|
Gabaygii:
Hawadii Shamsada Gaadhay
...........................................................................................
Gabaygan Cali dhuux waxuu marshay xilligii Ciidankii (Warmo
cas) uu kolba reero ku gabo gabayn jiray waxna
diyaaradii gaaladu laysay qaybna xoogagii
daraawiishtu ku dhamaadeen waxuu yidhi:-
Goortaan arlada haawatiyo dayo hareertayda
Ma ka haayirtaa baan idhaa hiirta waaberiye
Huqdiisaan u dhiman reer tolkay hibashadiisiiye
Hawadii shamsada dhaafsanayd hoos u soo dhigaye
Ma hadleen anoo kale hadduu hoos u fiisado e
Magac bayga hadhi waayey iyo haybta guudnimo e
Gabaygani ma dhama soo dhamaystir |