Ismaaciil Mire

Gabaygii: Wallee cayn
...........................................................................................
Ismaaciil mire markii uu damco inuu arrin qudha wax ka yidhaaahdo waa u soo arartaa, meelo kale ayuu soo maraa waa soo warwareegaa,markaas buu gunta iyo wixii uu u dan lahaa u soo dhacaa.Rag badan oo gabya ayaa habka caynkaas ah la wadaaga inkastoo isaga aan ararihiisa laga heli karin gabay-ku-faan iyo goodi sida loo badan yahay.

Tixdan yar wuxuu uga jeeday inuu wax kaga sheego caaqilladii Ingiriisku uu qortey ee Laaluushka qaadan eexda iyo xaqdarradana dadka ku maamuli jirey. Saddexda tuduc oo ugu dambeeya ayay dantiisa ku dhan tahay inta horse waa arar iyo meelo soo marmar Wuxuu Yidhi:-

Wallee cayn raggii degi jirow ciir ku lulan maysid
Wallee belo Cigaal Faaraxow waad ku cidhib beeli
Wallee ceel qodiyo cuud dhaqaad Caligerow eedi
Wallee carab nimaan fuulinow caguhu way daali


Wallee tuug ciddow dhacahayow calafdhadh baa jooga
Wallee gabadh ciddood noqotayey calow la'aan maysid
Cabdiyare haddaan shalay ogaa cudurtidii haysey
Caydiidba aabbihii ka tegay cadow intuu siiyey


Wallee curad nin koolkooliyow kuma caneeqaaddid
Haddi cuurka reer Faarax Hagar culus xerayn waayey
Wallee caano geel nin bartow ka curdansaa dhaanta
Curdadkiyo jugleydiyo haddaad cagaleyda u yeedho


Oo habar dugaag oo cammiran cudud kugu raaco
Maroodiga cawaarsaday hadduu ciidan kugu raaco
Wallee Cumar-luglawaw libaax kama cod weynaatid


Haddii Caaddilnimo loo gar naqo ma laha ceebaale
Waxa lagu cadaab mudanayaan cad aan bannaanayne
Wallee caaqillladu tay hayaan camal kalow dhaama!

<Top>

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)