|
Gabaygii:
Maxaad ula hableysaan
...........................................................................................
Dagaalkii jidbaale markuu dhacay 1904
ee Daraawiishtii Sayid Maxamed xidhiidhkii u gooyeen,
ka dib markii rag door ah oo kun nin gaarayey ay jahaadkaas
uga qudh baxeen. Reer Hagar waxay ahaayeen Falaago Ingiriis iyo
Daraawiishba ka qayliyeen, dhib badana u gaystey labada qolaba
waxna uga naafeeyey qolyahaas ayey la degeen.
Ismaaciil isagoo Caligeriga ku guubaabinaya inay Xarunta
soo beegsadaan isla markaasna xusuusinaya nimanka
ayla degeen aanada iyo godobta ay ka qabaan ayuu tixdan
Mariyey.
Caligerigu hawdkuu fadhiyey haawey beledkiiye
Maxaa Hiiradow' kuugu dhaqan hadhaca Buuhoodle?!
Idinka iyo reer Hagar Maxaa heel isugu keenay
Heellada markay tuman maxaa ula hableysaan dheh ?
Nimank'ii raggiinnii hantiyey ee hanadyadii laayey
Haawey nimankii ka dhigay hodan qabiilkiinna
Sidii niman halaag qabin rnaxaa ula hoyaaddaan dheh
?
Mar kale wuxuu isla arrintaas lafteedii ka yidhi :
Nimanyahow awaar gabay beryaha ooduhuu rogaye
Xalaan alaladoo kacay saqdii umal daraaddiise
Aan asteeyo caawana halkaan alifka qaadsiiyey
Aqbal xaajadi weydaa waa aamus taladeede
Jinni wuxuu addoonsaday ma jiro nimaan ku eedaaye
Kuwii aabbayaashiin dilee idin agoomeeyey
Ee naagihiinni igdhaad uun ka baridaane.
labada gabayba sida muuqata way kala dhimman yihiin,
hase ahaatee waxay labaduba inoo sheegayaan hab ka
mid hababkii ay Daraawiishi dadka ka taga ku soo xero
gelin jirtey.
|