Miisaanka Tallaabada Geela
Lagjar Faranji
niman baa akhriya laawis iyo been'e
Oo weliba laasima intay lib isku moodaan'e
An'se wax'aan u laaqimahayaa tix'ay ku luuqshaan'e.
——
Salaan Carrabeey
GORDHOW AY'AAN MAQLAY war iga
yaabshay. Nin ustaad ka ahaan jiray Kulliyaddii Luqadaha ee la oran
jiray Axmed Nuur, ayaa "Lagjar Faranji" ku dhiibay, in
nin geeljire ahaa uu ka bartay hooriska ah: "Hooyalayay
hooyaalayey hoyalayey hooye, alla
hooya hooyaalayee hoyalayeey hooyee"—hannaanka
uu geelu u saanqaado! Gabyaagii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay,
sidaas awgeed na, uu halkaas uga dayday, jilay na socodkii geela!
Kulliyada ba, gole geel ayay iska ahayd; ustaadku na geeljire
ayuu iska ahaa. Nin xertii, ustaadka isaga ah, berigaas ka
mid ahaan jiray ayaa iiga sheekeeyay sheekada iyada ah.
Ardaygiisii ay'aan ka codsaday:
Hal tusaale
oo arrintaas qiri kara, ama ba caddayn kara, bal in uu iga siiyo?
Wiil sidii geela dheer na w'uu ahaa, runtii. Ardaygii inta is
goday, is tooxay, hongod na isu yeelay ayuu hore isu tuurtuuray
sidii geel sii cadceedsanaya! Tallaabo kasta ee uu qaadayay na, "Hoyaalayeey,
Hooyaalayeey … " ayuu ku luuqeynayay; sida askarigii
Karkadeey[[i]]
ahaa ee joogi jiray Xeradii Xalane ( loj[[ii]]
Bootiko, ama Ottogrubbo) ee gaardiga lagu jaangooyn jiray
hoojisyadiisii laqanyada badnaa: "Koooowy, Laba',
koooowy, Laba' … dibuhjaaaaaaaaaangso'… Koooowy,
Laba'! Koooowy, Laba'! Jhaags'oh!" Halkaas
ku jar gaardiga geela, ama militeriga. Warkii
oo kooban, ardaygaas, maanta, waa tifaftire caanbaxay!
Eeg, hadda ba. Raamsiga
uu geelu miciyaha isku riiqo, doobbinta geela, ama
cabaadka geela ayaa "Hooyaaley" laga hiddoraacay haddii
uu ustaadku oran lahaa, waa mid aan qaadan kari lahaa. 'Yaanan ku
talaxtegin. Ogow, maansada Soomaalidu, waxa ay ahayd mid
weligeed ba geela si aad ah ugu soo xirnayd: "Asaxaabihii
hore ba w'ay ku intifaaceen'e/Aakhiro nimaan geel lahayn la ma
amaanayn'e" gabyaa yiri, ayaa hore jiray!
WAA MAXAY
MAANSO?
ODHAAHYO LA tibixqaaray[[iii]]—hawraarro—la
halabuuro ee ka kooban dareen qofeed ee sadarro lagu dhigo
ama tuducyo lagu laaqimo: waa ogaal guud oo ay dad badan
maansada ku qeexaan. Maansadu waa dareen ama fiirooyin
ka kooban ereyo iskudhafan ama ba "tixo", kuwaas oo
aalaaba leh luuq, habdhac, iyo xarafraac dheellitiran.[[iv]]
Ma ku deeqday warcelintu? Haddii ay warcelintu kugu filnaan weydo,
waxa aad u baahan tahay in aad kordhisid aqoontaada, si aad uga
feejignaato oo aadan ugu dhicin godadka badan ee maansada
hadoodilan. Tolow, wax kasta oo jiib, jaan iyo
miisaan leh waa maanso, miyaa? U fiirso meerisyada hoose maxay
ka hadlayaan:
Aaminow sanduuq furatooy
Aabbehaa dhark'ow dhaqaa
Hooyadaa bunk'ay dubtaa
War naga tag waridkaa la cadaab
War soo gal genber waa kaanaa!
HADDII AY MAANSO tahay iyo
haddii kale ba, waxa ugu weyn ee hees carruureedda laga
dheegi karo, waa in odaygu uu duqda dharka u dhaqo—baarrigaas oo
kale maanta ma noola! Marka se qarruuddu doonayso saygeeda in ay
korka u subagto, carruurta waa la kala eryaa. Foolbaxsiga
kadib na, wixii "hooddi" soo yiraahda ba, waa la soo
dhoweeyaa, fadhiga na looga kacayaa. 'Yaa kuu og se sanduuqa
gabadha Aamina ah ay furato, wax ay ka raadiso?
MAANSADU WAA in ay wax u
kedisaa sida inanta ay hooyadeed ula baxday Quruxley; ama se
ba hooyada wiilkeedii Dalnuurshe ahaa oo kale. Labadaas
qofkood oo siijeedka wacan—hubqaadka iyo tamashlaha na lala
cajabo; dabadeed na, inta aad faduulisay kugu soo jalleecay weji ka
sii fildaran foolkii waraabahii Miirroon. Sid'oo kale, waa in ay
maansadu ku irkataa—filawaa. Xiise badan ma yeelato haddii ay
ka hadasho dhanka muuqda ee ina soo xiga uun; waa in ay inoo "jeedaalisaa"
soojeedkii inanka ama inanta, barbarkii kale,
barbarka-islaankii quruxda, muuqa, malaha, colaadda, nabadda, … iwm—dhanka
cillan ee naga daahsoon. Gedda ferenferka uu dhulka ciidda uga
soo fago, maansadu na waa in ay soo quftaa dareenka ku jira
qotooyinka hoose ee gabyaaga. Si duwan, si lamafilaan na ah, weli ba
na la yaab leh: "hadba mid aynu moog nahay", waa in ay si uun
uga soo "mudh" tiraahdaa qeyb ka mid ah tixihii maansada.
Geyigii maansada waxa ka oogsan doono, ma aha wax ugub ah; bal
se waa wax "duug ah" oo si "ugub ah" oo kale loo
dhalanrogay. Erey, erey kale u yeelay ujeeddo kale; iyo waa in ay ka
soo dhexcurataa, ujeeddo abuurayso, ujeeddo kale. Wax'aas
weligay ba w'aan ogaan jiray—w'aan arki jiray, maqli jiray, urin
jiray, dhadhamin jiray oo taaban jiray ee sid'aas ba hoos ugu ma sii
eegi jirin,"—waa in uu is yiraahdaa goor kasta na, markii
dhageystahu uu wax ogaado ama ba la ogeysiiyo. Hadda na maansadu
waxa ay ka hadli karaysaa waxyaabo sooyaal ahaa; waxyaabo aad ogayd;
asii aad hadda na si uun aad u moogan'ayd.
MEYMUUN
BIYOW, laashimey la oran jiray; si
aad ah na looga aqoon jiray Dhica Berriga Geed-Gaab (Deexda),
iyo waxa ruun carramadow ah ee ka tirsan gobolka Shabeelle Dhexe—gaar
ahaan buulada la yiraahdo Maaggaay. Maalin maalmaha ka mid
ahayd, ay'uu Meymuun nin ugu yimi beer ay falaysay (limeysay);
isla jeer ahaan na, xodxodasho u galay. Isla goor ahaan na,
waxa ay ilqoor ka aragtay saygeedii oo iyadii meel dhabarkeedii ku
beegneyd is soo taagay. Labada rag se isu ma ayan jeedi kareyn; see
tubaal bal ahayd ayaa ku kala aaddanayd. Si aan uu duqeedu u
maseerin(hinaasin);
labada dibi na ayan iskugu daanjebin; barbarkii uu
ninkeedii ka jiray iyada oo eegaysa, ay'ay tuuggii ku tiri:Ar
ballankii horeeto
Beenteyd'i waaye;
Iska soo banaanbax
Beer ninkeedii joogo
Bal ka dhiibi maayo!
Meymuun—naag garaadkeedu
in'uu aad u sarreeyay ay dadku ku sheegi jireen—sheekadii oo
idil waxa ay u rogtay sitaahoo ninkii doolka ahaa uu iyada ka
codsanaayay bal uu siciisa daajiyo!
Sida aan ka wada baxan nahay, meesha shukaansi ayaa ka
soconayay. Balka aysan dhiibi karaynin, max'uu yahay,
hadda ba? Bal u fiirso: macneha uu u sammeynayo
dhegeystaha (innaga), shukaansadeha, iyo naagta
beerreyda ah; iyo macne duwan ee uu u sammeynayaa ninka ay u
dhaxdo beerreyda; saaygu waxa uu ka dammoon yahay ujeedda ay
naagtiisu ka hadleyso. Nin ba si ay'ay wax u tiri; ninkood ba na si
wax u garay! Sow la ma oran karo in maansadu ay gabyaaga ugu deeqdo
odhaayo isla hadda na ka dabuub duwan oo hadda na u yeesha—maansadiisa—ujeeddo
kale ee ka duwan asalkii ujeeddadii ay sameyn karayeen ereyada
qayaxan? Gabyaagu haddii uu si uun wax u yidhaahdo, waa in
aan loo qaadan uun sidii uu wax u yiri; waa in loo qaataa si kale ee
"duwan". Balka, laga hadlayo halkaan ma
ahan "bal" qayaxan; waa xubin ka mid ah xubnaha dheddigoodka.
Kalatagnaanta u dhexeysa, ku na saabsan sida saayga naagta uu
u qaadanayo isla halkii erey (bal), iyo sida ay iyadu uga
jeedday ayaa la yiraahdaa legaaddo—si gaar ahaaneed, midda
tan waa—leegaaddo tiraabeed. Legaaddooyin dhowr ah ayaa jira.
Mar kale ayaan ka hadli doonaa. Hadd'uu Eebbe yiraahdo. Beerta uu
bal ku yaal oo aan na ahayn beertaadii, in aad sacaaga daajiso
cadaab, iyo cudur ayaa lagu mutaa. Ragow na, taa ha la ogaado!
MA OG TAHAY MAANSADU in
ayan ahayn wax la iska yiraahdo uun? Sidaas darteed na, gabayaagu
waa in uu "farriinta" u gudbiyaa siyaabo ay ujeeddo ku
dheehan tahay; dareenkiisa na uu ku tebiyaa xul ka kooban ereyo
abuuri kara muqaal cusub—garasho ugub ah; halka
muuqaalku na ka ujeeddo duwanaan, ka na ilwaad qurxoonaan doono—gebi
ahaan, isla ereyadii qayaxnaa ee isaga ba abuuray. Ereyadu waxa ay
maansada ku arradtiraan ujeeddooyin ugub ah.
EREYADU WAA sidii alaabta
iyo qalabka dhismaha loo adeegsado oo kale. Fuundiga ayaa la baxa
dhagaxaanta, qoryaha, biraha iwm. Isaga ayaa hadba sid'uu doonayo
qoriga iyo dhagaxa ba u qora, birta na u diisa si uu u taago aqal u
ekaan doono isla midkii hindisaha uu hore ugu sii qorsheystay—hore
uu maanka ugu sii hayay.
AYAANDARRI AYAA haysato
maanseeye Soomaaliyeed oo badan. Abwaanku waxa uu wax u qoraa,
wax na u diisa isla gedihii uu ka dhaxlay awooyeyaashii hore.
Maansadoodii na waa sidii ilmo mataano ah oo aan too na
lagu kala garan karayn muuqa ama ba maqalka. Ereyadu waa xubno
ka mid ah maansada; si kale haddii aan u iraahdo, maansadu ereyo
ay'ay ka dhisantaa. Dhismaheeda weeye waxa mutaysan kari doono
tayooyinka loo guuxo. Sida la wada og yahay na, daaro laga wada
dhisay alaabo isku mid ah ayaa mise na ka la qurxoon; negaanta iyo
ku noolaanshaha na ku ka la roon. Ma jiri karo miyaa qaab aan ka
ahayn sida gabay, salsal, geerar, baraanbur … iwm.? Ma jiro karto
miyaa maanso aan tibixqaarreyn? Maanso ka jiib, iyo jaan duwan?
GABYAAGA Soomaaliyeed,
haddaba, isaga oo aan luminayn hiddihii iyo dhaqankii awooweyaal,
waa in muuqii "aqalkoodii" uu ekaysiiyaa mid u dhigma lagu na
dhererin karo dhismooyinka dhaadheer ee "caadleefta" ah.
Gaadiidkii awoowe, "gammaankii fardood" iyada oo'n la
qaayatirayn: "loolkii iyo rogaalkii" lagu geli jiray, la na
xiisanayo, loo na hiloobayo hilinkii lagu dhigi jiray ee "haloosiga
ahaa"; farriinsidahu na, si uu uga nabadgalo halistii
waddooyinka loo naqi jiray "hayaalkii ducooyinka"; abwaanka
maanta waxa laga doonayaa in uu gadiidka berriga, gadiidka badda iyo
gadiidka cirka, "cirka wax lalaayeen lahayn, cago iyo raad toona",
ka na dheereeya "fardihii awoowe"; waa in uu ku
dalxiisiyaa gabadha Quruxley ah, iyo wiilka Dalnuurshe ah; balse
waa in uu uga duceeyaa shilalka lagu dhinto, iyo burcadda afduubta
socotada. Miyi iyo magaalo, labadu ba waa dalkaagii. Waa se wax la
la anfariro, hadii adiga oo magaalo ku nool in aad ammaanto miyiga
tayooyinka u gaar ah uun; adiga'oo iska indhatirahaya tayooyinka
kale oo ay magaaladu ba iskeed u leedahay. Ereyadan aad hadda
kicinayso ma aha "dhambaal" faras nin saaran uu waddo
kula soo dhacay; waa dhambaal kii hore la cag ah; bal se lagu soo
tebiyay tabo cusub—interneet—ee uu mardhow aadanuhu sameeyay.
Goortii Sayyid Maxamed Cabdulle Xasan uu lahaa, "Xuseenow
hubqaadday'e hadd'aad naga hagaagayso"; adigu na haddii aad
sidiisii oo kale yeeshid, gabyaa ay'aad tahay nool, beri' uu aadmigu
aad u ilbaxay, aad na u horaymary; ogow se ay maansadiisu se tahay
mid ay dib jirto—dambeyso. Gacalkayow, gabyaagow,
si leexsan ha ii garan. Kugu oran mayo, uga ma na jeedo in
maansadaadu ay tahay maanso uu tiriyay qof dibjir ah! Kolkii
la is kiin barbardhigo adiga awoowe se:
@
isagu waxa uu ii soo baxayaa nin
noolaa waayihiisii, nin ka mid ahaa raggii Soomaalidii shalay ugu
ilbaxsanaa—rag isbedellada waagoodii jiray dadkooda ku wacyigelin
jiray.
@
adigu waxa aad tahay nin jooga
qarnigii 21aad; gabyaa aan indhoba u lahayn—laga soo qaado cirka,
lagu na keeno dhulka: waxa hortiisa ah, waxa gadaashiisa
ah, waxa korkiisa ah, iyo wax hoostiisa yaal—degaanka
ku xeeran! Indhoolkii bakeylaha mar uun la tusay, sidiisii oo kale,
ha noqon! Maansada, tii gole geela, tii noloshii aayda duurka uun
ha la meeldhigin, ha na ku dhererin!
EEG GABAYGAN HOOSE sida
Ismaaciil Mire, waagiisii, uu u la qabsaday ilbaxnimadii
dalka la keenay. Ma ahan hayin la rarayo, ama ba socoto la
gurreynayo, iyo awr la garqaadayo. Waxa uu ka hadlayo waa baabuur(gadiid
uu mardhow gaalku keenay), raritaanka, rakaabka,
dabakafuulka, shufeerka, waditaanka … iwm.
Weli ay'aad ku arki karaysaa dalkeennii, muuqaalka sooyaalka
ah: sida Ismaaciil Mire, gabyaagu, uu ugu kaydiyay maansada
hoose, ugu na sawiray ereyada:
Baabuurka tegayow haddii tacab laga buuxsho
Ninkii too muraad u leh haddii lagugu sii taaro
Wiil tabtaada laasimay hadd'uu tumanka kaa fuulo
Tartarrad'iyo feedhaha hadii teneg lagaa saaro
Tawil gaabsha miihide haddii lagu tamuunsiiyo
Tuujaha' haddii lagugu dhego talel hinjiinkiiye
Oo toogo qumiyow sidii wadhaf laguu tuuro
Tafeennada' adoo boodh ku leh, iyo taabsinnada shaagga
Wax'aad hilinka taahdaba haddii suuqa lagu taago
Tumbul baa idiin iman markaad tigirka aastaane …
Allow, jecliyaa
maansada kore! Erey kasta oo ka mid ah waxa u iska leeyahay soohdin
isaga u gaar ah. Dhowr ereyo, haddii sidii awrtii dhaanka la isugu
xiriiyo, waxa soo baxahaya waa muuqaal cusub—muuqaal hayin
qura aan uu iskii u yeelan karayn. Hadda ba, xiriirinta eradyada
maansadu waxa ay la halmaalaan tixaha—ama dheh hawraarrada. Diilin
kasta ee maansadii ka mid ah na waa xiriirkii oo sii fiday oo kale.
Haddii "erey ba eray" kale saynta loogu dhafo, "tixo ba
tixo" kale lagu dhafo, waxa meesha ka soo baxaya waxa ay noqon "ereyo
leh ujeeddooyin cusb", "tixo leh ujeeddooyin cusub", iyo
"maanso leh ujeeddooyin cusub"—"xiriir cusub", "muuqaallo
cusub", "jabaq cusub", "dhadhan cusub" … iwm.
Dhaanku ceel loo raro, iyo dhul uu ku hirto ay'uu beegsadaa.
Maansadu na waa in ayan noqon sidii awrtii—koodii horjiray, iyo
koodii u dibjiray—caynaankii awrka ugu horreeyay lagu xiray seyntii
ratigii xiriirka ugu wada dammbeeyay; dabadeed na, uu raggii
na yidhi: "Allow ur u bixi"! Ha iska daba miriqshaalleyso!
Haddii hadda ba "shiririqowga" laga dheegi karo ifafaale u
baahan in la tibaaxo, ma xuma; markaas hadde waa in ay maansdaadu
soo ifbixisaa wacdaraha ku sidkan ee u baahan in dadka la
tuso, la na baro … iwm. Haddii kale, maansadu ba waxa ay u dhuran
oo qura: iska dabowareeg aan dhaafsiisnayn iska dabawareeg uun.
Taas na ma jecli. Ma garanayo; ku na wareeray waxa uu uga jeedo
ustaadkii qoray tiraabtan hoose:
Maqal. Ma jeclaan
lahayd in aad gabaydo? maansada ayaan ku barahayaa. Maanseeye
ayaan kaa dhigahayaa. … waxa been ah inaan qofkii rabaa aanu
noqon karin abwaan. Waxaad iska raariddaa in wixii qof sammayn
karaba aad adigu na sammayn karto. … Hase ahaatee anigu Soomaali
ku barimaayo. Waxa aan kuu dhigayaa habka loo gabyo iyo
shuruudaha iyo shuruudaha la doonayo in aad fuliso
…. (Barwaaqo,
Taxanaha Dhaxalreeb, I/2006)
MAANSADU KA FACWEYN wax
ku go'an oo qura jiib iyo jaan—iyo "godaka
labalaabma iska giiji shaqallada". Waa na legaaddahadal
oo kale, in uu isaga qudhiisa yahay maanmaal
jiro gadaal. See waxa uu isu tusiyay in qofkii barta
"miisaanka maansada", af Soomaaliga na si wanaagsan u yaqaan,
in uu maanseyn kari doono. Anigu si weyn ay'aan uga
soo horjeedaa qabka ustaadka. Waxa kale oo gef ah
dadka in aan loo tusin waxa laga hadlayaa in ay yihiin suugaan;
in aysan ahayn uun—"Axyaa Miisan! Yaa Soomaali yaqaan!
Maansooy soo deg!" Brofessor Gaarriye, hal tusaale ha i
siiyo looga gabay fiicnaan karo: Salaan Carrabeey, ina Cabdulle
Xasan, Qaasim, Qammaan Bulxan, Faarax Shuuriye, iyo in kale oo badan
oo aan wada jecel nahay, aniga iyo isagu ba? Taxanaha sheekada
suugaanta Soomaalida ma mudna in la qalmaroojiyo, qoorta na
la jebiyo! Kuwaas ma isaga ayaa wax ka bartay; ma se isaga ayaa
waxbaray? Ha i sheego, hal arday oo dusha ka wada qeybay "miisaankiisa"
ee tirshay maansooyin haallaasi ah oo ka qurux badan maansooyinkii
hore.
MIISAANKA "Gaarriye"
iyo qaafiyadda, labadu ba, waa waxa gabyaaga Soomaalida xoriyadda ba
ka qaaday. [Arrinkan waxa uu u baahan
yahay qoraallo kale ee isaga u gaar ah.] Qalbigaagu 'yuu jabin.
Miisaan la'aan, ma ahan maansola'aan. Haddii uu jiro miisaan,
miisaanku waa isla gabyaaga laftiisa. Sida aadan adigu qudhaada
ugu ekeyn Gaarriye, waa in maansadaadu na ka duwanaataa,
maansooyinkiisa. Ku oro: "Miisaan na ima saari karo qof i
maleeyaa'ye!" U sammee maansadaada, siyaabo u duwan, si aan uu
weligii ruux Soomaali ah ku haweysan in uu maansadiisa u dhiso.
Maansadaadu waa in ayan ka duwanaan maansooyin duug ah; bal se waa
in ay noqotaa wax ugub ah—wax run ahaantii cusub oo aan hore ba u
soo jiri jirin—mid aan uu Gaarriye weligii miisaanka ba saarin!
MAANSADA SOOMAALIDA aad
ay'ay u qiimo badan tahay; haddii ay dheellitiran tahay, iyo haddii
ay tahay mid dheellinayso.
HOBALKII LOO
GARAACO darbuugadii Cabdallooni, fooridii Xuseen Baajuuni,
iyo cuudkii ina Xudaydi, in ayan taas cod maacan dhuuntiisa ka
yeersiinayn waa wax la hubo; haddii aan Alle ku manneysan dalqadii
iyo dhuuntii ina Mooge Liibaan oo kale, iyo heesaaga aan halkaan
lagu soo koobi kareyn. Tusaale kale, habdhicii gaardigii
Karkadeey saanqaadkiisii na, ma dhaqaaq jira midka ugu wada
qurxoon baa! Liicliici laafyahii Quruxleey, bal
taas ka warran! Maanso, ma ahan wax la cabbiri karo, ama la
beegi karo. Adke, iyo dareere too na ma ha; sida kale se waa "dareen
ereyeysan", kaas oo saameeyn ku yeesha dareensideyaasha. Haddii
ay ka abuurmi lahayd durduro geel, ama ba ay ka dhalan lahayd
doobbin geel; maansado, ka fog, wax qof barbarad ah, uu
tuducyo "horweyn" ah "ku soo shubi" miisaankii
Gaarriye oo "haawad'oo madhan". Runta aan la xididdo
siibi karin waxa ay tahay: Gaarriye, cid na maanseeye ka
ma dhigin, kama dhigi karo, kama na dhigi doono—tagto, joogto, ama
timaaddo ba!
Gefka Barfassoorka
kulliyadda wax ka dhigi jiray ayaa iska leh: Maxaa ustaadkii laga
dhaxlay? Hawshiisii meeday? Dhowr iyo soddon sano, iyo dheeraad soo
socotay? Maxay ardaydiisii soo kordhiyeen? Anii doogys ma
gorothaaw—ustaadka afkiisa garan maayo! Waa Ilaahay mahadii. Eed,
iyo anigu kala fogin—abidkay ustaad ma noqon!
[i] Waa askarigii uu ina Mooge Liibaan
Jaalle Siyaad uga ashtakooday: "Ma og tahay, askari
jaahil'aan ka amarqaataaye? " Karkadeey waxa uu ahaa nin
hannaanka gaardiga loo hibeeyay ayuu ahaa. Nin dusha ka wada
qeybay, xeerarka askarta ayuu ahaa.
[ii] loj = loo oqoon jiray
[iv] Afrax, imke (isla
meesha ka eeg). ibid
Qalinka Waxaa U Qaatay Suugaantan A. M. Yusuf"
Qaybaha kalena la Soco
|