 |
Gabay:
Dabkaad hurisay
-------------------------------------------------------------------
Ismaaciil
mire oo Calidhuu ka duqaynayaa oo ku tilmaamaya inuu had iyo
jeer gardarro waxii la gudboonaana uusan falin. Dinaca kalena
Qamaan ayuu ku dhaliilayaa inuusan gabaygii hiil iyo tolnimo
midna u qaadan ee uu la kacay eedayn iyo dood aan meesha ku
jirin Ismaaciil wuxuu yidhi:-
Inkastoo
dalkii kala fog yahay, hadalku soo duulye
Dabeelaha Xagaagii dhiciyo, dowlahaa sidaye
Noo dooji dooggiyo sidii, Dirirka Cawleede
Kumana diirsan maansadu hadday, dunida aafayne
Duunkaaga kuma suubbanayn, diradiraaluuye,
Allaylehe dembaab lama hadlee, kulama doonayne!
Dalkoo nabad ah baad uumiyaha, belo la doontaaye
Dal dhan buu gubaa qaraf yaroo, duur la geliyaaye
Dooxooyin idil bay xushaa, digo hulaaqdaaye.
Inkastoo
diciif yahay naflaha, ama la daadduunsho
Inta daamankiisu is hayaan, anafo daynwaaye
Deeq iyo markuu nabad heluu, daawo furayaaye.
Markii aan Daraawiish jirneed, nagu duqeyneysey
Nama duufsan Shiikh Maxamedkii, duubka noo xidhaye
Annagaaba diintiyo sharciga, daalib ku ahayne.
Dammanaansho nimankaad biddaye, doqon ku sheegeysey
Cawlkii la dabay oo middida, dabaxda loo waayay
Oo qoday birtii lagu dig dhabay, kuugu duurxulae,
Allaylehe dadkii kugu danniyay, waaba kuu digaye!
Afartaa
ma daaldaalinee, daw ma ku hagaajay,
Dadku muranyey wiilyahow miyaan, deri-dhaclaysiiyey,
Dubbahaan la dhacay sow finiin, kaga ma duulduulin!
Dulka jooji kuma daalayee,dhibic haddaan daadshay
Dacwad kalena waan odhanayaa, bal an daliigeeyo;
In Qamaan
ka diday waan ognahay, diirnixii gabaye
Laba dibi midkii baqanayaa, ways dalliciyaaye
Dinnaahyada horaa laga gartaa, deyrka kii jebine
Intuu dabada meermeeriyuu, dadab u boodaaye
Weligiiba dagaal kuma xerayn, Deleb Ogaadeene
Dalkaa nabad ahaan jiray markuu, daaddahayn jiraye
Duqoodii horaa lagu ogaa, inu danqaataaye
Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashi haaneed leh
Oo awrku doobbinahayaa, Deleb ku qooqaayo
Daahyaale geelii la helay, dalawadii meertay
Markii Dabafurkii laysku helay, lagu darbaysiiye
Daya eeyda iyo qaalmihii, soo durdurinaayay
Ee doonka laga laynayiyo, dumarka ooyaaya
Dar-ku-rogidda goortii horweyn, laga durduuraayo
Sidii duul goboo shirey markay, wada dekeynayso
Dig markay tidhaahdee fushaa, daya! tidhaahdaane
Dab rasaas ah iyagoo sitey, dacas la jiifaane
Dagaag magangelyo ah baannu nahay, daaimaa odhane
Xaqoodii hadday dabagalaan, kuma dambaabeene.
Afartaa
ma daaldaalinee, daw ma ku hagaajay,
Dadku muranyey wiilyahow miyaan, deri-dhaclaysiiyey,
Dubbahaan la dhacay sow finiin, kaga ma duulduulin!
Duulka jooji kuma daalayee,dhibic haddaan daadshay
Dacwad kalena waan odhanayaa, bal an daliigeeyo;
Doqontaa
intaad diri lahayd, adigu maad duushid?
Oo didisid geelaa fadhiya, Doollo dhinaciisa?
Oo dumar-la-moodkii lahaa, daacad ugu geysid?
<Top>
<Shaxda Buuhoodle>
(Shaxda.com)
|