|
Magacyada
Gabdhaha Soomaalida:
Hordhac
Magacyada loo bixiyo hablahayaga waxay
muujiyaan hiddahayaga, deegaan iyo asal
ahaan halkaannu ka soo jeedno, kobta
juqraafi ahaan dunida kaga noolnahay, ama
waxay cabbir muuqda ka bixiyaan muuqaalka
inamaha, qaab iyo qeex uu waalidku la
jeclaado ama u saadaaliyo. Mararka qaarkood
laga yaabee haweeneey jeeska ka tirsan ama
ka tirsanaan jirtay in loogu magacdaro oo
lagu sammiyo.
U walqalidda gabadhaada waajib weyn weeye oo
muhim ah. Cilminafsiyahannada
(psychologists) waxay sheegaan in haddii
habluhu ku faraxsanyihiin magacyadooda,
nafsaddooda inta ay ifka joogaan waa u
riyaaqsanaanayaan. Waqtiga kaaga baxa ka
baaraandegga u raadinta magaca ugu habboon,
qurxoon, dhawaaq wanaagsan carruurtaada
dheddigga ah, kayd weeye aad mustaqbalka u
aydo.
Waxay magacyadu nisbeeyaan joog, qurux,
midab, ama habsamaanta inanta sida
gaarinnimadeeda, geesinnimadeeda iyo
naxariisteeda.
Tusaale, inantii ugu horreysey ee Dhiimo
loo baxshay, laga yaabee in looga jeeday in
ay lahayd midab aad u casaan ah oo guduud
takhti ah. Sidoo kale, Qumman - inan
weeye hagaag, hufnaan iyo wanaag badan
lahayd.
Hablaha qaarkood waxaa loogu magacdaraa
dhirta, caleenta, iyo ubaxa, sida Cosob,
Magool, Ubax, iwm,
xayawaannada sida Qalanjo. Qaar
kalena waxaa la siiyaa magacyada xilliyada
iyo maalmaha sida Gudhalad,
Isniino, iwm.
Sidaas darteed, magacu waa aqoonsi ruuxu
leeyahay oo muujinaya halkuu qofkaasi dir
iyo isir ahaan ka soo jeedo. Waxaa ila
habboon in aan la dhayalsannin, laga
teginnin oo la sahashannin afka iyo
luuqadda, dhaqanka iyo hiddaha magacyadu ku
salaysanyihiin oo ay ku qotomaan.
A
Abshiro, Abyan, Afraxo, Ammaan, Amran,
Aragsan, Arraweello, Ardo, Arliyo, Ashkiro,
Askaro, Axado.
B
Baahilo, Baar, Bariido, Barkhado, Barni,
Barrey, Barwaaqo, Basro, Baxsan, Bayddan,
Beegsan, Beerlula, Biciido, Bilan,
Billaddaya, Bishaaro, Bogaad, Bullo, Buney,
Butaaco, Buuxo.
C
Caanood, Cabban, Cadar, Caddey, Cajabo,
Calaso, Canab, Canbaro, Carfoon, Carraabo,
Carro, Cartamo, Carwo, Casey, Cawilo, Cawo,
Cawrala', Caynabo, Ceebla', Cibaado,
Ciilla', Ciiltira, Ciribbuuxa, Cosob,
Cubtan, Cudbi, Cuddoon, Cugan, Culan,
Culimmo, Cureeji, Cutiyo.
D
Daado, Daaho, Daawad, Dahabo, Dallaayad,
Dallaayo, Dallays, Damman, Darmaan, Daruuro,
Dawo, Dayaxo, Daynabo, Deeqo, Deggan, Degmo,
Dihin, Diiddan, Diimmoon, Diiran, Diraaco,
Doonbiro, Duco, Duda, Duddo, Dugsiiyo,
Dugsoon, Dulman.
Dh
Dhaadsan, Dhaayo, Dhalaalo, Dheeho, Dhiimo,
Dhiirran, Dhikilo, Dhimman, Dhimbilo,
Dhoofo, Dhool, Dhoorweyn, Dhudi, Dhuuban,
Dhuubo, Dhuulo, Dhuuxo.
F
Falis, Falxado, Fanaxley, Farax, Fariido,
Farxado, Farxiyo, Faynuus, Feeyig, Fiido,
Filad, Filan, Filsan, Foojiga, Foos.
G
Gaadsan, Gaarri, Gaarriyo, Gacaliso, Gacalo,
Gaceedo, Gadiido, Gallado, Gargaaro,
Gaylamo, Geeddiyo, Geelo, Geenyo, Gefla',
Gobaad, Gobey, Gordan, Guduudo, Guhaado,
Gudhalad, Guuleedo.
H
Habban, Habboon, Habsamaan, Hagarla',
Haldhaa, Halgan, Haweeyo, Heego, Hibaaq,
Hibo, Hiddo, Hillaac, Hiro, Hodan, Hodman,
Hogol, Hoobaan, Hoodo, Hoombarro, Hufan,
Huryo.
I
Idil, Idilo, Idman, Iftiino, Iido, Iimaan,
Ilkaag, Ilroon, Ilwaad, Indhadeeq,
Indhawroon, Ishaaro, Isir, Ismoog, Isniino,
Istaahil.
J
Jalaqsan, Jamaad, Jawaahir, Jeegaan, Jinnow,
Johro, Johorad, Joogdheer.
K
Kaabo, Kaad, Kaadsoon, Kaafiyo, Kaaho,
Karuuro, Kinsi, Koos, Korraad, Kutubey.
Kh
Khadro, Khaladla', Khayrto.
L
Laaco, Lacago, Ladan, Leexo, Lisan, Luul.
M
Maandeeq, Maano, Macay, Magool, Malabo,
Markabo, Marwo, Miido, Mullaaxo, Muraayo,
Murriyo.
N
Naadiyo, Naado, Naaleeyo, Nafiso, Nagaado,
Nagan, Naqo, Naruuro, Nasteexo, Nuurto.
O
Ogaal, Oriyo.
Q
Qaafo, Qaayaweyn, Qaladla', Qalanjo, Qarad,
Qoordheer, Qoran, Qorraxo, Qumman.
R
Raagsan, Raalliyo, Raaqiyo, Raaxo, Rako,
Rakuubo, Rashiido, Raydabo, Reemo, Roobo,
Roon, Rooxo, Rummaan, Ruun, Ruxan.
S
Saado, Saafi, Saaqo, Sabaad, Sagal, Sahwiyo,
Salaado, Saluugla', Samawado, Sareedo,
Sarreeyo, Saxansaxo, Saxarla', Siman, Sitey,
Soohan, Subkan, Suleekho, Sulubo, Sureer,
Suubban.
Sh
Shaadiro, Shacni, Shahmaad, Shamado,
Shankarroon, Shaqlan, Sheegan, Shifo,
Shoobo, Shumey, Shuun.
T
Tagsan, Taliso, Tanaad, Tawllan, Tigaad,
Timiro, Tiriig, Tisqaad, Toolmoon, Toosan,
Tooxey, Tusmo.
U
Ubax, Ubbolacag, Udgoon, Ugaaso, Ulasan,
Umal.
W
Wacan, Wanaag, Warfog, Waris, Warla',
Warmoog, Warroon, Warsan, Wiilo.
X
Xaadsan, Xaali, Xaddiyo, Xalwo, Xamaro,
Xareedo, Xiddo, Xiisaan, Xinbilo, Xirsiyo,
Xorriyo, Xukun.
Y
Yusur, Yuusa.
Ururshey:
M. C. Xasan "Alto"
xasan_maxamed@hotmail.com
Helsinki, Finland |