|
Kaadsada
...........................................................................................
Nin La odhan jirey
Maxamed faarax . laguna naanayso <<Jaawali>>Ismaaciil
Mirena Ilmaadeer ahayeen ayaa beri damcay inuu u safro
oo Burco geeyo Xool iyo badeeco kale, kuna soo badasho
lacag iyo qalab magaalo Ismaaciil oo isagu ahaa reer
miyi aan car isku rogin ayaa <<Jaawali>>
u yeedhay si uu socdaalka uga baajiyo, Gabaygu ha
la maro ama kas ha u yeelo ee waxuu maagay Salaan
carabey oo gabya ahaa
<<Hadii safar magaalo iyo ganacsi khayr leeyahay
Salaan baan Caato iyo Weyd la dalanbaabiyeen>>
ayuu Ismaaciil gabayga ku soo gabagabeeyey . Waxuu
Yidhi
Magaalada
raggow kacahayow kol ila soo joogso
Kallahaad haddaad damacsan tahay Maxamedow kalay
Kalmaddeyda lama quudhsadee maqal kalaamkayga
Kaddib iyo in been lagu hadlaa waa karaahiyo e
Kaftan
looma yidhi xaajadii kaamil loo yahaye
Waa kararrah hadalkii xunoo lagu kireystaaye
Kuwa miyiga keenada geshaye dabo kushlaynaaya
Oo rubiga ay kalawsadeen kiishadda u qaatay
Kulayl
kagama hadhin ceebna waa kay u go'ayaane
Karuurka iyo caanaha dhanoo deyso kabashkaaga
Korjadahana aqalkaaga dhigo koran ma doonaane
Haduu kabare khayr leeyihiyo kadab la soo iibsho
Ama
lagu kashbacayoo qaxwuhu badhida keenaayo
Ama soor aad keligaa cuntaa kamanka buureyso
Kaadsada Salaan baan futadu kaxankaxawdeene
|