|
Gabaygii:Hashii
gabay
...........................................................................................
Sayid Maxamed ayaa
amar cad ku baxshey in lsmaaciil geelii la helaba
hasha gabayga laga siiyo. Maalintii dambe ,ayaa col
baxay. Waxaa ammaanduule u ahaa Darwiishkii la odhan
Jirey Abshir Dhoorre Xasan' oo ragga dagaallama iyo
qusuusida labada ka ka mid ahaa. Geel baa la helay,
colkana lsmaaciil baa ku jirey. Abshir Hashii gabay
ee Sayidku uxukumay Ismaaciil waa u diiday. Waa markaas
marka uu tixdan mariyey taas oo uu kaga cabanayo xeerkii
la yiqiin oo abshir jebiyey oo uu haddana ku sheegayo
qaar ka mid ah sibabaha uu hashaas ku mutaystay. Wuxuu
yidhi:
Cadka
goonji nimankii i baray yaanan soo gocanne
Garwaaqsiga Ammaan' yaan ilmadu gaaddada i qoyne
Cimrigiin ma gaabtee hashii gabay ha lay siiyo
Daraawiishta
goommani hadday guriga soo gaadho
Galaxeeda caanood hadduu gaadhi kari waayo
Galowgaan u taabanahayaa gu' iyo jiilaale
Cimrigiin
ma gaabtee hashii gabay ha lay siiyo.
Dabatadaba' wow gabawartaan Garawadeenniiye'
Gawaamahaba waa kaga tagtaan dhogor-gardhaaleeye
Cimrigii
ma gaabtee hashii gabay ha lay siiyo !
Guurraha habeenkaan sidii galow i yeeraaye
Galiilyadana waa kaga ba'shaa sida gal roobaade
Cimrigiin ma gaabtee hashii gabay ha lay siiyo !
|