Siciid Qamax
wuxu doonay oo
xoolo ka baxshey
gabadh la oran
jirey Faadumo oo
ahayd
Urur-Suge(Urur-suge
waa Maxamed
Muuse Ismaaciil
oo Habar-Yoonis)
Siciid wuxu
tegey meesha la
yiraahdo
Garad-Hoosiis oo
bari ka xigta
buurta
Daalo.Halkaas oo
gabadhii loogu
dhisay.Siciid
wuxu saluugay
habkii
soo-dhowynta,aqalkii
loo dhisay iyo
gabadha
lafteedii.Wuxu
yiri:
Geelayga dhawr
lama liseen
Dheeho iyo Laan
eh.
Lo'du dhaabihii
ay ahayd tahan
ma dhaafsheene.
Urur-Suge
dhex-yaal baan
bidaye yarad ma
dhiibeene.
Dhammoy aabahaa
kuma naceen sida
dhukaaleede.
Dhuun-dhawr ma
xidhateen sidii
dhabato reeroode.
Dhafaruur
laguuguma gureen
dhigaha
baarkoode.
Dhaayaha
wanaagsanina waa
toban
dhisaaloode.
Dhushu kay ku
cuni Faadumooy
dhimashadaa
roone.
Mar kalena wuxu
yiri:
Waa taan
tallaabada ku
tegey tuurihii
Garade.
Anigaa taggaygii
ka dhigay
timo-yar Iidoore.
Aqal taallo
le'ekina garbaha
igama tuujeene.
Tiixii da'aayaba
warmaha kama
tiflayeene.