|
Gabaygii:
Hasha oloshey
...........................................................................................
Geela iyo dadka leh ee Soomaalida
ahi weligood ku dhaqan jireen xornimo aan xad lahayn.
Cid xukumi jirtey jirin . Nin waliba kadinkiisa geela
ah isaga ayaa boqor u ahaa ka hor intaan Gaaladii
Cadowga Ingiriisku dhulka soo gelin, Ingiriiska ayaa
waxuu soo rogay XARAASH la yidhaahdo oo maalinba qolo
geeleeda in col askar ah la geliyo dabadeedna mareegaha
loo furo
Ismaaciil
markaas buuba geeliiba nacay, intii uu haysteyna Dhiimo
Cawad ayuu yarad uga bixiyey.Wuxuu goostay inuu lo'
iyo Adhi tabcado oo uu geelaba ka shiddo baxo mar
haddii uusan isagu u talinayne,goortii la rabo lagala
wareegi karo!
Ayaantii danbe ayuu, socdaal ah wuxuu u yimid nin
la yidhaahdo Diiriye Xiirey.Intii ay iswaraysanayeen
ayuu Diiriye Halo irmaan oo dul daaqaya intuu hadhuubgaal
ka soo buuxiyey ku yidhi Adeer Caanaha Dhan aad sii
socotide. Caanaha geela ma dhamo ayuu yidhi, Adeer
maxaa caanaha Geela kuu diiday? Halkaas buu gabaygan
soo socda ka mariyey isagoo ku Yidhi Diiriyow Geel
faa'iido ma leh haduu Gaal Iska Xaraashayo ee Diiriyow
hadhuubka iga qaad ninkii geel dhaqayaa ha dhamee
Dawsiishku waxuu yidhi:-
Hasha oloshey jeel iyo haraad yaan miduun helaye
Ama harag maqaar baa hor yaal hibasho waa dooge
Ama haaddo waxay sheegaysaa huudaan la ageyne
Ama hadowyo laga qaaday bay u hinganaysaaye
Wax la haaba hiinijiyo ninkii hoos-u tuur qaba
e
Hinaasaha i galay reer tolkay hadiba maayaane
Dabaggaal hidiiriyo arbaa haar ku laacdamaye
Hargaamooyinkii buu ku lumay hagafse qooq moodye
Rag ninkii xarrago hawkiyaba hoos nin baw rida'e
Hawraartu waw jirtaa hadalku reer Gaale
Hoog lama qarsado waana taa Heetis loo faqaye
Hawadiisa dhigay geel markii loo habsadey Cayne
Horweyn moodhar Hawd iyo Nugaal dabo higgoonaayo
Oo hadal ku siman fookha wiil ka hindisoonaaya
Hantidiisa iyo waa bilaash hibo nin moodaaye!
Caligeri hawdkaa degaa haw haloosiyo'e
Madheedh hayla hadowgey jeclayd Halow ha daajeene
Hareeraha intay kaga tubaan ha ugu heeseene
Intay habi la'aan ugu tabcaan ha u hayeen awre
Hanqarkii hoglaha Doox ka da'ay ha u hilaadsheene
Nirgo hootanuug hawga dhigo hodan sidiisiiye
Habryoonis sidii ay yihiin ha u haleesheene
Hablo dhalada say wax u hayaan ha u hawoodeen
Haasaawaha haysaga rideen harada Ciideede
Hawraarsan mooyee haddii muran hagaafeeyey
Qabiilkii hundo ahaa haduu hiil isgelin waayey
Habeen-ka-hadhka haanka qotoma halab karuurkeeda
Intaan haaligguu ridahayuu igu habboonaaye
Dirirteeda anigaan holayn ka hargo waa ceebe
Heensaha intaan daba sidee Horor ku qaadaayey
Aan kii hayaba dhaafin jirey kama harraadnayne
Hadduun
baan hawaarsadey sidii habaryartay Dhoole
Wiilyahow Hadhuubka iga qaad yaan huqduu dhimane!
|