|
Gabaygii:dabuubtaada
gabay ...........................................................................................
Xirsiyoow dabuubtaada gabay, deexsigiyo faanka Deelqaafka
caydaad duntiyo, dacar higoodkaaga Dacdaad qooshtay duulaan afxumo, soo dal
marintaada Dadnimiyo aqoon diin leh iyo, daacadnimo aadmi Umad darajo
kaa badan Xirsoow, cay ku dabandeebka Dabcigiina weeyiyo waxaad, dir u lahaydeene
Doogtiisa ruuxii is ogi, hayb ma daakhilo e Dun xumaanta aad leedihiin,
dihashidii hooyo Iyo duridda tiina ah haddaad, dhab u dareemayso Waligaaba
duul kale afxumo, kulama diideene Dabno been ku waynaaday baan, run u dalaabayne
Dulmi furihii adigaa noqdoo, daaray salafkiiye Haku dubato adaa soo dalboo
soo, durbaan tumay e Duni horre wax laga soo tagoo, daawo laga yeeshay
Dib usoo qufkaagiyo halkaad, dooxi nabarkeeda Waxaad uga danleedahaan
ka garan, diirka oogada e Iidoor haddaanu is dilnoo, duunyo kala qaadno Dad
walaalo ah baa nahay ilaa, duudki nabigiiye Daris baan wadaagnaa duda iyo,
doh iyo ceelkeed e Dirir nagu fogaataana jirrin, nabar dilaaciise Haddii
aan is dayniyo haddaan, nabad dalaynaaba Dantanada maxaa kaa galood, ugu dul
meeraysan? Yaa daano horre baadh ku yidhi, daalin yahoow wayni? Ma anagaa
dacwiyo kuula nimid, xaajo daba dher leh? Ma adaa damiin noo ahaa, daadka
naga moosa? Waa maxay daboolkaad rogtiyo, dakanadaad faagi? Dulanyahoow,
dillaal yahoow, waxyahoow boqolka diimood leh Durrayahoow, duqaanyahoow la
mid ah, duumo cudurkeeda Dab aad ololisaad doonaysaa, duul aad galisaaye Dabakeena
waa lagu yaqaan, dacar higoodkaase Gobta daristay reeraha dul iyo, dooxa wada
yaala Dabnahaaga how celin mar kale, kaa dun fiicanin e Waxaad tahay
dar Eebahay mid aan, abid ku daaqayn e Dowliskii aad qabateen marbaad, abidkiin
doontaane Dadaabaha markaad haysay eed, dararta nuugaysay Danbarkeeda
kaligaa markaad, daraysay weelkaaga Sii durugsadii eede iyo, damac xumaantiiye
Dudun dheer hadaad fuusho ood, duubab soo xidhato Ama aad daruuraha tagtiyo,
dayaxa guudkiisa Ama aad is kala daadisood, darin is laalaabto Dib in
aad u aragtaan ha sugin, dalawo naaskeed e Ninka duunyadii uu dhaqiyo,
daylo bahal raacshay Iyo kii dadkaa aaminaa, wax isma doorshaane Dub
Islaam in aydaan lahayn, diinna ku adeegan Ood dufusha eygiyo siddii, harago
doofaarka Aydaan u daahirin waqiin, dirir kastoo hoorra Daba joognimada
gaalka iyo, darin la jiifkaaga Yaa u noqon daliil muuqda oo, loox ku daabacan
e Dibad baxa dabayshiyo wakhtiga, daalka wada gaadhay Daroodna adigoow
lahaa, diifta uu qabo e Sharaftoodi adigaa dunshoo, dhigay daleeshaase Markaad
dabino qoolayso baad, magaca doontaaye Mar unbayna siddaan kuu daldalay, dayro
kaa dhigiye Ooy dabamaryeyntiyo sirtaad, dadi arkaayaane Dab kulmisna
intay kugu xidhaan, daaqad kaa bixin e Ooy sidda Darwiishkii oo kale, kaa
dildilin buur e Kuna odhan markaad duudahiyo, dooxyo badan jeexdo Daanyeerku
meel uusan korin, danni ma jeexsiisay Afartaa dubihii aan la dhacay,
Daaman Yicisleey dheh Dabakeenkii soo faantamee, cayda dabandeebay Ma
duldhigay gantaal duuban iyo, danab hilaacaaya Docda kalana wali hayska damin,
door dhan baa hadhay e Dab lashiday daluun olol ah iyo, dhamacda oo daadaan
Ninka yidhi dareemiyo ma gubbo, daaqa iyo cowska Iyo adigu doodaad Xirsoow,
daabacdeed dhahayso Duunyadii Ogaadeenka oo, lagu dabraynaayo Dusha Biibi
annaa caymiyoo, daaya idhi geella Labaduba danbaab kama fogiyo, been ku duruggeed
e Nin difaacda tiisaa ku kale, xoog usoo dirra e Duunyaba nin laga dhaariyey
oo, dhaqan digaag baal leh Ma daayeen nin dagan oos og yahay, dumasho mooyaane
Nafbaa diiday oo kula didaye, damac ma dhaafteene Bal intaadse duri dhaawacay,
kaagi baa dilan e Adigaaba doog weyn qabiyo, nabar duleelkiise Uus Fadhanfadh
diirani ku sudhay, mici daboolayde Diktoorana u baahdiyo, inaa lagu dabiibaaye
Inta aad dadaal caafimaad, igu daryeelayso Dabadaada maad dhayatidood,
adigu is daawaysid? |