|
Gabaygii:
Daandaansi&Mowd
...........................................................................................
Nin ,Reer Cali geri ahaa, ayaa dhoobigii geeliisa
raaci jiray oo reer ahaan ka so jeeday habar-jeclo
ayuu burco ugu tagay meel aan sidaa uga fogayn
deedna ku yidhi war geeliiwaa dhallee usoo caano
doono, Dhoobigii baa ugu jawaabay gaalada Ingiriiska
bana u shaqeeyaa oo geel danbe raaci maayo, markaas
baa Tooray uu watay iska soo gooyey
oo ninkii halkii ku dilay oo iskaga dhaqaaqay.
maalmo ka dib ayaa Cali Dhuux burco safar ku yimid
deedna nin la odhan jiray Cilmi Dalamiye oo
Turjubaan Ingiriiska u ahaa oo Habar Yonis. Musa
care ahaa ayaa
ku dacweeyey Gaaladii Gumasyataha Ingiriiska una
sheegay bibka wax dilay iyoCali Dhuux inay isku
beel yihiin dilkii Dhoobiga habar jeclana loo qabto
Cali Dhuux maadaama inaadeerkii Dilka gaystay,
markaas baa Cali Dhuux gabaygan tirshay Waxuu yidhi:-
Waa diin ladahay Dalamiyow ima duqaysayne
Dadka Igama maagteen u siman Dir iyo Daaroode
Duunyadayda lama raadiyeen dayn anoon qabine
Dusha igama saarteen Midgaan dilay Abaankiiye
Dhir dalaysan diib iyo cilaan daahiriyo wayso
Hablaha oo dariirad iyo cadar dam isku soo siiyey
Ayuu darmo kula jiifsadaa labana duugtaaye
Duhurkuu dhamaa caanogeel duqusna way yaale
Duub weyn intuu soo xidhoo dahab cas qaataaye
Deeqdaa ILLAAH siiyey iyo dunida jeexeeda
------ ugu duulee yahay inuu dayso laga waaye
Dabro weerar dooyo rogaal dil iyo laystaanyo
Weyskaga diyaar reerkayaga dirir colaadeede
Aniguna sidii dooxataan dibada meeraaye
Dirkaan ahay darbadihii nin ogi ima duurxulo'e
Waa daandaansi iyo mowd waxuu i dalbanayaaye
Digniin miyuusan qabin aadka hore doqonsanaa ruuxu!!
|