|
Jahaadkii
wada dheer
...........................................................................................
Dhalinyaro
sodomeeyo ah oo Daraawiish ah ayaa duullaan aan loo
fasixin ugu baxay degmooyin Burco agaheeda degganaa
oo Ingiriiska meel kala soo jeeday Miirana u ahaa.
Bancawl meesha la yidhaa oo Beer u dhow ayey ka soo
qaadeen geel 400 ah
dabadeedna waxay keeneen Orgiya oo ay Daraawiishi
daar ku lahayd Waxaa la isku raacay in geela aan dhalinyarada
la siin maadaama ay iska baxeen naftoodana halis gesheen
oo laga dhigo <xoolo daareed>
Ismaaciil
Mire oo ka mid ahaa ciidankii ay nimankaasi ka tageen
aad buu maqnaanshahooda uga murugooday isagoo ka cabsi
qabey inay <<Gaalo>> hesho
oo ay dib dambe u soo noqon waayaan. Markaas buu tixdaan
rabbi-bariga ah goor Caweysin ah mariyey in teysan
Dhalinyaradii Orgiya ku soo noqon waxuu yidhi :-
Nin
welwelhayaad Maxamedow weedh u dirataane
Waayadotan maansaduna waa iga wayiignayde
Waddigii habeenlkii ma ledo welef sidiisiiye
Jahaadkii waddada dheer maraan weli u jeedaaye
Wejigoodu gubeygii haddii weerar lagu baaro
Weyraxa la soo tubo hadday weydo Ololeyso
Waysaaqa dirireed haddii sumucu wiifleeyo
Waaxidow Allahayow adaa lagu wakiishaaye
Eebboow
walaalahay quwee wahantay laabtiiye
Warsame iyo Xuseen iyo saciid walaftankii Yuusuf
Wabarkii Obsiiyiyo Cashuur warammadii Ciise
Wanaagii Hurruuse iyo Dhaal wereftankii Xaashi
Caliyaan
u waalanahayaan weheshigoodiiye
Waxtarkii Ducaaliyo Hayaan waanadii Maxamed
Iyo weyraxii Nuur warsame wadanihii Aadan
Iyo wiilashaan garanhayiyo wadar dhammaantoodba
Wadnahay
qadhqadhi jeerahoy wada yimaadaane !
Eebboow waxyeellana ka dhawr hana iswaasiinuun
Waxba ima taraan caanahaan wabaxsanaayaaye
Dhallintii
aan soo waaban jirin waw welwelayaaye
War bishaaro Eebbow ka keen waaga barigiisa!
|