|
Gabaygii:
Hoy Ilaahay ka yaaba
...........................................................................................
Ceelka
Docmo la yidhaa oo biyo xoog ahi galeen ayaa niman
Askar ahi xidheen Dadkii aroorka agaa ayay uga dhaarteen,waxayna
yidhahadeen "Ceelkan dawladda ayaa iska leh"
Arintii oo sidaas ah ayaa waxaa ceelkii yimid Ismaaciil
mire oo Awr dhaan ah wata iyo nin kale oo ay wada
socdeen.
Ismaaciil
caan buu ahaaye askartii baa ku tidhi ismaaciilow
adiga awrka waanu kuu dhaaminaynaaye in yar aynu sheekaysanee
bal soo fadhiiso Ismaaciil waxuu yidhi war nin baanu
wada soconaaye ama laba awr noo wada dhaamiya ama
iskaba daaya aannu meel kale u aroornee waxay yidhahadeen
waanu yeellaye bal gabay noo mari
Markaasuu
siday wax kale uga eegayeen iyagii isku rogay oo waano
iyo canbaarayn ugu dhaqaaqay. Wuxuu u sheegay waxyaalaha
ay ku kacayaan dhibaatooyinka ay dadka u leeyihiin
iyo sida habeen aakhiro u eedi doonaan haddii ay ku
sii wadaan Geeraar buu wuxuu ku yidhi
Nimanyahow Askareed
Haddii aan eray xuura
Oon aqligayga ka fiirshay
Idhaahdo idin waansho
Ibtilaa dhulka joogtee
Armaa lay qabsadaayoo
Awowgur Dhaladiir
Afka ii gelisaan!
Markaas baa inta la qoslay lagu yidhi Ha ka yaabin
kolkaas buu yidhi
Nimanyahow Askareed
Nin hadduu asaruuro
Oo kufri aaladdii qaato
Islaameedka luggooyo
Inamo uu la cayaaro
Uu kibis uurka ka buuxsho
Ma aslaaxo gadaalkoo
Arrinku tabcanaayuu
Ehlunaar ku noqdaaye
Haddii aad nebi Aadan
Iyo Xaawo udgoon
Isirtoodii tihiin
Hoy Ilaahay ka yaaba!
Nimanyahow
askareed
Ummulaha baqtiyaayiyo
Odayaasha gaboobey
Ceelkan aad af xidheen
Laga oonsho xareedda
Inkaar baa dhici doontee
Haddii aad Nebi Adan
Iyo Xaawo udgoon
Isirtoodii tihiin
Hoy Ilaahay ka yaaba!
|