Ismaaciil Mire

 

Annagoo Taleex Naal: Ismail Mire
........................................................................................................................

Gabayga aan kor ku tilmaamay, wuxuu ahaa warbixin, uu Ismaaciil Mire, ka mariyey dagaalkii ay isaga hor yimaadeen Daraawiishta iyo Ciidankii Ingiriiska ee uu ammaanduulaha ka ahaa Richard Corfield. Dagaalkaasi wuxuu ka dhacay goobta loo yaqaan Ruuga ama Buurta Dulmadoobe, 9kii Agoosto, 1913kii. Gabaygu waa warbixin ka warramaya sidii dagaalka loo qaaday ama loo abaabulay, sidii loo duulay, weerarkii iyo sidii xoolihii looga soo dhacay qoladii lagu duulay, dhimashdii Koofil, iyo ugu dambaystii soo noqoshadoodii iyo saamigii geela. Ismaaciil Mire, wuxuu ugu warramayey Sayid Maxammad iyo Qusuusidii Daraawiishtii kadib markii ay xoolihii keeneen Xaruntii Daraawiishta ee Taleex iyo gacan laga soo jaray Corfield. Gabaygu wuxuu ka mid yahay gabayada nooca ugu sarreeya. Qofkii bartaana uu aqoon weyn ka heli karo. Wuxuu Yidhi Abwaanku:

Annagoo Taleex naal jahaad taladi soo qaadnay,
Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka,
Sayidkeennu tii uu na yidhi Torog ku heensaynnay.
Wareegada waxay uga tawalin yaan wax kaa tegine,
Sibraar caana geel loo tabcaday Talax ku sii maallay,
Misna tawlka qaalmaha tanniyo tulud u soo saarray.
Ilaahay ha tabantaabiyee noogu tacab khayrka,
Shakadaha intuu noo tamilay tiisa nagu waani,
Tiirkii Rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuullay.

Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha qaadnay,
Habeenkii fardaha waw tudhnaye taag ku sii mirannay,
Tun biciida lagu qoofalyoo xamashka loo taabay.
Goortii ay Talaaduhu dhaceen talalayoo reemay,
Tixda gabay kolkii aan akhriyey toose niman jiifay,
Tiraabkaygu meeshu ka baxay la isku soo tuumi.
Salaaddii markii loo tukaday yaari kaga taagnay,
Togga Ulasameed dooyadii horay u tuuryaynnay,
Intay Timacad noo soo arkeen marada noo taage.

Sengeyaal tabaadihiyo gool weerarka u tooxnay,
Sidii Teyse rooboo onkoday tiririgtii yeedhay,
Teeriyo Berbera qayladii tahan la waydaaray.
Tiiraanyo ololkii dhulkii taani naga qaaday,
Tafwareemanmaynine intaan tubay ku aanshaaday,
Taambuuglayaaliyo kuway tebaysey soo gaare,
Annaguna dagaal kama tagnee tiimbad ugu rooray.
Tala xumada awrtuu xidhay baqi tarraarsiinnay,
 

Girligaanku meeshu turqaday lagu tu'sii geela,
Tirsanmaynin uunkii tirmiyo Tulushle Iiddoore,
Turjubaannadii daba socdiyo Koofi lagu toogay.
Maadhiin turaabtaa ka badan tuurta kaga qaadnay,
Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay subaxaaba,
Tukihii intaan niman u wadhay tobanle soo qaatay.

Galabtaa carraabada ku timid Turugga Buuhoodle,
Gebagebo u tooxnoo Kufriga Maarre kaga teednay,
Habeenkaa ninkii tabar badnaa tarantarree gaadhka,
Habeen kalena Taxaasheey Nugaal Godan u tuuryaynnay,
Habeen kalena Tuuraha Cadduur toolin kaga maallay,
Habeen kalena tagaabeeye iyo tu'innay Hayllaawe,
Habeen kale Dariiqada tubnoo toosan lagu qaybsay.
 

Toban gool tabaadiga noqdiyo toban unuun-gooyo,
Iyo toban tiftii hore rimayoo taawi lagu qooqshey,
Iyo toban abeer tawl ahoo tikhilka qaalmooda,
Iyo Toban irmaanoo aniga la igu taageeray,
Iyo taan eryoon jirey kolkay toban tahaan joogto,
Tookh laguma faaniyo afaan taabbud noqonayne,
Intaa Xarunta soo tubay xaqaa lagu tanaadaaye.

Warka Tuurre waa laga hayaa taniyo Iimeeye,
Waa Xamar tarraaroo haddana taab ku sii daraye,
Taltallaabsigiisiyo kadlaha tabo kalaw dheere.
Kolay toban riyaad tahay adduun waydin tirayaaye,
Tunkaana waan ka soo xidhahayaa Timirki dheeraaye,
Ma baddaa tuldaha loola kici Tuurre naaxsadaye? !!
 

Tafantoofka gaalkuu u dilay waa tix geliyaaye,
Suuldaan Ruunna loo tebi inaan tuuladii gubaye,
Tulud uma godlaan reeruhuu tawl ka saanyadaye,
Anigana tis bay galay intaan col ugu taagnaaye,
Tima soohanloow Eebbahay kuma tabaaleeyo.

Dhammaad.

 

 


<Top>

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)