosta kaa galaye
Allahayow cuquubaday gasbaan haygu gelinsiinnin
Oo haygu gubin waa adduun gees u foorar'e
|