|
Gabaygii:
Ka Dhamaystay
...........................................................................................
Faadumo Dhoorre (Faadumo
- xabbado) oo u dhaxdey Ismaaciil ayaa beri cidahoodii
oo deggan degmada Ceerigaaho soocdaal ku aaddey. Nin
Bile Dalmar la odhan jirey
oo ay gabadha qaraabo yihiin ayaa, dabadeed, Ismaaciil
waraaq u soo diray uu ku leeyahay: Ismaaciilow, Faadumo
indho danbe saari maysid, haddii aadan ii keenin rag
shan kun gaadhaya oo ah kuwii Dariiqo (Daraawiish)wax
ku bartay oo fardaha sidii u yaqaan. Wuxuu ku daray«Faadumo
maanta adigaa u baahane iyadu kuuma baahna».
Ismaaciil kolkaas ayuu yidhi, «Warqadda Bile
barbarka uu wax ku soo qoray mooyaane barbarka kale
u roga(barbarkii cadaa ayuu tixdan ku qoray Waxuu
Yidhi:-
Madi
dhiil lahaan jirtey hadday dhawr gu' kugu raagto
Dhasha waxaad u maashaba hadday dhoofka ka caddaato
Dhudhubay nirgaha kula hadhaa dheelmatiinnada e
Dhimataye
sartaa laga dhistaa yaan dhurwaa cunine
Ka dhammaystay Faadumo dhal iyo dhuubkii quruxeede
Intuu naaska dhoolka u eg iyo dhabanka nuuraayey
Haddii
layga dhaco naagta waw dhiman lahaa ruuxe
Dhaar waxaan ku marayaa inaan geli lahaa dhiige
Miyaansaan u dhaxamoonayaa Dhiiman guursadaye!!
|