Adan Carab Ahmed

Gabay: Minister

----------------------------------------------------------------------
Illahay naxariistii jano ha siiyee Aadan Carab waxaa ka mid ragga ugu horeeya dhinaca gabayada , dabayaaqadii qanigii 19-aad, waxaadna moodaa in inuu Adan Carab hu hiranayo, raggii jamaamiirta murtida soomalida u ahaa sida. Cali dhuux, Ismail Mire, Qamaan Bulxan, Sayid M C Xasan, kuwaas ay qaar nolol isku soo gaaraneen qaaran, gabayana is weydaarsadeen. Gabaygan waa sadaal waxana uu Adan Carab tiriyey mar haatan laga joogo wakhti dheer, waxaana kaga hadlayey ama uu hal qabsanayey xukuumadii foosha xumayd ee Ingriiska, lakiin Adan meel kale ayuu u socday isagoo gabaygiisa ku bilaabayana,Wuxuu yidhi:-

Ingiriis dalkiisii murxay oo cunay magoolkiisa
Isagoo masaafira haddaan subax ka miidaanshey
Oo lagu mintiday waw dhamayn minawarkaan fuullay.

Maskab kama dhaxline wiilal baa helay macaankiiye
Kun nin baa martabadii u haray ama muluugtiiye
Inta kale mus ood laga rogtay meerayaan dibade .

Sidii baan marqaafa u sitaa ama mareykaane
Sidii baan mankaar lagu gubtay iyo milic u joogaaye
Sidii baan maqaar ugu gam’aa meel la ii dhigaye

Sidii baan madaal dheri karshiyo rodol u miistaaye
Sidii baan macaash ugu gataa harag miciinkiise.
Sidii baan miraa ugu gurtaa madaxa toomoode

Sidii baan u macaluushanahay oo mud dhuubanahay
Sidii baan manjaa ugu socdaa moodhar liidiiye .
Sidii baan mawaashiga hayaan ugu maqiiqaaye

Sidii baan martida caana qura ugu macsuumaaye
Sidii baan taclliin uga madhnahay machadkii diimeede .
Sidii baan macruufka u sugaa macallinkiisiiye

Sidii baan madow ugu jiraa maato iyo ruuxe
Sidii baan xafiis meel fog ii jira ugu muctaadaaye.
Haddii laba nin oo wada muslima madaxda loo geeyo

Sidii baa guddiga loo maraa wax u masaynayne
Sidii baa miskiin tulu leh looga marayaaye .
Kuwo midabka soomaali uun lagu malaynaayo

Sidii buu kiniin uga mutaa maralka jiifaaye
Sidii buu rumaan ugu murxaa kii maxbuus ahiye
Sidii buu dalkii naga maqnaa muran u joogaaye.

Marsadii jabuutaanba meli soo mihiib kicine
Sidii baa sharcigu mayd uu yahay marwa lahayne
Haddii dumar maxaajabad ahaa milicsi loo diido .

Iminkey dharkoodoo mil mila suuqa marayaane
Miidaanka noogama baqaan mana mastuurtaane
Muqdishaba horteed waa dhaqneyn marag Illaahaaye.

Isagaa maqsuuda ee wax kale looma maamuline.
Bal muxuu micneeyoo na taray ministarkaan doortay
Af uun malaba shicibkii haddii lagu mashaysiiyey

Oo aan muraadba u qumayn mooye say noqone
Waa nala madaarshaynayaa tan iyo maantiiye
Mahdigii naloo sheegay iyo malihi beenowye.

Manqaa lagu sabaa had iyo jeer muugga dhalanteede
Hadba waxaan maqallaa boqol malyuun waa macaawina’e
Maalkii arladaa loo qabtiyo meeye lacagtii!!!!!!.

Mooskada ragga u duulayaa maylka tirinaaya
Goormay waxay muujiyeen lagu manaafiici?
Ma mardaadi baa socodka aan miiqna loo qabaneyn.

Sow riigna noogama mudaan madasha Buuhoodle!!!!
Bal intee muddaa oo sugnaa maaxda imanaysa
Bal maxaase hay muuqatee marada loo qaatey.

Mukhlis iyo haddaan lagu shaqeyn orod maleegnaana
Ma xiniin yahay moodayaan muunad nala saaray
Ma naftiina maara u qabtaa nimanka loo miiray .

Maasha iyo haddii aan miilka saro malow miyey fuuli
Ma mucaarid baan ahay hadaan xaqa ka maansooday
Bal muxuu micneeyoo na taray ministarkaan doortay.



<Top>

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)