|
Gabaygii:
Kud bari ...........................................................................................
Gabaygii Kud Bari ee uu tirshay Abwaanku kaadheeri waxuu yidhi:- Kasmo
gabay abwaanada ka tirin, koonkan gudihiisa Markii ay u wada kaalmadaan, kaatun
xidhidiisa Nin waliba karaankiisu togan, kiilka maansada e Aniguna mid
aan soo kilkilo, amase koolkoolsho Ka'da mudan ku naaloonshaheed, karadhii
suugaanta Indhawaydba kooraha naxwada, uma kal-xaadhnayne Ma kashbicinin
waayadan murtida, kaamilnimadeed e Ma karoosin kayd soo ma furin, kooba waayaha
e Kuligeedba waataan banadday, kabanadeediiye Hadba anoo kitaabkeeda dhigay,
yaa laygu kiciyaaye Markaasaan karkaarkiyo ridada, kaalintoow galiye Oo
aan kamiin iyo durduur, wada kafaysiin e Maantana kanaalkeedaan furi, kaahna
woow shidiyee Korantaddii aan damiyaan haddeer, kicin matoorkiiye Karaar
qaadashada waan ku dumin, kadab aluubnayde Kabuubyadda fartaydaan ku mudi,
meesha kaaramiye Kasoobaxa waan koobaabayaa, keenay boogaha e Kugta maasha
soo kuusan baan, gubid ku naafayne Kaneecadu dadkay hayso baan, Kadi ku daawayne
Ka hortagna badhbaan siinayaa, ka adag duumada e Kaska leexday maankaa
kadmay ee, kabali waydaarshay Kabog iyo madheedh baan cabsiin, koob uneexo
ahe Kordhis iyo kariir baan u qoyn, kayn galiilo ahe Kun dawaale baan
ugu dhaxdari, wayna kaafiyiye Kulan lagu midoobay ka dhalan, kaashi nololeed
e Kal u oomanaayoo heloo, kabaya dhuuxooda Kurdiska iyo kama-naaska ay,
Kaankaradu hayso Ee kula dhexjira baan u karin, Kabatir beerkeed e Ha
yeeshee dadbaan keeno sudhi, koorna soo tubiye Korkoodaan ku
miisaamayaa, kiilo xoog badan e Koor lagu gartana waa u xidhi, oo ka kolo'
layne Kunbuyuutar xaaqaan rakibi, kooxda caabuqa e Afartaa kanoonigaan
caliqay, keebka ma tuujay Ma la helay kudkaan shiishayiyo, kabanadiisiiba
Kudunbuurta yoolkaan ku waday, sow ma kala goynin Kase gudub ujeedada
ku hirro, kala hadh weeyaane Kana sheeg kalaamkii run ahbaa, been ka
qirro waeyne Kuftinloow kuraantoo baf tidhi, waad ka kacaysaaye Kub is
dhaaf ah bowdadii ku jaban, way ku kabantaaye Kurbo noqotay qowmiyad kurteed,
kayl u tiimbadaye Hayeeshee kaloorahan dhacaan, sheegi kii wadaye Cirka
oo kalkii hooray oo, karadha soo daayey Raxmad Eebaheey keenay oon, kala go'ayn
waayo Kalay buuxa dhiijaamo kidh ah, rahu ka dhaaleeyey Kaymaha caleemoobay
iyo, doogga kala seexday Umad nabad ku daaqdoo xornimo, ugu kifaaxaysa Oo
aan kadeed iyo dhib qabin, kala irdhaysiiya Oon diin ku kala leexan oo, yahay
kitaabkoodu Kalaamkii Ilaahay ku yidhi, koonka anigaa leh Kol qudha' wixii
kala furfuray ee, kooxba dhan u caydhshay Waabay kankoontiyi wixii, kiciyay
duufaanta Markii aan u kuur galay in badan, kadiso waa yaab e Diiwaanka
kaydiya dhacdada, kala rogoon baadhay Kudkii Bari ka yimid baa kulkiyo, keenay
aafada e Kadha qoriga keeb lagu rogmado, kalafta yeedhaysa Kumanyaal
kurkii lagaga jaray, kuman laxaad beelay Kumanyaal agoontoobay oon, korin
itaalkoodu Kumanyaal waxay kayd dhigteen, kolonyo waysaaqday Kala lumidda
kuman aan lahayn, kab iyo raad toona Soomaalida kadeedkaa ku dhacay, kala
jabkaa gaadhay Kudkii Bari ka yimid baa kulkiyo, keenay aafada Bal
inay karaahadu yihiin, koron iblays fuulo Waa niman kobtii ay tagaan, nabad
ka duuf tahaye Waa niman ku xaasid ah khalqiga, kii lanool abide Waa niman
kitaab been ah marra, kun iyo kow jeer e Waa niman kadaabnimada helay, koobkii
loo dhigaye Waa niman kobtuu kheyrku yaal, ka anfariiraaye Kurtun weeye
suul kaawiyiyo, nacab ku hoos yaal e Kabbiinada gumaysiga waqood, kama fogaadaan
e Kolse hadduu kabaalkii la jabay, kaar Allow dayaye Kabmo li'i haday
taagan yihiin, kaamil ladi waa ah Kax banaana wada kuududaan, oon ku karantiilay
Waa inaan ku tiiqtiiqsadaa, kooxda caabuqa e Kalmadaa idhaahdaana waa,
Kir iyo kooy' e Afmadoow Kismaayo iyo Dhasheeg, wabiga kaarkiisa Kalka
xeeb Kudhaadii ku tiil, amase Kaanbooni Karuurkeeda meeshay barteen, Koonfur
iyo Waamo Hub aan kaga nabaad guuriyaan, keebada u qaban e Kufri magad
leh shaydaan kabtiyi, iyo kama naaska Kama hadhayo anigoon ku celin, Kaabadii
Bariye Kolaygoodii caydhaan ku rari, kiishaduu dhigay e Korka qolofta
kaad ka guran jirteen, kuraankurtii diinka Carsaanyadaad ku noolaan jirteen,
dib ugu koorseeya
|