|
Wax lala yaabo ma aha haddii nin wadaad ahi dadku ka dhashay ka tago
ama ka guuro. oo degmo kale dhex dego; ha yaqaano ama yuu aqoone, ha ka
fogaadeen, ama ha u dhowaadeen, sidaa suna waa culimada alabkeeka, meel
kastna ha joogeene maxaa yeelay ninka wadaadka ahi wuxuu yahay oo dadka
meeshaa uu tegey deggan la walaal yahay, oo iyaguna diinka ka baranayaan,
isna xoolo iyo xurmaba ka helaayo.
Taariikhda aan la xasuusan, cidna sheegi karin ayaa Sheekh xasan nuur
oo sayidka maxamed awoowgiis ahaa ka tegay Gobolka Qallaafo. oo ah dhulka
wabiga shabeelle ku magacaaban, halkaas oo beeshuu ka dhashay degganayd.
Waxuu u kacay Nugaal oo ahayd dal wanaagsan duunyadana hodan ka ah, si
fiicanna loogu noolaan karey, culimaduna had iyo jeer u xoola doonan jireen.
Shiikh Xasan markuu Nugaal mudda joogey oo uu dadkii iyo dalkii kala bartay,
xoolo fiicanna ka helay waxa gashay hawo guur, dabadeednna. waxuu guursaday
gabadh reer Nugaaleed ah oo magaceeda lagu tibaaxay khadiijo jaamac(1).
Shiikhu Nugaal wuxuu ku guursaday afar dumar ah oo u dhalay carruur. badan,
carruurtaa tiradooda waxa lagu sheegay 12 wiil iyo 11 gabdhood.Waxaa la
weriyey in shiikh cabdille oo sayid maxamed aabihiis ahaa carruurta ugu
weynaa.
Shiikh cabdille xasan wuxuu ku dhashay, sida la weriyey dooxada "Casuura"
oo magaalada Laascaanood dhinaca waqooyi galbeed ka xigta, una jirta hilaadda
dhawr iyo sodon mayl. Wuxuu ku koray kuna barbaaray diintana ku bartey
gobolka nugaaleed oo barwaaqo ahaa, dabadeedna reerkoodii wuxuu noqday
dad Nugaal rasmi ahaan u deggan. Waxa la weriyey shiikh cabdille isagoo
26 jir ah inuu guursaday gabadha la yidhaahdo Timiro seed magan, kuna
caan baxdey "Caro Seed" waxa la yidhi, waxay u dhashay 10 caruur ah, waxaana
u weynaa Maxamed, hase ahaatee shiikh cabdille carruurtii uu dhalay waxey
tiradoodu gaadhaysay sodomeeyo.
Shiikh Cabdille xasan Daraawiish dhiskeedii waa ka qayb galay, dagaallada
badankoodiina waa ka tala galay, waxuuna ku dhintay xaruntii Daraawiishta
"Taleex" 1913, qabrigiisuna waxa. laga dhisay qudbad caan ah
Maxamed cabdulle xasan waxuu ku dhashay dhulka loo yaqaan Ciid-Nugaaleed
ma laaso oo ah Degmada Buhoodle balliga la yidhaahdo "Sacmadeeqo" oo magaalada
buhoodle toddoba mayl u jirta kana xigta dhinaca waqooyi. Wuxuu dhashay
guga la baxay "Gobaysane",Waxaana la sheegay inuu ahaa gu' barwaaqa ah
oo dad iyo duunyo wixii dhashay ay hanaqaad noqdeen. Wuxuu dhashay odoros
ahaan markay taariikhdu ahayd 1856. Daraawiish iyo dadkii wakhtigaa noolaa
badankeedu waxay yidhaahdeen: sayidku maxamed saddex meelood ayuu ka la
mid ahaa nabigii"scw" magaca da'da iyo jihaadka. Hase ahaatee, sheekadaasi
inoo caddayn mayso guguu dhashay.wuxuu ku koray Nugaal, dadkooduna wuxuu
ahaa xoolaley daaqsato ah.Guud ahaan xoolaha markaas la haystey waxa ugu
badnaa geel iyo fardo, reer miyigana waxaa u taliya roobka dhaqankooduna
wuxuu yahay inay gugii iyo dayrtii hadba dhinac u guuraan, mar haddaan
dhulku magaalo iyo beero midna lahayn.Dabeecada ayaa qof walba waxay ku
abuuraysaa inuu xoolaraac noqdo
Sidaas daraaddeed, waxaan oran karnaa:Sayid Maxamed carruurnimadiisii
wuxuu ahaa xoolraac, lamana sheegin carruurta kale wuxuu kaga duwanaa
ama dheeraa. Sidii dhaqanka Soomalidu u badnaa ama raaskuu Sayidku maxamed
ka dhashay hiddo u lahaa, toddoba jir baa baa quraanka loogu bilaabay.Macallinkii
quraanka u dhigi jirey waxa lagu naanaysi jirey "Kud quraan". maxamed
tobon jirkii buu Quraanka ku dhammeeye, taasina wax lala yaabo ma aha
oo ardada ayaa sidaas u badnayd. Wiilnimadiisii waxa lagu sheegi jirey
fahmo badnaan iyo firfircooni. waxa hubaal ah haddii wiilku quraanka dhammeeyo
in calaamooyinkii macallimadu. ka muuqato,isla markaasna cilmiga barashadiisa
lagu gargaaro. Sidaas daraaddeed, ayaa Maxamed aabbihiis kutubta cilmiga
ah ugu bilaabay, taasina waxay dhalisay inuu cullimada xerta ah oo cimiga
raacanaysa la fariisto, markay degmada dhex marayaanna raaco oo la socdo.Hase
yeeshee, gadaalkii xertii buu ku mid noqday, taasina waxay dhaxalsiisay
in lagu magacaabo Aw Maxamed Shiikh cabdille. Magacaasu wuxuu siiyey ama
u kordhiyey xurmo iyo xushmo gaar ah oo uu ku helay diinta xaggeeda.
Dhulka masaajid iyo madaaris midna ma lahayn, oo wuxuu ahaa miyi, waxaase
jirey meela xeri deggan tahay iyo dugsiyo quraanka lagu barto iyo meela
laysugu yimaado xilliyo aan go'nayn iyo meelo lagu shiro ama diinta lagu
akhristo, ama lagu kala warqaato ama waxii dan ah la isku weydaarsado.
waxa kaloo jirey waqtiyaal caan ah oo sharciga islaamku jideeyey in laysu
yimaado sida labada iidood oo kale oo wacdi iyo waano la kala qaato.
Haddaba, waxaa hubaal ah in Aw maxamed shirkaas culimda diintu markay
dadka wacdiga iyo waanada u jeedinayaan ka faa'ideysan jirey. Sheeko ku-tiri-kuteen
ah waxaanu ku maqalnay in Aw maxamed soddomaadkiisii dhul badan oo dalka
gudihiisa ah oo kala duwan maray isagoo cilmi doon ah hase ahaatee taasi
run iyo been miday tahay lama oga, waxaase la weriyey inuu cilmiga ka
bartay Shiikh la odhan jirey Shiikh Abokor shiikh Ibraahim laguna naanaysi.
jirey Abokor fool-dheere, oo degmadiisa ahayd dhinaca waqooyi ee webiga
shabeelle waxa la wariyey sayid maxamed baa eegay Ceelka Walwaal, kolkaasuu
dhererkiisii la yaabay oo waxuu yidhi "Cilmigii Abokor-fooldheere" ayaa
buuxin lahaa, meel kasta cilmiga ha ka barto, nin kastaba ha ka akhristee,
waxaa hubaal ah inuu sayidk maxamed diinta islaamka iyo Af cariba aad
u yiqiin, gaar ahaan qaybta loo yaqaan "Cilmiaale" oo afka carabiga furaha
u ah, markaasna wuxuu la baxay Shiikh maxamed Shiikh cabdille. Qore:
A.A. mohamed
|