|
Gabaygii:Xirsiyoow
...........................................................................................
Xirsiyoow badheedhahaad furtiyo, baydadkaad
curisay Bunaaxyaynta sheekada badalan, hadalkaad buunbuunin Run ka boodka
boolxooftadiyo, been gayax sheegga Haddaad boox lasoo tidhi adoon, baacin
karin maanso Allay lehe badweyn baad gashiyo, baxar ku qaadaaye Boqorkaan
dhacayn ee murtida, baarqabkii gabayga Billaddeeda wiilkii hantiyey, barrihii
suugaanta Haddaad beer adaygaaga tidhi, waan u bixi maanta Naf aad birqooshaad
siddaa, ood budka u qodiyee Is biimaynta qaarkeedna waa, kuu baraarnimo e
Ma gaadhaayo bayd aad furtaa, Boqorka Dhoodaan e Anaan baratamaynaa haddaad,
wax is bidaysaayse Billaawuhu markuu kugu dhaco, iyo baaska daba joogga Barkad
naxa bariiqada siddii, bilista how yeedhin Hayeeshee markaad bi'i markuu,
biligu kaa duuli Balaayada adaa raadsaday iyo, ba'a iyo hoogaaye Haddaad
boogo lee dahay rag, waa la iska buusaaye Basarkaaga wiilkii yaqaan, baabka
cudurkaaga Batraan iyo afxumo, looma baantamo e Haddaan buuggagaaga u
akhriyi, beelahoo idil e Oon soo bandhigayaa waxaad, biijo qarisaane
Banoonigaad cayaartiisa tidhi, buundada iyo guusha Anigaa Ogaadeen ka
badin, beegsasha goolka Beentiyo warkaad sheegayso iyo, bootada iyo faanka
Biyo kaga dar aadmiga badhbaa, garan ba'naantaaye Waxaad iga badiso
waad og tahay, baabka uu yahay e Bisinkii Ilaah iyo ma aha, diin aad barataane
Waa baal fadhiisiga kufriga, aad baariyo u tahaye Afartaa banbaaniyo
garnayl, buuxa oon riday dheh Ragbaa baydka kala gaabiyee, bogoshadaydii dheh
Erayada ninkii bowsadaa, baacin kari waaye Bidda murantay baasuukihii,
aan la beegsaday Bushuclana markii aan dul dhigay, bii emka iyo suuga Ma
barkagay ileen baraq nuglaan, waw Bah Yibireed e Ninkii buur haraatiyey
in uu, bowdada iyo lowga Biixida ka duulo oo qalbigu, bururo mooyaane Miyuu
baal u ridayaa hadduu, waligii boodboodo Bakaylihii maroodiga tafaad,
baabadii tahaye Beerxaanidaad sheegtay eed, aadna ugu baantay Eed tidhi
baroonkiyo shilkiyo, bii emkiyo suuga Boqol baan la hadhay maalintaa, wada
banaadiikh ah Bishimaha warkaa kama dhihin ee, buukadaa hadashay Waad
ogayd bustii kaa kacdiyo, baabi'iyo maydkii Bakhtigaaga anigaa ka naxay, buuxay
tuulada e Adigooy baroortaada iyo, baxayo yuuskaagu Bar cidla ahna kugu
ootay oon, kugu budhaynaayo Kufrigaan balaynkuu watay, iyo nacay bidhaantiisa
Baqaaqdaadii gaalidii ku timid, cabasho boygaagii Belgium kii iyo Maraykankii
aad, siisay buruqdaada Ayaa barigii iga kaa rogay ee, ilama buuqdeen e
Kismaayana baqihii aan ka galay, balasle yaacaygii Buruuj iyo laxaad iguma
kicin, baawar iyo xoogg e Barkimada habaynkii ragay, badhidu naafoowday Balwadaadii
baan uga baxay ee, ilama buuqdeen e Bur ku qariya meel aan lahayn, iyo
banaan diiran Barqo laysku weeraray dagaal, boqonta loo xaytay Baaruudu
way kala fagtee, binad markay gaadho Waligaa il-biriqdeedna maad, ii bir dhigin
goob e Adoo bowdyo weyn oo xun oo, badhi laalaadin Birtii wabaxa kaa noqon
jirtaa, barigan kuu taale Orgigii baxsaday ee dharaar, baarimaha geeska
Ha baqinee ku daaq adhiga yidhi, baadka iyo cowska Markay qoraxdu baal
dhigatay ee, bahal ciddii yeedhay Hadhow yidhi balaayaa dhacdee, yaa i bixinaaya
Haddaad baabadiisii tihiin, baraq nuglaantiiye Bu'da Waamo baaxaa dega
iyo, badaha liilkooda Barrigiyo bustaantiyo carrada, bilic wanaageeda Biyo
baxadda waadi beel kastaba, beeraha ku faafa Hadduu barro rag lee yahay ku
yidhi, Peter adigaa leh Uu bayda kuu tumay kufrigaa, balagta laalaadin Una
bara riyaaqdeen warkay, been been siidu sheegtay Bona faalso uu kaaga qoray,
buug aan soconaynin Bashaalka gogashay ahayd, beenti ku ekayd e Waa taad
ballo ka qaadaan inaad, boos ka falataane Baroor baad qoslaysaan, adooy
boogi kugu taal e Haddaad balaxsigii qoomamayn, baarinimadiiye Adoo ba'ay
adoo si u bukoon, dhinac kuu baaqan Oo baras la moodkii ku helay, bahalkii
kaa dhoofay Bilaawaha haddaan kula dul imid, kuuna beer naxaynin Oo aan
baryiyo tuugmadana, laysku bixinaynin Baaqigiinu goor uu tagaba, tan iyo Boosaaso
Soow ma aha Badweyntiyo, in aad baxarka sii jiidho Barqo weerar lays
galay dagaal, boodda lays galiyey Markaad bayda wada jeediseen, buruqda kaa
toogtay Badhi dhiigtii saacaday baxsheen, siddii baraar naaxay Birtu ruubatee
jilicsanaa, barigii ay yeedhay Basarkeedi baad taagan tihiin, baraq nuglaantiiye
Birlabnimada waa loo dhashaa, lagu booqdaa wiil e Booddada dhir kama baydhidaa,
baabacaduu maalo Baabuurtii Japan keentay ee, baratami waagii Ninkii baas
ku dhaafayee siddii, biriqda haadaayey Ooy buurtu celin wayday iyo, boholihii
Laamo Ma afkuu baxdooy kuugu noqon, buddo ka liitaaye Wiilkii baacsan
jiray baa kanoo, meel barriyi taagan Bisad dabadeed haddii uu galana, aan
ku bixinaynin Haku qariyo baadarigii aad, shalay ku baanaysay
|