|
Gabaygii:
Talaabada dakee
...........................................................................................
Dhiimo
Cawad waxay ahayd dumarka uu Ismaaciil intuu uu noolaa
guursaday
marwadii ugu danbaysay .In badan ayuu gabay waano
iyo wax u sheeg ah u mariyey, waxaana ka mid ah gabaygan
ee uu arimaha dhawrka ah ugu sheegayo Shan waxyaalood
buu ku boorriyey inay ku dedaasho, Cabsi ILAAH. Inay
martida u dadaasho.Inay Dhaqaalayso xoolaha. Inay
iiska jirto Kuwa baadiyeysan.Iyo inay xarago ogaato
Darwiishku waxuu Yidhi:-
Naagyahay
waxaad damacday iyo dunida xaalkeedu
Waa labo duddoo oo kala fogaan doy isu lahayne
Dulligaad la joogtiyo sidii dahab u laacaaga
Doqonniimo hadalkaaga iyo duq iskayeelkayga
Waa dabo bangool iyo garkoo durufba meel yaale
Naa hoy dandaan lama rujo e maqal dabuubtayda
Naa hoy digniin baa ka timid dabaqi naareede
Naa hoy Salaadda u dedaal dunidana u fiirso
Naa hoy martidu yay dibjirin timid duleedkeena
Naa hoy markay duraha tahay dabax wankaad hayse
Ha yeeshee durduur uga dhigoo doobina u raaci
Naa hoy duqaad rarato yuu dabar la'aan foofin
Naa hoy dusmaan baa jiree dadabta cawsayso
Naa hoy dan haw gelin hadday durufi kuu baanto
Naa hoy iblays miduu dirsaday gogosha haw daadin
Naa hoy dufule waalan oo daaddufaa guda'e
Hayeeshee dib haysaga noqdee il iyo dan xaabi
Middii daba saylaamisa oo socod dameeraad leh
Oo lugaha darandooridaa waa darxumna weyne
Naa hoy talaabada dakee yaan lagaa didine
|