|
Gabaygii:
Jiiqdaada Quulaha ka Guro
...........................................................................................
Waa gabaygii mid uu
tiriyo ugu danbeeye.<<Siigacase>> abaartii
loo bixiyey ee ku aaddan 1951 ayuu Ismaaciil mariyey.Wuxuu
kaga hadlayaa,sida gabayga guuguulaha ee aynu soo
aragnay,abaarta dadka saabatay iyo waxa dadkii guud
ahaan kala soo gudboonaadey.
Intuusan
tixda bilaabin ayuu hal uu jeclaa oo soo dalkacay
oo darantii iyo dhulkii ay daaqi jirtey u hinganaysa>markaas
buu inta iyadii ku halqabsaday Yidhi:-
Qaaliyey adduun kaa qafilan qaabka uu yahaye
Qawlka iyo darantii haddaad u qalbi taageyso
Qabawgii Higlooliyo' huddaad Quracle dooneyso
Rag
ka quusay dooxooyinkaad qaayo ku lahayde
Qallaalkii Furriyo waa abaar qalaxi Geed-dheere
Qoys kama bidhaamaa la yidhi qararki Hoosley e'
Warsengeli
wuxuu sii qubnaa Guban qallaalkeede
Qallaafey ka duuleen kuwii Qawlo yuururaye
Cabinaasir qalalaasihii qabey Ogaadeene
Afartaadan
qoob iyo candhada qabilka aad mooddo
Oogada qabiirtiyo gollaha qolofta kaa saaran
Qac markaan ku siiyaa indhaha lay qarrariyaaye
Amba
quubka waan kula qabaa qarawga leylkiiye
Jiiqdaada quullaha ka guro qiil Allaa bixine !
|