Ismaaciil Mire

Gabaygii: Milikhmilikh
...........................................................................................
Ayaanba wax baasoo baaxa oo dadku ku daataa waxaa beri soo baxay maro lagu magacaabi jirey Maamiyad oo ahayd garbasaar jilicsan. Waxay dadku guud ahaan. siiba haweenku jecel yihiin wixii cusub oo wirqaya, wa­xaana uu qol walibana ku dedaalaa siduu waxas cusub qayb uga heli lahaa. Dhiimo Cawad oo u dhaxday Ismaaciil ayaa jeclaatay oo doontay in saygeeda u gado maro maamiyad ah Waxaa sida muuqata mara­daas sii jeclaysiiyey iyadoo aragtay dumarkii reer magaalka ahaa oo ku wada daatay, kuna mushaaxaya. lsmaaciil had­uu arkay in afadiisu marada . u bugto ayuu tixdan yar ee
kaftanka leh u mariyey, waxuu yidhi:-


Maamiyad cas Dhiimoy haddaad maanka uga jeeshey
Ma marniye waxaan haysto waan maarsanahayaaye
Waxaan maalin kula dhaafahayn maal ma siin karo e
Sogsogtaanay maaro u helayn maqal xerayskiiye

Maqdarada markaad soo martay kala murxaysaane
Naagaha magaalada ee qabaa waa malaanmaliye
Waxay uga muraad dayan inay lacag ku meershaane
Milikhmiikhda maxaa kaaga dana reer miyaad tahaye!

<Top>

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)