|
Gabaygii:Turki
Baan u Shoolaye Cidkale Shuufay Hadalkooda
Gabaygan Waxaa Tirshay Abwaan Saciid Qamax mudo hada
laga joogo
170 sano ka hor inta lagu qiyaasayo gabaygan waxaad
tuducda ugu danbaysa ka hadlaysa Abwaanku in
Qabaa'ilada Soomalida ay kala xarago qaateen oo uu
waxba iskaga tirinayn oo U hanjabayo Dowladii
Cusmaaniyiinta ee Turkiga Akhris Wanaagsan:-
.
Waxaan ahay
shamsada soo baxdiyo shaaca waaberiye.
Shafka reerka maguuraan ahay oo ugu shadiidaaye.
Gobanimadu waxay noo shaf tidhi shaaca dirireede.
Shay caan ah baan ahay sidii shaaharka soo qaadee
Meeshaan bah ceeshla ula shiraa shiiley taladiiye.
Bah-gareen shilootay iyo kuwaan shuban tolkoodiiye.
Nuur-Dhegay shalaa laga shirabay shalaxlahiiiye.
Naftana wuxuu ku sheelsheeliya calo shalleelaaye.
Waa loo shuhuud noobir inay shaxi ka jeexnayde.
Badda shaqafka inaan soo darsaday sheegyay aadmiguye.
Warsangeligu ceelkaan shaf idhi iga kala sheexye.
Iidoorku waa midaan shiddiyo iyo midaan shideeyaaye.
Shan hadaad ka dillo waa anigoo neef shidho u qalaye.
Turki baan u shoolaye ninkale shuufay hadalkiise
|