|
Gabaygii:mucaarad
...........................................................................................
Gabaygan waxuu tirshay xilli dowladii soomaliya mucaarad ku ahaa
waxuu yidhi Abwaanku Aarkaba
haddii wiilal dili laysu daba joojo Marka horre sidduu deyrka jabin ways dalliciyaaye
Dabadeed ninkuu dili naftay kala dardaarmaane Markuu duubi-weynoo indhaha
dibada soo joojo Oo door ka laayoo ilkaha darib ku haanfiiro Bal dayaay
ninkii dalash ahaa sooma daakhilo e Laba dibi dinaahayn ka siman jeeray
dirireene Daafaha intay kala jiraan wax isma doorshaane Doc ka dhugadka
daymada danbaa mid is daleenshaaye Haddii daawad deyr loo dhigoo baarqab lagu
daayo Oo dabar lasoo dhaco midkay kabadu diifaysay Bal dayaay markuu doobta
rido wuu durduriyaaye Orgi door ah oo naag dir badan adhi kusii daysay
Hadduu qabad dan galo oo riyaha qaylo kaga daadsho Bal dayaay markuu geeska
daro waa durduriyaaye Afartaasi waa gabayga dadan dadabdhigiisii dheh
Warsangaliga cadho daalisee dibinta ruugaaya Dirir haddii uu maagana arliga
dumuq ka siinaaya Bal dayaay dad buu ii xigaa waana daraftaye Suldaan
duub leh daaraha khatiman badaha duunkooda Hawiyuhu dabkiisii sitee dooni
amarkiisa Bal dayaay dad buu ii xigaa waana daraftaye Mareexaan haddaan
wiil u diro laysu soo durugye Ogaadeen dal dheer iyo wuxuu wabiga daanshoodo
Hadduu dirir xigaalkii og yahay igama daaheene Damta iyo dinnaagada harruu
kaa dul baxayaaye Haddii dalandal kaa fiigo waa dooxanahayaane Allay lehe
inaan daynahayn duunka kaa hadha e Intas oo kun dawladi anooy dunidan ii joogto
Markaan Dabacayuunoow arliga nabad ku daaqsiiyey Allay lehe inuu daawo
furo waa gun dalabkeede
|