|
Gabaygii:
Ha-Karaamo-seegina
...........................................................................................
Maamulkii
Ingiriiska ee Gumaystaha ahaa ayaa waxuu go'aamiyey
in geel laga soo dhaco "Reer Faarax Hagar"
Arintaas cududa ciidanka Gumaystaha lagu meel-mariyo
iyadoo loo adeegsanayo kuwii askarta u ahaa beel ahaana
ka soo jeeday ISAAQ/ IIDOORKA.Ciidankii soo duulay
oo laga digniin-helay ayaa waxaa fooda is daray ragii
geela lahaa oo uu Aadn -Carab Hormood u yahay Askartii
ingiriiska halkaas baa looga adkaaday geeliina looga
dhacsaday!
Dagaalkaas
Adan-Carab wuu ku dhaawacmay gacanta midig ayey xabadi
kaga dhacday , sidaa loogama hadhine isagoo dhaawac
ah iyo dhawr nin oo kale dagaalkaasna ay ku wada jireen
ayaa la qabqabtay, waxaana lagu xidhay Xabsiga Burco.
Wali
iyaga oon la xukumin ayey xabsiga ka baxsadeen,kuna
soo noqdeen rugihii horeba loooga qabtay iyo hawdkii
ay geeleeshoodu joogeen.Adan-Carab oo gacani u Shakaalan
tahay kolkii uu reerihii ku soo laabtay ayaa dadka
qaarkii wax layaab leh ku noqotey.Waxay filayeen in
uu xabsiga ku raagi doono ama la dili doono ayaa qolyo
reer Burco ah jeclaana in la soo sheego geerida Adan_carab
una jeellanaa dhibka Adan carab isla dhexmareen Adan
Dhimay!!! markaas uyuu gabay u marshay isagoo u sheegaya
in uu Nool yahay iyo wacdarihii uu gaystay si dulmarna
u tilmaaya Tixdan dhamaadkeeduna Somalidu ku Hal-Qabsato
waxuu Yidhi:-
Gaalkaa
Kismaayiyo ka yimid koonfur iyo Jowhar
Kiis tuugo oogada intuu nagaga kooreeyey
Kolanyiyo bileys nooma dirin kelebta waaweyne
Kuukaayadii buu na sudhay koodhadhka xumayde
Anna
kiin xukumayaan ahaa koos dhan oo idile
Kala saajin bay soo diriyo kaabul ma aqoone
Konton qaaddiyo uustar-gaab kidha intaan qaatay
Ma kammi'ine shiishkaan sidii kaamil-koor ridaye
Kabnigaygu diid maalintaas kararra'-ceebeede
Aniga midii lay katibay layla kulansiiye!!!
Kalka
iyo markii gacanta midig keybku iga gaadhey
Kun qolaa jeclayd inaad xabaal igu kisaysaane
Kelmadaan lahaa baa dadkii ii kohsanayaaye
Kasgaabka iyo shisheeyuhuna way karin lahaayeene
Inkastoo
kitaab iyo quraan la igu `kow' siiyo
Kabcadii horteed inaan dhintaa kaafka kuma taale
Anay kibisi ii nooshahaan laasan kadabkayga
Ha karaamo seegina habaar laygu kari waaye!
|