|
Gabaygii: Murti
...........................................................................................
Gabayg uu ugu jawaabay Xirsi Dheere oo majeerteen ah. Wuxuu
yidhi: Murti
labanlaboodigii naxwaha, luuqdi daba tiilay Indhawayd ma looyaamin gabay,
laqantidiisiiye Lahashada qalbiga soo rogtee, kicisay laabtayda Lisaan
godbeed iyo afxumo, laari soo tiriyey Oo libin ku faan ah yaan ka helay, xalayto
Low-kuus ee Luulaanyo inaan soo ceshaa, loo dan lee yahay Siddii
aar ku laalaadin badan, loolidiyo howdka Oo leyl dhexaad soo laloo, leeda
kala gooyey Oo micida dhiiguu la galay, shaarubaha leefi Oo soo lakoobsaday
raqdoo, loogu gali waayey Liigaagyada markii aan ka furro, lay fadhiyi waaye
Layliga ma qayrsado aan baran, laaxinkii galaye Lufad kii lalaba caytamee,
laashinna ismooda Waxaan kala lalaa toban lag oon, liimbiyaa halise Luquntiyo
afwayntaan jabshaa, sidda libaaxiiye Maantana layaba waa layee, laynka
waxaa taagan Ee laaqinimo dheeriya iyo sheegtay, labac dhaafka Anigana
liciif igu shabahay, uunka ugu liita Waa dunni lugaha taagtayoo, lulan dhamaanteed
e Sow ma aha nin Low-kuus dhashiyo, licis korowgeed e Labo sanno
midkoodii jirriyo, lowlowga cadaaday Lalabada odhaahda iyo ka siman, laaqda
beenta ahee Haddii ay labxiyo maansaxniyo, lee yihiin garasho Duul Islaam
ah kuma ay labeen, luuq nijaaso ahee Adigoo lo' iyo geel dhaqdoo, lagi
banaan yaala Isagoo lug dheer soo maray oo, liita aragiisu Hadday baahi
soo leelisooy, keenta labigaaga Laba beri Islaanimo markaad, luunka uga goyso
Luqmaddii aad siisiyo markuu, liqo karuurkaaga Lihigaaga waa kii damcoo,
lig isku siiyaaye e Lisaan qaboow kuma tagiyo, weedh Lilaahiya e Markaad
labo ku jiideey indhaha, kor u layiigaane Lalabaha colaadeed Hartina,
laaqi woow yahayda Leedda fuulka geenyada anaa, ugu lihiin roonta Luqmad
baan Ogaadeen ka dhigan, laxam baruureeda Low-kuus warkeed wuu yihiyo, faan
aan luga haynin Intaan laysu iman bay yihiin, xuud liqaaya ahee Markii
leebka shiishka ah qoryaha, laysu wada ciirsho Lee'ashadiyo geerida markaan,
laysu naxahaynin Ee laxawga dhaawaca qabiyo, maydku luxud beelo Iskumay
lugooyaan haddaan, lagu lamaanayn e Laan Xodday ah Low-kuus ka nugul, maalin
libineed e Lihinkiyo awoodoodu waa, laaqda faanka ahee Anna waranka aan
liiliyaa, in uusan soo laaban Looxa dunida taariikhda, waa layga helayaaye
Af lakab ah, gafuur ligis ah, iyo uur Like aad moodid Lagga ganaca,
laabxuunshadiyo, luqunta ceegaysan Badhi lolosh ah, laafyaha haween, lagu
masaalaayo Intaad ugula soo leexatay een, laydha ku cabsiiyey Een kaa
lug meersaday ka badan, laba kun oo jeer e Lixdan sanno labaatan iyo
dhowr, waayo laga joogo Lihigayga anigoo ku idhi, laba jirka u maalo Laqwi
kibir markaad iila timid, maal ragna u lahatay Laboodiga Subeer wiilashaan,
loodin karin aadmi Laxaad bir ah Makaahiil leh oon, waligood soo laaban Leedhigaan
ku saaray iyo warmahaan, leexan ganidoodu Luqun taaga kibirkii wuxuu, lee'
asho kuu keenay Lafahaa u markhaati ah haddeer, tuuran laagaha ee In
aan ahay laguugu iyo laguug, laba jibaarkaa ah Laandheeranimadaad ii qirtaan,
kaaga baar lulan ee Lafta dheer markaan kaa jabsheed, liiqa aad dhigato Laysankaagii
meherkaad kufriga, ula lugaysaaye Ogaadeen ma loodsamahayee, ii lug xidha
maanta Ha la ii lagdooy baa tidhaa, ba'ayee, waan lumay ee Kufri
baa lagtaan kugu hayiyo, eey lakooki ahee Kolse hadduu luqaaf kaa tagay ood,
kaligaa laalaado Bal in aad lihiin leedihiin, la arki doonaaye Wiilkii
libaaxa u ekaa, geesigii libintu Laydha idin saaqday iyo cabsidaad, lulanaysaan
eega Lakigiisa weeyiyo burji uu, lee yahoo adag e Laxaadkiisi kugu meersan
iyo, xoogguu soo limay ee Layligii yimaadaba baqaad, lagac ka siisaan e Barrin
lagu lugeeyaa ma jirro, Laamo kaa xidhan e Laashashkii aad buux-dhaafisayna,
liqday badwayntiiye Luunbigaad ku faantee cayilay, wuxuu ladaabtaaye Waa
laggii dadkaagii ku lumay, laysay maanyadu e Laab negiba idinkoon u ladin,
saacad laba gaadha Ood leebka geeridda ku sugi, luuqa Calanleey ah In
aad laaqisaba kuuma aha ood, libbin ku faantaaye Waan soo lakoobsaday haddeer,
waana labadeena Luxudkaaga sii qodatayaa, ama is loogtaaba Lagac orodka
looliyo galkii, lama huraankaa dheh Lee'ashada lafihii tuurmi jiray, lama
huraan kaa dheh Laxow cabashaadii aad tiqiin, waa lagaa filiye Ku luqluqo
xumaatada oon ku dhaho, lama huraankaa dheh Liinbashada badwayn lagu qarqamo,
lama huraan kaa dheh Lumayeey miyaan la ii naxayn, waa lagaa filiye Laabtayda
oon jixinjixayn, kuuna loodsamaynin Laadka iyo haraatidii cuslayd, laba liqsii
weeye Aftartaa laboodigii naxwaha, laqantidoodii dheh Hayeeshee layaba
waa layee, layn kalaa furan e Wax la yidhi liciifkii isbiday, laacib sarre
jooga Waligii lurbuu korodhsadaa, laxow ku raagaaye Luggo joogsan waayaa
marbay, liinbadaan halis e Afkaan lala xishoonini marbuu, lulug cantuugaaye
Loodigaad tilmaantay iyo, dhalfadaad tidhi lug geel weeye Waa xubin rag
wada lee yahoo, waa lud qaaliya ee La'aanteed wiil lama yidhaa, waa labbood
sarre e Hadday tiinu kor u laalantay ooy, dumar lilayn wayday Anni taydu
waa luul baxay oon, lacagi goynayne Waa laba lafood laacdan dumar, raaxa laasimiyi
Lu'aashada afkiinana, yaahuu iyo La'iilaaf e Afartaa laboodigii naxwaha,
laqantidoodii dheh Hayeeshee layaba waa layee, layn kalaa furan e Aflagaado
cay lagu ladhoo, aad u labac dhaafi Habar Gidirtaad Reer-Qoomu Luudh, kula
la leemootay Lanbar cuduradiinii ahoo, gaalku kugu laylyey Ha ku leexin
laamaha gobtiyo, laf aadan gaadhaynin Hayeeshee waxaad laaxin iyo, ligis ku
jiidjiiday Annaa luuqda uga maydhi oo, xaal u laban laabi Waa niman
leh sharaf laacday oo, loo yaqaan abid e Waa niman laxaad iyo cilmi leh, oo
lacibiin badan e Waa niman Lilaahi ah oon axdiga, galinin laakiin e Laba
mowqif wada yeelatay oo, laabta isu xaadhan Oon lumin dantoodaan nahoon, diinta
laayicin e Adna gaal leeleef baad tihiyo, nooc lasiisi ahee Waxaad daba
lulaysaa kufriga, laafyihii ba'ay e Lana soco kolley waad la gali, ludunka
naareed e Sacadkaad liciif weeye tidhi, laanbad aan jabinin Waxaan
kuu laqmayn maalin aad, kaligiin loolteen e Adigoo laguug ciidaniyo, qalab
luxdoon haysta Laarmiga dagaalkiyo markii, galowgu luuqeeyay Lagta Gaalkacyood
waa kuwii, kaa looxaansaday e Lixda boqol waa kay kaa dhigeen, labacyo wayntiiye
Lagdintaada nimankii yiqiin, libinna kaa haysta Lihiin ma leh haddaad
maanta tidhi, iyo laxaad toona Luxudka iyo qabriga lagu cadaab, been maxaa
lalisay Oromona laf Soomaaliyoo, laqan ah weeyaane Leesaanta Baydhabo
dagtaa, kaa lihiin adag e Liiwaydana ma gaadhaan dadnimo, waana loo marag
e Layl Kase iyo Mareexaanka Luuq, Mudugna loo gaadho Inkastood yara leexisood,
laydh xun ku afuuftay Laba wada dhashaan nahoo ka yimid, Jabarti laabtiis
e Ludda jiidhku waa mid aan go'ayn, dhalasho laynkeed e Adiguna lifaaq
ay Hindidu, soo lushaad tahaye Lama taabte lo'da caabudaad, labac wadaagtaan
e Adoo laba jir ah ooy hooyadaa, loox kusoo gudubtay Oo laynka xeebta
ah fadhiya, yaa lagaa helay e La korshaagu waa adi ka yimid, meel aan la aqoonin
Haysku loohin liid yahoow ma tihid, laxamka Daarood e
|