|
Gabaygii:
Jaamac
Dayuurad
Abwaan Jaamac dayuurad baa markii Abaartii dhacday
dabo-Dheer 1975 baa xaaskiisi ku eedaysay dhibaatada
reerka soo gaadhay oo haarantay , markaas isna waa
garaysan waayey waxa marwadiisu ugu cadhaysan tahay
kolkaas buu gabaygan tirshay oo kaga waramayo
waxyaalaha aduunka ka dhacay inay ku eedaynayso
siday ugu eedaysay Abaarta markaas taagan waxuu
yidhi Abwaanku
...........................................................................................
Naahooy
codkaad xalay lahayd waa cilmila aanne
Cara edeg wax wada taabtay baa ka calmilaysaaye
Caleen doogle lama haysto iyo caano dhamidoode
Nin walibaCiyaalkuu dhaluu la carwa saadaaye.
Cashadaad qadaabaad i odhan cawro waa isaga´e
Cinda laahi wax nooga yimid ha igu caafiyini.
Ma anaa cirkaan di´ilaahaa curashada udiidey
Ma anaa
dhulka cawska jaray coodka lagu foofsho
Ma anaa ariga caatada ka dhigay caano laga waayey
Cadan iyo Berbera ma anaa celiyey beecooda
Ma anaa Cadaan iyo madoow wada colaysiiyey.
Calaqaadka ma anaa ujaray dunidan ciirciirtay
Ma anaa ciriiriga ka dhigay ceeshka iyo soorta.
Ma
anaa ceelashii wada qafilay ciriqa baasiinka
Ma anaa kufriga caasiga ah kaga cabaadsiiyey
Carab iyo yuhuud ma anigaa ciidamada laayey
Cali
Yusuf ma anigaa qabtiyo caadilkii boqorka
Caad iyo namruud ma anigaa cayrshay labadiiba
Ma anaa dharkeenii cadaa calal guduud dhaafshay
Cadrad
gabadh ah ma anaa ganbada caado uga yeelay
Ma anaa dowladeenii casilay caadi noqon wayday
Cududa iyo ma anaa Siyaad ciidanka u dhiibay
Caynaanka hay ma anigaa caalamka maqashiiyey
Ma
anaa cidiinii iyo tolkaa kaa casaba gooyey
Cuno ma anigaa kaa qadshay oo ceego kugu dhuujey
Caqli naaqus ma anigaa ka dhigay adiga iyo canykaaga
Cusribaa dhacaye sow yusriga kama cad dhawrayno.
|