|
Gabaygii: Qaldaan Maxamed hiirad
Geeraarkan loogu magac darray Qaldaan oo uu curiyay abwaan Maxamed Hirad waxa uu soo baxay bisha August 24 keedii ee 2007. Waxa uu geeraarku si qoto dheer uga hadlayaa xaaladda
Soomaalidu ku sugan tahay.
Ma aha maansadani tii iigu horraysay ee aan falanqayn, faallo ama aan hordhac u sameeyo. Laakiin waxa geeraakani uu kaga geddisan yahay kuwii aan hore wax uga idhi waa qofka ay maansadu markan ku halqabsanayso oo aniga ah.
Haddii nin uu Eebbe hal abuurka maansada ku manaystay aan ahaan lahaa, shaki malaha in aan geeraar kale abwaanka ugu jawaabi lahaa, balse hadda waa tii la yidhi: Togba taagtii buu rogmadaaye aan ka idhaahdo wixii aan awoodo oo ah inaan faallo kooban ka bixiyo
maansadan sida abwaanku iga codsaday.
Abwaan Maxamed Hirad oo aad hore maansooyinkiiisa in badan uga akhrisateen WardheerNews iyo degello kaleba waxa uu geeraarkan kaga hadlayaa xaaladda guracan ee Soomaaliya ka jirta iyo duruufaha qallafsan ee ka dhashay xaaladdaas..
Soomaaliya uguma ay horreyn waddan ay jabhaddo hubaysani ka dillaacaan, dagaal dad iyo duunyo ku dhammaadeen ka dibna lagu dumiyo xukuumaddi xilligaas talinaysay. Hase yeeshee waxaan odhan karnaa waxa ay kow ka tahay xilligan casriga ah dal ay dadkiisu ku guul darraysteen in ay dawlad bedesha middii ay dumiyeen dhistaan.
Qawmiyadda Soomaaliyeed oo Eebbe ku manaystay midnimo asal ah oo isir, af, diin iyo dhaqan isku mida salka ku haysa, waa arrin in badan la isweydiiyo sababta keentay burburka qaranimo iyo kala furfuranka qawmiyadnimo ee haleelay Soomaalida xilligan.
Haddaba Abwaan Hirad waxa uu geeraarka ku muujinayaa walaaca iyo werwerka uu ka qabo Soomaalida iyo sida ay xilliyadan dambe u dhaqmayaan. Waxa uu abwaanku aad ula yaabban yahay sida aanay waxba uga hirgelin qorshe iyo isku day kasta oo la rabay in lagu badbadiyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed.
Waxa uu abwaanku aad u saluugsan yahay oday dhaqameedyada, culumada, aqoonyahannada iyo guud ahaanba wax garadka Soomaaliyeed sida ay kaalintooda u gabeen., qaarkoodna qayb uga yihiin isirrada dhibaatada Soomaaliya ragaadisay.
Waa wax lala yaabo in dadkii la rabay in ay dabka damiyaan in ay iyagu horseed ka noqdaan burburka iyo halista Soomaaliya maanta ka jirta.
Waxa uu abwaanku aaminsan yahay in Soomaalidu guud ahaan habka ay maanta u dhaqmayaan uu yahay mid aan habboonayn kana suurtoobin ummad caafimaad qabta,oo wax waliba ay u socdaan hab qaldan.
Meeye haddaba dadkii qaladkaas sixi lahaa? Waa su’aasha ay isugu soo biyo shubanayso murtida uu xambaarsanyahay geeraarkan Qaldaan, isagoo abwaanku islamarkaana si gaara farta inoogu fiiqaya khaladaadka jira iyo cidda ka mas’uulka ah.
Haddaba abwaanka oo arrimahaas iyo kuwo kale oo badan geeraarkiisa kaga hadlaya waxa uu ku bilaabay sidan:-
Khaliilow qoraalkiyo
Qasaa’idkaan akhriyaayo
Adigaa ka qisoodee
Qurxi oo falanqee
Mudanaw qalbigaygu
Qandho aan ka jabayn iyo
Qulub aan ka hadhayn buu
Ka qabaa ummaddeena
Qorshihii mar la keenaba
Qadhaadh buu dhadhamaayoo
Qamuunyaa ka dambaysoo
Qarax buu kicyaaye
Haddii gaalo qalaad iyo
Qolyaheenna islaamku
Qisadeenna ka yaaboo
Dhamaantood naga quustay
Waar miyaan qowmiyaddeena
Kuwo qiiro u haysoo
Qarankoodii xusuustoo
Qabyaalad diida lahayn?
Miyaan caalim Qur’aankiyo
Qowlkii nebi sheegoo
Isagaan qori haysan
Ku qudbeeya lahayn?
Miyaan qaar odayaaloo
Taariikho qadiimiyo.
Qarniyaal hore joogoo
Wax qabooja lahayn?
Miyaan geesi qab weynoo
Qaladaadka dadkiisiyo
Waxa ay qasayaan
Ka qashaafa lahayn?
Miyaan qaar cilmi yeeshiyo
Qoraa aan gabanaynoo
Qoqob teer la xariiqday
Ku qancaynin lahayn?
Miyaan qaar dad qafaalkiyo
Gabdhahaa la qasbaayee
Xaaraan looga qarraafo
Ka qasooba lahayn?
Beelaha la quudhsadee
Qarniyaal la gumeeyay
Xuquuqdii laga qaaday
Waxgarad u qayshiyo
Miyaan qareenno la haynin?
Qaxootigaa qulqulaayee
Badahaa ku qarqooma.
Miyaan qaar u naxaaayoo
Qaraabadooda la haynin?
Mise Qaadirka weyn bay
Qorshihiisa ahaatoo
Sidii qowmkuu halaagaan
Qoysna aanu hadhaynin?
Qowl kaleeto aan sheegee
Qatinkii hadalkaygu
Waa su’aal qara weyne
Qumaati iiga dhegaysta
Kuwa diinta ku qayshee
Muslin qoorta jaraaya
Quraankay akhriyaane
Jidkee qaadsan yihiin?
Dhalintaa la qataaraye
Qarxinaaya naftooda
Yay u qoolanyihiinoo
U qisaasan yihiin?
Kuwa geestan qarqoortee
Waddankii kala qaybshey
Dadna soo qabsanaayaa
Ma qaldaansan yihiin?
Kuwa soo qarafaystee
Qoobaddooda ku doontaa
Ma qadhaabsanayaanoo
Ma qaxwaysan yihiin?
Kuwa qiiradu haysee
Qoqolkooda la dhaafine
Qaraabadii la dagaalaa
Ma qamaansan yihiin?
Kuwa aan mid qalloocan
Qaladkiisa ka joojin
Ma saasay la qabaanoo
Maw qushuucsan yihiin?
Kuwa doon dad ku qaadee
Qarashkii ka furaayee
Ku qubaaya badweynta
Ma qawlaysan yihiin?
Kuwa beenta qoraayee
Biibiisii ka qalaadee
Yuusuf Garaad u qidmeeyaa
Ma qabbaansan yihiin?
Kuwa qaadka cunaayee
Hantidooda u quudha
Qasaare waa arkayaane
Ma qammaadsan yihiin?
Kuwa gaajo la qaadhee
Webigoo qulqulaaya
Beerta aan qodanayn
Ma qandhaysan yihiin?
Inta aan qarribaadiyo
Qalalaase arkaayo
Waano waan qorayaaye
Maygu qoonsan tihiin?
Maxamed Hirad
San Diego California
E-mail:xagar2000@sbcglobal.net |