|
Ladiid Iyo Lafo Tanade |
Caawa waxaan ka sheekaynayaa sheeko aad u fac wayn oo salka ku haysa taariikh aad u qoddo dheer. Waa taariikh dahsoon oo Somali badankeedu aysan ogayn. Waa silsilad soo taxnayd qarniyo badan. Waana taariikh wiil aabe ka dhaxalay, aabbena aweewe ka dhaxlay.
Sanadihii tegey iyo saanteenii aan dib u raacno, qarniba qarni aan uga gudubno, dhalashadii Axmed Gurey aan sii dhaafno. Tonabeeyo qarni ka badan aan saacada dib u celino. Odaygii Daarood ahaa oo nool aan u tango oo sheekadeenu halkaas ha nooga bilaabato. Odaygii Daarood ahaa wuxuu dhalay shan wiil. Shantaas wiil kan dhexe waxaa la oran jirey Tanade. Tanade waa ninka ay ka farcameen Qabiilka Somaliyeed ee la yiraahdo Leelkase.
Waxaa nagu maqaalaa oo tariikh ahaan nagu soo gaadhey in Tanade uu Abihiis Daarood gacan yare u ahaa, aadna uu ugu dhega nuglaa. Gaboow iyo geeribaan nina gees marayne, Odaygii Daaarood ahaa wuu jiradey, wuxuuna garwaaqsaday inuusan aduun soo joogayn. Daarood oo tacnaab ah ayaa Tanade oo ag fadhiya ku yiri, aabbe anigu aduun waan ka jiitaye waxaan kuu sheegayaa meeshii aan ku aasay dahabkaygii. Tanade oo ilmaynaaya ayuu Daarood u sheegay kobtii uu dahabku ku aasnaa. Daaroodna isla saacadii gudaheedii buu xijaabtey.
Tanade oo Daarood maydkisii ku dul ooyaaya ayaa waxaa u yimid afartii wiil oo walaalihiis ahaa. Aaskii Daarood ka dib ayay afartii wiil gees ula baxeen Tanade oo waydiiyeen Dardaarinkii odayga iyo dahabkii meesha uu ku xasaysan yahay. Tanade wuxuu ku jawaabey, Aabbe dahab igalama hadlin. Afartii wiil marumaysan hadalkaase Tanade way buga-bugeeyeen, warse ka heli waaye. Markii dambe ayay inta isu qabteen dhinaca dhulka u dhigeen mindina hunguriga ka saareen, waxayna u sheegin hadii uusan sheegin meesha uu dahabku ku jiro inay biraynayaan, Tanade wuxuu ku jawaabey “DHULOOW DHAXAL”.
Afartii wiil halkaas waxaa uga cadaatay in Tanade uusan sheegaynin meesha dahabku ku aasan yahay. Subag weel ku daatay sina uma xumaane, waxaa kaloo wiilasha is tustay, dahabku intuu lumi lahaa in ay roontahay in walaalkood dhaxlo. Waxayna go’aan ku gaareen in Tanade aan wax dhaxal ah laga siin xoolaha intooda kale oo ay afartoodu qaybsadaa. Sidaas bay u sheegeen Tanade wayna iska sii daayeen.
Muddo ayaa ka soo wareegtey Tanade iyo wiilashii kaleba waa guursadeen caruur bay dhaleen, inkastoo ay isku degaan ahaayeen hadana way kala wareegi jireen, Tanadena dahabkii buu hoosta ka dhuuqi jirey. Waxaa dhacday in Tanade guursadey dumar badan dhalayna caruur aad u badan, caruutiisiina caruur sii dhashay.
Tanade oo da’wayn jira ayaa wuxuu soo gaarey caruurtiisii iyo caruurtay dhaleen oo boqolaal gaadhey hanti aad u badana yeeshay, ileen waa dad dahabakii Daarood u dhitaysan yahaye. Markay dadkii bateen ayaa loo baahday xukun iyo boqortooyo dadka kala hagta, waxaana maal iyo dad badnaan ku qaaday masuulkaas Tanade warasadiisii.
Amminkaas Somali badankeedu waxay ku noolaayeen Bari, waxaana ka aasaasantay Bari Boqortooyo Tanade. Boqortooyadaas waxay soo jirtey mudoo ilaa iyo hada laga joogo todobo boqol oo sano ku dhawaad. Waa boqortooyadii reebtay maahmaahda ah.
“Nin tollwaayey Tanade sheegay” oo micnaheedu yahay, ninku markuu nafta u yaabo oo cadawgii u gacan galo oo uu is yiraahdo maanta laguma daynaayo, waxa keliya oo uu ku fakan jirey waa inuu yiraahdo Tanadaan ahay , boqortooyadaas cabsi laga qabo darteed baa ninkaas lagu siidayn jirey.
Boqoradii Tanade kii ugu dambeeyey waxaa lagu sheegaa magaciisa Diiftire oo uu micnaheedu yahay daaltire. Todoba qarni ku dhawaad ka hor ayay Somalidii ku hoos noolayd boqortooyada Tanade tashadeen oo duulaan culus ku qaadeen boqotooyadii, halkaas ayaana lagu laayey kumanaan kun oo Tanade iyo taageenayaashoodii ah.
Lafihii dadkii la laayey waxaa lagu aasay meel Bari ku taal oo ilaa hada lagu magacaabo “LADIID IYO LAFA TANADE”
Kala qaxii dagaalkaas keenay ayay Tanade ku kala yaaceen, waxayna u kala qaybsameen dhawr qaybood oo kala ah. Korshe iyo Warodhaqo oo u qaxay xagga Itoobiya iyo inta kale oo somaliya ku kala firirsan. gaar ahaan Mudug, Bari ilaa iyo Buur-hakaba.
Dagaalkaasi Tanade ama Leelkase wuxuu u noqday tusaale aan la’ illoobi karin oo tusay cawaaqib xumada ay leeyihiin amarkutaaglaynta iyo Alle ka fogaadku. Waxaa u cadaadtay in xoog kasta oo aad leedahay iyo xoolo kasta oo aad leedahayba maruun taladu kaa liicayso. Waa sida uu Qamaan Bulxan ka gabyey sheeko la mid ah sheekadaan Tanade, Waana kan gabaygii Talla Aduun.
Tanade waxay u jeesteen xag Ilaahay oo aduun waa ka sii jeesteen. Waa waxa ilaa iyo hada Somali oo dhan u aaminsan tahay in Leelkase ama Tanade uusan rabshad jeclayn.
Sheekada waxaan ku soo gebagabaynayaa gabay aan anigu taariikhdaan ka tirishey.
Gabaga magaciisi waa Taariikh
Qalinkii. Maxamed Cali Daqle