Ismaaciil Mire

Gabaygii:Todobaan bax´naaninayaa
...........................................................................................
Tixdan wuxuu gabyaagu mariyey mar uu intii muddo ah jirranaa oo ay duumohaysey Kolkuu yarehe soo roonaaday ayuu - mindhaa - afadiisii Dhiimo ka gartay inay isdamacsiinayso. Wuxuu yidhi:

Naagyahay, ma toobsado haween taag ninkii gabaye
Tinkaygiyo markaygaad ka garan taws inaan qabo e
Tif ma siiso gaawaha hashii cudur taftaafaaye

Isma tuunsho orod neef haddaan tahartu noo­layne
Ma tis Qaado oofaha ninkii toobin kaga yaale
Talo xumada laqankii yiqiin guga tabaalowye

Tabtii buuri kaad ugu dawakhi toolin kuma yaale
Turaalse kaama sugayo oo waxaad taban sed­kaakiiye
Xalaytuu istuxumbaaray oo tiil yar baw hadhaye

Toddobaan baxnaaninahayaa ee taa iskaga seexo
Tafriidna haygu ridin naagi waa taan aqoon jiraye.

<Top>

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)