|
Gabaygii:
Shillinkii
Xinduugan
...........................................................................................
Meel Xinduugan la yiraahdo oo haatan
ceel laga cabbo ah Gaalkacyana raacsan oo geelal loogu
sheegay ayay soo beegsadeen. Degmooyinkii halkaas
degganaa kolkii ay ka war heleen inay Daraawiishi
dhulka ku jirto ayay geelashii qaxiyeen hase ahaatee
adhyowgii bay ka tageen. Colkii markii uu yimid meelihii
geela loogu sheegay oo tuludna ka waayeen ayay niyad
jabeen. Waxay la kulmeen adhyowgii oo tuban oo qaxid
loo diyaarinaayo, markaas bay ciil daraaddiis, kame
tegine horta marsadeen !.Gaajadii
haysey ayaa ka fuqday kolkii ay qalqasheen wanankii
shilista ahaa oo ay haddana caanihii adhiga caloosha
ka buuxsadeen.
Ismaaciil
isagu ma niyad jabin, geel la'aantana kama xumaan
mar haduu adhi helay! Gabay ayuu arrimahaas oo idil
ka mariyey oo ahaa:
Shillinkii Xinduugan haddaan shalay jahaad geeyey
Shigta weerar guutadu hadday sheed walba u qaadday
Shaaruflaha Majeerteen hadday shidatay reerkiisa
Haddaan
shaaca waaberi u raray shubitinkii ceelka
Shamsadoo nin jooggiyo haddii loo shinshimay awrka
Arlada gaadaanka shaabbaha shaamareer dhigaye
Gebagebada
shiilka ah hadday garo ka shawlaysay
Shan-fac-alhu-gub gaalada haddaan sheemo kaga teednay
Shuqulkii mindiilaha haddii shaarrufluhu yaabay
Horweya
lagama soo shubo gunaan shucub ka foofeyne
Anoo shiiday baan helay wankii shirixa weynaaye
Shiiliinka ii keen Ilaah waw shukriyayaaye
Nin
shahiida baa loo ogaa inuu shaf goostaaye
Nimcadaan shareecada ku helay yaan ka shaabacaye
Shaashlayda ii sudha ratiga shaambin dabadeede!
|