 |
Guudka Kuu Marin Xinaha
Gabaygan
Cali Dhuux Waxuu marshay isagoo jooga Magaalada Burco oo wada
Jooga warsame Aw Adan oo Ahaa Reer Caligeri Ayaa iyagoo hadh
qoodaalka guriga fadhiya oo xine doonaya in uu gadhka marsado
ayaa waxaa u yimid Niman seediyadiis ah oo habar-Yonis ah deedna
Warsame Aw adan bay ku xille fureen inay iyagu gadhka xinaha u
mariyaan, Cali Dhuuxna meesha buu fadhiyaa oo Qolyahan
Habar-Yonis garanmaayan Cali Dhuux. markii gadhka ay Warsame Aw
Adan xinaha u amarsheen baa cali Dhuux mudo dabadeed Hawd
ku noqday Halkaas buu gabaygan ka soo mariyey isagoo warsame Aw
Adan la hadlaya Waxuu Yidhi Cali Dhuux:-
Warsamoow haddaad guurti
tahay oo wax garanayso
Gaar fooq leh kuma aad seexateen gobabka dhaadheer eh
Geyi aan xigaalkaa fadhiyin kuma go'doonteen eh
Nimanka aad garbaha haysato ee gacanta saarayso
Ee guudka kuu marin xinnaha baa ku gowriciye,
Adigoo ginaga raadcayn ayaa meel laguu galiye,
Gaadh baa lagaa qaban sidii goraygii dheeraaye,
Goombiyad af-leh iyo toorrey baa lagugu googooyn eh,
Hadad moodi gaaladu inay gacalow kuu heelin,
Garoomada kuwii lagu tolay iyo giibba duudsiye,
Maadigay garnayl kuula dhici gooshka habar yoonis,
God abeeso lama jiifsadoo haqalu guurayne,
Gucumaalo aar loogama gabado geedan celinaye,
Gabraar kaa hungyadaan arkee gura alaabtaada,
ka googooso geeri ha ku sugin guriga Iidoore
<Top>
By: Ahmed H Aden
<Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|