|
Toddobaadkii ugu
dambeeyey bishii
Agoosto ee sannadkan
(2005) ayaan kula
kulmay Nayroobi;
isaga oo markaas u
ballansan inuu,
saddex maalmood
dabadood, u duulo
Columbus, Ohio.
Wuxuu ku guuleystey
inuu ka mid noqdo
Soomaalida
boqollaalka ah ee
bishii ama labadii
biloodba mar halkan
dayuuradaha lagaga
guro; iyada oo aad
mooddo in dadkana
dhulka laga
xaalufinayo, ka dib
markii dhirtii laga
xaalufiyey!
Waxaan kula kaftamay:
“Yamyamow, adiguna
ma haddaad Maraykan
u qaxaysaa?”. Suu
wuxuu ku jawaabey:
“Oo sidee baan
yeelaa, haddii aan
15 sano ka
dhur-sugaayey,
wanaag ka soo
socdaana uusan ii
muuqan…laakiin,
kolley, dal
shisheeye in badan
kuma negaan doonee,
waan ka soo
noqonayaa markaan
reerka geeyo,
aniguna aan ka soo
helo waraaqo lagu
sodcaali karo”
Cabdulqaadir
Xirsi Siyaad oo
Yamyam ku magac
dheeraa, reerkii wuu
geeyey. Laakiin
isagu, wax la sheego,
Maraykan kuma
noolaan. Wuxuu ku
geeriyoodey isaga oo
aan 2 biloodna ku
negaan:
“Waxaad Aadanow
maaggan tahay adiyo
maankaagu
Iyo meel uu
Ilaahay ku marin
kala mid weeyaane!”
Markii ay
qoyskiisu ugu
baahida badnaayeen
ayuu ka iishay.
Wiilal iyo gabdhoba,
warasadiisa oo
hagiddiisa aan weli
ka korin ayuu ka
god-galay. Soomaali
intii tiqiin iyo
intii maqli jirteyba
goortii ay ugu
jeclaayeen ayuu geb
yiri. Melaggii
geerida ayaa baabuur
lalaaya isaga soo
dhigay. Markaas buu
ifka ka jiciirtay,
iyada oo aan nala
ogeysiin, kansho
lagu sagootiyana aan
nala siin!
Qoys iyo qaraabo
ka sokow, bulshada
suugaanta ayaa si
weyn u tebi doonta.
Waddaniyadda
haatanba dadkeenna
gabaabsiga ku ah
ayaa maqnaanshihiisa
u sii naafan doonta.
Saaxiibbadiisii gaar
ahaaneed ka sokow,
maansadiisii murtida
badnayd intii ku
jeclayd ayaa sannado
u ilmayn doonta.
Geeriduse kala
qoob culuse, tiisu
waa khasaare
ummadeed. Si dhab ah
berri markii wax loo
qiimeeyo ayaa la
ogaan doonaa meesha
hore ee uu kaga
jirey
maansoyahannadii
Soomaalida u soo
baxay soddonkii sano
ee qarnigii 20d u
dambeeyey.
Aragtidayda, wuxuu
ka mid ahaa, tiro
ahaan, hal-abuurro
bulshadeenna ku sii
yaraanaya oo
kulansaday hibada
hal-abuurnimo iyo
kasmo ballaaran oo
hiddaha ummadda iyo
af-soomaaliga ay u
leeyihiin.
* * *
Aniga, qof
ahaan, wuxuu Yamyam
ii ahaa wadeey qaali
ah. Wuxuu ii ahaa
saaxiib, inuu iga
hormari doono, aanan
weligey soo rogin!
Laba-iyo-soddon sano
ayaannu ahayn
suugaan-wadaag,
sheeko-wadaag iyo
maan-wadaag intaba.
Bilawgii 1900 iyo
toddobaatannadiina
waxaaba jirtey,
dhawr sano, mar
aannu Xamar
degaan-wadaag ku
ahayn. Gabaygii uu
tiryo iyo heestii uu
curiyoba, waxaan
ahaa qofka ugu
horreeya oo uu tuso,
haddii loo baahdona
la saxar-tira. Sidoo
kale, isaga ayaa
qoraalkii aan curiyo
iyo maansadii aan
isku dayoba iiga
ahaa la-taliye aan
ku kalsoonaa oo
talooyinkiisa aan
wax badan ku
dheefay. Sababahaas
dartood ayay dad
badan oo na wada
yaqiini geerida
Yamyam iiga
tacsiyeen. Tacsiyayn
keliyase kuma ay
ekaane, waxay isla
markaasba iga
durraansanayeen, af
ama qoraal ahaan,
inaan wax uga
iraahdo isaga qof
ahaantiisii iyo,
guud ahaanba,
ujeeddooyinkii ugu
muuqa dheeraa ee uu
maansadiisa u
xanbaarin jirey.
Kaasina wuxuu ila
noqday ummadda aan
ku abtirsadaa codsi
ay gar iigu leedahay
iyo waajib ay tahay
inaan ka soo
dhalaalo oo
saaxiibkayga
geeriyoodey uu si
walba iiga mudan
yahay.
Haddaba, aniga oo
kaashanaya aqoontii
aan u lahaa, isla
markaasna soo
koobaya aan iraahdo:
Yamyam wuxuu ahaa
gabyaa hibo sheegtay
oo curinta maansadu
ay dhismaha jirkiisa
ku daabacnayd,
maankiisana aysan
weligeed ka maqnaan.
Wuxuu kaloo ahaa
gabyaa dhiirran oo
kolba wixii ay la
noqoto soo
if-bixiya, isaga oo
aan dan ka gelin,
hiif iyo hagardaamo,
wixii ay u keeni
karayso. Misana
wuxuu ahaa gabyaa
dhaqan-yaqaan ah.
Mar kale wuxuu ahaa
gabyaa madax
bannaan. Mar
shanaadna wuxuu ahaa
gabyaa
Soomaalinnimada ku
dhaata. Intaasba wuu
ahaa, waxaase loo
baahan yahay
faahfaahin dheeraad
ah. Haddana waxa aan
laga maarmi karin
inta maansadiisa dib
loo milicsado in
iyada la
markhaati-gashado.
Taasina wax adag ma
aha.
1.
Gabayaa hibo
sheegtay:
Sidaan xusuusto,
sannadkii 1973kii
ayuu Xamar noogu
yimid; isaga oo
waqooyi-galbeed ka
socda; halkaas oo uu
isagu ku soo
guuleystey tartan
maanso oo heer gobol
ahaa.
Magaalo-madaxda
kolkuu yimidna,
wuxuu ka mid noqday
maansoyahanno
sidiisa oo kale
gobolladii ay
degganaayeen iyaguna
ku soo guuleystey oo
tartan heer qaran ah
la isugu keenay.
Xilligaas waxa aan
ka tirsanaa
Akademiyada Dhaqanka
hay’addii la oran
jirey; taasoo wax
yar ka dibna u
xuub-siibatey
Akademiyada Cilmiga
& Fanka. Maamulka
tartanka iyo
tartameyaasha ayay
Akademiyadu u
xil-saarrayd;
halkaasoo aniga iyo
Yamyam aannu isku
barannay.
* * *
Haddiiba waxaan
la ashqaraaray
hibada curinta
maanso oo gabayaagan
da’da yari uu ku
hubaysnaa. Hadalka
caadiga ahi siduu
intayadii kale ugu
fududaa ayay abuurka
tuducyada gabaygu
isaga ugu
fududaayeen!
Markiiba waxaan
ogaadey inuu
‘gole-ka-fuul’
yahay: hal-abuur
halka uu joogo isaga
oo aan ka dhaqaaqin
soo if-bixin kara
maansadii uu doono
ama ay saaxiibbadu
ka doonaan! Taasina
waxay ii sii
caddaatay sannadkii
1974kii markii isaga
iyo anigu aan
gudo-galnay hawlihii
suugaaneed ee
wadajirka aannu u
qabannay tii ugu
horraysey. Waxay
ahayd riwaayaddii
aannu u bixinnay
“Dabkuu shiday
Darwiishkii” ee ku
saabsanayd waayaha
dhaqdhaqaaqii
gobannimoddoonka
Soomaaliyeed ee
Sayid Maxamad
Cabdille Xasan uu
hoggaamiyey intii u
dhexaysey 1895 ilaa
1920kii.
Shaqadaas
inteedii uu isagu
sida gaarka ah ugu
qaybsanaa waxay
ahayd inuu tiriyo
maansada ay
jileyaasha
riwaayaddu ku wada
hadli doonaan iyo
heesaha dhawrka ah
ee loogu baahnaa.
Waxaan filaayey,
taxanihii sheekada
haddaan dhisnay ka
dib, labadayada mid
waliba hawsha laga
rabo inuu la tegi
doono, dabadeedna
toddobaad ama
toddobaadyo dabadood,
tii oo la soo ebyey
aannu isula imaan
doonno. Hase ahaatee,
qorshahaasi sidaas
uma dhicin, Yamyam
baana ku wacnaa.
Waxaan yaabay markuu
inta qalin iyo
waraaqo cadcad ii
dhiibey iga soo
hor-jeestay oo igu
yiri:
“Qor !”
“Maxaan qoraa?”
ayaan iri
“Waxa aan kuu
yeerin doono qor”
“Oo maxay
yihiin?” ayaan ku
celiyey, aniga oo
weli garan la’ waxa
uu iga rabo inaan
qoro.
Markaas buu yiri:
“Waxaan kuu
yeerinayaa
ergooyinka shirka
Baarliin gabayadii
iyo geeraarradii ay
ku wada hadli
lahaayeen…u
horraysii ergeyga
Jarmalka ee martida
loo yahay!”.
Galabtaas ayuu
saacado yar gudahood
wuxuu ku dhammeeyey
tixaha riwaayadda ku
jira ee aragga 1d
(First Scene);
tixaha ku saabsan
kulankii Baarliin ee
xoogaggii
Yurubta-galbeed ay
19884-1885kii Afrika
ku hooshayeen.
Markaan dib u
xusuusto galabtaas
iyo dhaqsihii
meerisyada gabayada
uu iigu soo
tuuraayey ayaan
isula ekaadaa arday
damiinnimo iyo
gacan-culays isku
darsaday oo macallin
degdegsani uu cashar
u yeerinaayo!!
2.
Gabayaa dhiirran
Tilmaamaha
wanwanaagsan ee
maansoyahanka waxaa
ka mid ah
geesinnimada. Isaga
ayaa ku dhiirrada
wax, inta badan, aan
dadka kale ku
dhiirran karin.
Marar badan isaga
ayaa naftiisa biimo
ugu talin kara, si
waxa laabtiisa ka
guuxaaya uu u soo
dibed-bixiyo. Hase
ahaatee,
maansoyahannada
qudhoodu taas kama
wada sinna. Qaar baa
halka loo badan
yahay wax uga
dillaama. Qaar baa
kolba kii duubku u
xiran yahay gar iyo
gardarroba ku raaca;
iyaga oo lafahooda
uga baqaya amaba
anfaco ka
jeeqaaqaya. Qaar
kale, tolka ay ka
dhasheen ayay addoon
u noqdaan. Gefba ha
ahaatee, talada ay
qoladiisu maantaas u
xaglinayso ayay ula
xagliyaan, ‘maya’
inay yiraahdaanna
kuma dhacaan! Qaar
kale naftooda uun
bay u daneeyaan,
halkii runta iyo
wanaagga bulshadooda
ay uga danayn
lahaayeen. Awoodda
curinta maansaduba
ha ku daabacnaatee,
hal-abuurrada kuwa
caynkaas ahi dadka
kama
dhex-qarsoomaan.
Haba qurux
badnaatee,
maansadoodu ma soo
dhaafto xilligii la
tiriyey iyo meeshii
lagu tiriyey toona,
maxaa yeelay waxaa
ka maqan dareenkii
runta ahaa ee waarin
lahaa. Maansadoodu
ma hanaqaaddo, maxaa
yeelay waxay ka
dhalatay carrabkii
dalabta lahaa ee la
sheegay lugaha
dalabta leh in laga
garan og yahay!
Ha yeeshee,
waayihiisu sida ay
inoo muujinayaan,
Yamyam waa gabayaa
dhiirran. Sida aan u
aqiin, waa gabayaa
waxa uu rumaysan
yahay aan ka
leexleexan karin,
xataa hadduu ku
tashado inuu
isyeelyeelo ama
iscandadawlo!
Sidaas darteed,
awood siyaasadeed
iyo rabitaan toleed
toona weligiis uma
nuglaan, cid kale
afkeedana kuma uu
hadlin.
Bulsho-weynta
Soomaaliyeed ayaa u
sinnayd. Danaheeda
ayaa weligiis uga
horreeyey kuwiisa
iyo kuwa
qoyskiisaba. Taana
waxaa laga garan
karaa maansadiisa
ballaaran iyo
waayaha noloshiisa
labadaba. Mar waa
kii lahaa:
Obokh iyo
Hargeysiyo
Nugaal
oogadeediyo
Ardaayada
Shabeelliyo
Ilaa beesha
Enef-dii (NFD)
Afartiisa gees
iyo
Muqdishoo unuunka
ah
Ummaddayda
joogtee
Diin iyo af
keliya ah
U eg anigu saan
ahay
Aabbiyo adeer iyo
Eeddiyo ayeeyaba
Oday qurihi wada
dhalay
Ee alif kordhaban
iyo
Aayadaha Quraanka
ah
Hikaad keliya ku
akhriya
Waa kala ab yaa
yiri?
Arraxmaan
Raxiimow
Waad iga ogsoon
tahay
Ammuuraha na
haystoo
Qoladaad
albaabbada
U furtaa ma
oontoo
Abaar iyo kulayl
iyo
Eedaadka gaajaan
La adkaysan
weynoo
Ummaddayda
baahida
Wawga
ashtakoodee;
Arsaaqdii
dhulkoodood
Irmaanow
tiraahdiyo
Aqli aan ku
garanniyo
Addimmo aan ku
maalliyo
Xaqdigoon
illowniyo
Mid
ahaanshaheenniyo
Sabool laga
adkaadaan
Ku weyddiistey
Eebbow!
Sida ay dad
badani xusuusan
yihiin, bilawga 1900
iyo toddobaatannadii
aad bay u yarayd
tirada Soomaalidii u
bareeri kartey
siyaasadihii Golihii
Sare ee Kacaanka iyo
maamulkii ay iyagu
hoggaaminayeen. Cid
ay daacad ka ahayd,
cid wax kaga
doonaysey iyo cid ka
baqayseyba, sacabka
ayay bulshadu u wada
garaacaysey. Waxaa
ugu darraa
maansoyahannada iyo
hal-abuurrada fanka
oo beryahaas si
isdabajoog ah u
curin jirey gabayo
iyo heeso ay
madaxdii dalka ku
ammaani jireen. In
kastoo beryahan loo
badan yahay madaxdii
xilligaas
hal-abuurradii
ammaani jirey in
lagu darraabo,
haddana taasi aniga
waa ila gardarro,
waana gef aan
maan-gaabnimo ka
tagganayn! Waxaan
qabaa madaxdu haddii
ay wax fiican qabato
inay ammaanteenna
mudan yihiin, maxaa
yeelay waa u
dhiirriggelin.
Haddaynu daw u
leennahay markay wax
bi’iyaan inaynu ku
dhalliillo, iyana
waxay gar inoogu
leeyihiin kolkay wax
wanaajiyaan inaynu
ku hanbalyayno.
Dhinaca kale,
gabayaagu wuxuu gar
u leeyahay tixihiisa
inuu u adeegsado,
fal iyo hadal, kolba
wixii dareenkiisa
dhaqaajiya. Wuxuu
xaq u leeyahay
cidduu doono inuu
maansadiisa ku
ammaano, mar walbase
waxaa shardi ah inay
run ka tahay oo aan
dad kale carrabka la
lahayn, lana
kireysan! Si kastaba
ha ahaatee, wax ugu
wacnaaba,
hal-abuurradii ka
biyo-diidey ammaanta
madaxdii dalka ee
xilligaasi waxay u
qaybsameen: --qaar iska
aamusay; iyo qaar dan moodey
inay tiriyaan heeso
sarbeeban oo
dadweynuhu aanu
ujeeddadooda la bixi
karin, siyaabo kala
duwanna loo qaadan
karo.
* * *
Sannadkii 1974kii
ayuu Yamyam
caddeeyey inuu
saddexdaas qoloba ka
duwan yahay. Wuxuu
taariikhda gashaday
geesinnimo layaab
leh markii uu
falanqeeyey gefafkii
siyaasadeed ee ka
dhashay
maamul-xumadii isa
soo taraysey, asii
in kor loogu
dheeraysto aan
markaas cidina ku
dhici karin!
Sannadkaas ayuu
tiriyey saddexda
gabay ee la kala
yiraahdo: Weriye,
Qaran iyo Run
Dhegeyso oo
dhammaantood
xanbaarsanaa
dhalliilo toos ah;
isaga oo tirinaaya
goldaloolo wixii
maalintaas u
muuqanaayey.
Madaxdii dalka ayuu
ku canbaareeyey
siday uga weecdeen
1969kii waddadii ay
ku ballan-qaadeen
inay ummadda
qaadsiin doonaan:
waddadii hufnaanta
maamulka, waddadii
horumarka, waddadii
daryeelka nolosha
dadweynaha…
Isaga oo aan u
sarbeeban, ammaanna
aan ka hormarin
wuxuu ahaa
gabayaagii ku
dhiirradey inuu
yiraahdo:
Lixdankii sidii
loo dhidboo, calanka
loo dhaabay
Qaar weli
dhur-sugayaa jiroon,
dhaashi loo marine
Dheeraad intoodii
rag cunay oo, ruugga
sii dhuraya
Dhaayahaygu qaar
bay arkaan, dhabarku
muuqdaaye
Dhuunyaalihii
lacagtu wuu,
dhuudayaa weliye
Masaakiinta kii
dhaca haddaan,
tiirka loo dhiginnin
Oo ayan xaqiisii
dhadhamin, kii u
dhimanaayey
Maxaad noogu
dhalateen kuwii,
hore ma dhaantaane
Maxaadse ugu
dhawaaqdeen cadlaan,
laga dhabaynaynnin?
* * *
Tusaale kale oo
dhiirranaantiisa
inoo muujin karaa
waxa uu yahay tuduc
gabay ah oo ku
beegan 1980kii.
Waxay ahayd 21kii
Oktoobar, maantaasna
waxaa loo
dabbaaldegaayey
sannadguuradii 11d
ee Kacaanka. Allaha
u naxariistee,
madaxweyne Maxamad
Siyaad Barre
khudbaddii uu
maalintaas ummadda u
jeediyey waxa uu
daaha kaga qaaday
qorshe cusub oo uu
laba-kaclayn ku
magcaabay. Waxaa
lagu macneeyey:
tallaabo, dul iyo
hoos, lagu
hagaajinayo
maamulkii dalka ka
jirey, wixii
qaldamayna lagu
turxaan-bixin
doono.
Yamyam, haddiiba
qorshahaas shaki baa
ka galay. Wuxuu,
malaha, garan
waayey, madax iyo
aragtiba, iyada oo
wax waliba ay
sidoodii hore yihiin
sida ay
laba-kaclayni u
suuraggeli karayso!
Kolkaas buu,
fagaarihii
dabbaaldegga annaga
oo aan wax badan ka
soo fogaan, wuxuu la
soo boodey:
“Digo-rogasho waa
meel ka wacan
degelki aad tiile
Adigoo diqdaadii
fadhiya dulinku kaa
raacay
Doobiga in loo
sii cushaa xoolo kuu
darara
Waa
damac-ku-xiisood
ninkii taa
danniyayow e!”
3.
Gabayaa
dhaqan-yaqaan ah:
Hibo kasta ha
lahaadee, gabayaa
waliba wuxuu u
baahan yahay inuu
wax fiican ka aqoodo
dhaqanka bulshada uu
ku dhex-nool yahay
iyo dadweynaha uu
tixihiisa u
jeedinaayo. Inay u
le’ekaatoba, waa
inuu garasho u
leeyahay, guul iyo
guuldarro, waayaha
uu dadka degankiisu
soo maray. Waa inuu
wax fiican ka
yaqaan, wadar ahaan,
hiddaha uu dadkiisu
ku dhaato.
Waxyaabaha la
wanaagsan iyo kuwa
la qalloocan. Waxa
kiciya iyo waxa
dejiya. Himilada
joogtada ah ee
ummaddiisu ay
indhaha ku hayso.
Cidda ay cadawgeeda
u taqaan, iwm…
Haddaba, hiddaha
ummadeed ee
gabayaagu aanu sina
uga maarmi karin
waxaa ugu muhiimsan
‘dhaxalkii maanso’
ee hal-abuurradii ka
horreeyey ay ka
tageen. Hormuudyadii
hore gabayadoodii
kolkuu wax ka yaqaan
ayay kuwiisuna
culays yeeshaan.
Markaas buu
tixihiisa ku qurxin
karaa muuqaallo ay
dadku garanayaan.
Markaas buu ku soo
bandhigi karaa
sawirro uu maanka
kaga xadi karo oo
mar uu kaga qoslin
karo, mar kale uu
kaga oohin karo, mar
saddexaadna uu kaga
fekarsiin karo!
* * *
Yamyam wuxuu ka
mid ahaa
maansoyahannada
kuwooda hiddihii
hore ee Soomaalida
aqoonta dheeraadka
ah u lahaa. Xilligii
uu Akademiyada ka
tirsanaa, gabayaa
keliya ma uu ahayne,
wuxuu ku jirey
hawlwadeennada
maansadii hore
ururin jirey ee
odayadii da’da ahaa
ka qori jirey.
Taasina wax weyn
ayay ugu fillaatay.
Wuxuu hoos ugu
daaddegey siyaabihii
hormuudyadii hore ee
maansadeennu ay wax
u curin jireen iyo
tabihii iyaga
qudhooda ay bulshadu
ku kala saari
jirtey. Markaas baa
waxaa u suuraggashay
inuu tiriyo gabayo
iyo heeso ay
Soomaalidu ku
jeceshahay
ujeeddooyinka ay
taabanayaan iyo,
farsamo ahaan,
muuqaallada ay
garanayaan ee uu ku
xiddeeyo. Inta aan
ogahay, wuxuu ahaa
ninkii ugu horreeyey
ee gabayadii hore
inta dhex-muquuray
ka soo miiray
tuducyada halqabsiga
leh ee, murtidooda
darteed, ay dadku ku
maahmaahaan, sida
fududna ay dusha uga
qaybi karaan. Kuwaas
ayuu inta gabay
walba ka soo saaray
wuxuu ula baxay
hal-muceedyo ama
dareen-jiiteytaal;
taasoo inoo caddayn
karta xarigga adag
ee isaga iyo
maansadii hore isugu
xirnaa.
4.
Gabayaa
Soomaalinnimada ku
dhaarta
Da’ ahaan markii
loo eego, Yamyam
wuxuu ku
indho-dillaacsaday
iyada oo fikradda
Soomaalinnimada uu
calanku u
babbanaayo. Wuxuu ku
barbaaray iyada oo
himilooyinka ummadda
ay ugu weyn tahay
xoraynta iyo
midaynta dhulka iyo
dadka Soomaaliyeed
ee ay gumeysteyaashu
kala qaybsadeen,
kalana qoqobeen.
Wuxuu garaadsaday
iyada oo
qab-wadareedkii
ummaddu uusan dhulka
ku dhicin oo
Soomalinnimada lagu
faano. Wuxuu
tabaraystay iyada oo
halgamaaga iyo
khaa’inka la kala
yaqaan oo uu
halgamaagu
sarreeyo!
Fikradahaas ayuu
ku koray. Iyaga ayaa
ku weynaadey. Iyaga
ayaa maankiisa ku
gaamurey. Taana
waxaad ka dhadhansan
kartaa dhammaan
maansadiisa
dal-jacaylka ku
saabsan. Gaar
ahaanse waxa aan
kuugu tilmaami lahaa
gabaygiisii Gaawoon,
kuwiisii guubaabada
iyo dagaal-gelinta
daarranaa, kuna
aaddanaa dagaalkii
Soomaaliya &
Itoobiya ee
1977-‘78kii,
heestiisii Soomaali
baan ahay iyo
miinleydii murugada
badnayd ee uu ka
mariyey shirkii
dib-u-heshiisiinta
ee 1993kii magaalada
Addis Ababa
Soomaalida loogu
qabtay...
5.
Gabayaaa madax
bannaan
Wuxuu Yamyam ahaa
gabayaa kuwa ay isku
gedaha yihiin meelo
badan kaga duwanaa.
Waxa uu ku
tilmaannaa hal-abuur
curinta maansada
badsada. Kolba
dhacdada
wax-ka-soo-qaadka
lihi waa nin aanay
demmani ku dhaafi
jirin. Xumo iyo
wanaag, guul iyo
guuldarro, jab iyo
soo-kabasho; intii
uu hanaqaaday wixii
uu u soo joogey oo
idil tixihiisa ayuu
ku taariikheeyey.
Wuxuu iska ilaalin
jirey inay lugaha
uga marmaan
dabinnadii isaga oo
kale ay madaxdu u
dhigi jirtey.
Markaas buu wuxuu
doortay inuu
madax-bannaanaado,
si ay maansadiisuna
u
madax-bannaanaato!
Hanjabaad iyo
hunguri-gelinba,
wuxuu ahaa nin lagu
soo loodin waayey.
Taasina waxay sabab
u noqotay
gabayadiisa inay ku
jiri waayaan tuducyo
uu isagu mirahooda
leeyahay, hase
ahaatee ay
ujeeddadoodu maan
dad kale ka soo
maaxatey! 1979kii,
isaga oo maansadiisa
ku halqabsanaya,
innagana, malaha,
iskeen baraya waa
kii lahaa:
Adigoo i doortoo
Deexashada
hikaaddiyo
Dareen igu
hoggaanshoo
Dibnahayga
hadalkiyo
Anfacada u diidoo
I dalbada ha
joogtee
Ninna iima kaa
diro!
Damac iyo fikrado
kale
Darar igama
keenaan;
Adigoo an soo
dagin
Daad soo rogmadey
iyo
Ima kiciyo
duufaan!
…………………..
Adaan dayro kuu
ahay;
Inta daanku harag
iyo
Diir madow i
leeyahay
Dariiqaaga mooyee
Kuma mariyo daw
kale;
Qabiil kuguma soo
dumo
Kuugumana
dagaallamo;
Dastuurkaagu
qarankiyo
Dadweynaha
saboolka ah
Difaacooda
weeeyaan!
Wuxuu ahaa
hal-abuur wixii uu
aammino aan ka
leexleexan karin. Ma
ahayn gabayaa
dareenkiisa cabburin
karey oo, sababo
isaga ka baxsan
dartood, dib ugu
dhigan karey.
Si walba wuxuu
uga duwanaa
hal-abuurro kale oo,
qaran-jabkii
Soomaaliya ka dib,
iyagu doortay inay
ku ururaan halkii ay
hortii ku dhasheen.
Hal-abuurro u
nuglaadey hindisaha
jilibbada ay ka soo
jeedaan. Hal-abuurro
gar iyo gardarroba
ku raacay waxa uu
tolkood rabo.
Hal-abuurro ku
kufriyey midnimadii
ummadda ee, waayo
hore, ay sheegan
jireen inay u taagan
yihiin!
Aragtidayda,
maansoyahan waliba,
isaga oo nool, wuxuu
dhintaa kolkii af
iyo uur kala jira
lagu barto! Sidii
ruux diblomaasi ah
markuu u dhaqmo ayaa
loo yaabaa!
Laba-wejiile ayay
bulshadiisu u
aqoonsataa. Waxaa
laga wada jeestaa
markuu u ranbaso
diktatooriyadda
madaxda siyaasadda
iyo cadaadiska xagga
tolka uga yimaada.
‘Qoor-iyo-xero-laawe’
ayaa lagu sheegaa
kolkuu oggolaado in
la hoggaamiyo,
halkii uu isagu wax
ka hoggaamin lahaa!
Haddaba,
waayihiisa haddii
loo fiirsado, intaas
oo goldaloolo ah
cidina Yamyam kuma
xaman karto. Waxaa
daliil kuu ah
dhawr-iyo-tobankii
sano ee u dambeeyey
habkii uu u noolaa,
halkii uu ku dhaqnaa
iyo maansadii uu
tiriyey ujeeddooyin
wixii ay lahayd.
* * *
Yamyam waa
gabayaa laqmaday!
Lixdan mid la’ ayuu
cimrigiisii ku soo
af-jarmay. Waxaan
maanka ku hayaa
murtidiisii ugu
weyneyd inay noo
harsanayd oo,
hadduusan dhiman, uu
sidiisii iyo si ka
badanba nolosheenna
suugaaneed u hodmin
lahaa. Waxaase jira
Soomaalida
suugaantiisa jecel
wax aan ku samirsiin
karo. Hadduu Eebbe
idmo, timaaddada
dhow waxay heli
doonaan maansadii uu
tiriyey
dhammaanteed; taas
oo ku urursan
diiwaan baaxad weyn
oo afar mujallad ah,
isaga qudhiisuna
intuu noolaa uu
diyaariyey. Waxaan
hubaa maansadaas oo
daabacani markay soo
baxdo inay
hodontooyada
af-soomaaliga wax
weyn ku kordhin
doonto. Mar labaad,
waxaan hubaa inay
wax inaga bari
doonto dhinacyo
badan oo
taariikhdeenna
casriga ah ku
saabsan, gaar ahaan
dhawr-iyo-soddonkii
sano ee aynu soo
dhaafnay. Mar
saddexaadna, waxaan
hubaa inay noqon
doonto talo iyo
ku-dayasho meel ay
ugu ciirsadaan
dhallinyarada iska
dareenta hibada
maanso-curintu inay
ku duugan tahay.
Eebbe-weyne
Yamyam ha u
naxariisto, innagana
dabadiis nama
habaabiyo. Aamiin.
(Axmed F.
Cali “Idaajaa”)
Nayroobi, Keenya
|