Gabaygaas markuu maqlay CaliDhuux aad buu uga xanaaqay oo waxuu u qaatay
Ismaaciil mire in uu baryayo ninka ku digtay markii reer caligeri
Gaaladu gabagabaysay markaas buu Calidhuux geed la iskugu yimid
gabaygan ka tiriyey gabaygan oo aad u dheeraa intan baan hada
ka helnay waxuu yidhi:-
Ninla maagay oon midho yaraan lagu malaynin
Maanso Illaahay baroo macalinkeedii ah
Oo gabayga sida sheekh mufti ah miinka ka higaadsha.
In madhoodho loo soo diraa waa macno la'aane
Hadiise
dhiig macaan leeyahay iyo maal lakala qaado
Ragu waa ragii gaaniyow riday minkiiniiye.
Waa ragii miskiin iyo agoon miidhan kaa dhigaye
Waa
ragii maqaawiirta culus mariyey liishaane
Waa ragii musgale kaala dhigay maganta Iidoore.
Waa ragii maskii camay diliyo maqadinkiiniiye
Waa ragii mareegaha u furay maalin reer hagare'e
Sidii
jaamac dalab loo mudmuday maadan moogayne
Magligaan ku gowracay ninkii maqashii dheeraaye
Mariinkiina waa tan watiyo macawistiisiiye
Miridhkiina
waakaa ku yaal marada dhiigiiye
Dhalintii makaawida qabtay ee wada mushaaxaysay .
Meydkoodu waa tuu ahaa maadha oo kale'e
Muusanowgu
wuxuu kuu ekaa maalintii hore'e
Miiq looma kala goyn ragaad magac wadaagteene.
Bal maxay macaash keentay dhaha maansadaad tirisay
<Top>
By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)