Saciid Qamax

Gabaygii:Geellal La kala Dhacay

Geel iyo fardo ay leeyihiin Bah-Idarays(Naalaye Axmed) bb waxa dhacay waxa dhacay Bah-Ogayslabe oo ah(Garaad Cabdalle-Wasengeli) .Raacdadii Bah-Idarays baa waxa wadey oo dal-yaqaan u ahaa laba nin oo ah Cigaal Cali (Bah-ina-Carraale ).Nimankii geela dhacay baa ka gurya-galay.Nimankii dal-yaqaanka ahaa waxay raacdadii u geeyeen geel ay leeyihiin Nuux Cumar(warsegeli).Intay wiilashii la joogey laayeen baa colkii Bah-Idarays geelii dhaceen.Arrintii baa loo sheegay Saalax Cali oo Cadan jooga ,geela la dhacayna wax ku lahaa.Nuux Cumar iyo Cigaal Cali(jifadii Siciid Qamax)waxay deris ku ahaayeen degaanka Jiidali ,wax dhib ahina ma dhex ool.Saalax Cali wuxu qaadan waayey in niman Cigaal Cali ahi geela Nuux Cumar col kusoo hogaamiyaan.Wuxu tiriyey afarrey anafo iyo cabatin ah.Wuxu yidhi:

Ma Cigaal Calaa nagu caddilay col aan na doonaynin.
Jiidali miyuu caasiyey oo col ugu yeedh-yeedhay.
Cadhadii horaan qabey miyay Ceel-kallena raacday 
Cajebayey carada kaan ogaan cidhib dambeedkeeda.

 
Siciid Qamax markuu gabagii Saalax maqlay buu u jawaabay.Wuxu u sheegay in dhibta soo gaadhay ay sababteeda leeyihiin Garaad Cabdalle oo tolkiis ah.Waayo dhibaato badan bay u geysteen Maxamuud Garaad.Sidaas darteedna waa inuu Saalax eersado G.Cabdalle.
Wuxu yidhi:

Ragow Saalax Cali waa ninkii caaqilka ahaaye.
Wacadkii cuddoonaa miyuu caymanka u gooyey.
Ninba ciidan wuxu heli kariyo cudud miyuu sheegtay.
Haduuse goray calaal sido marbuu cadagadaadshaye.
Reer Aadan geeloodi baad ka cokanaateene.

Shalaad Cumar Wacays kala tagteen calanlihiisiiye.
Waxad bari ka coomaadiseen geeli Cali Nuure.
Kii Ina-Cirroowaa ka yacab ceelka Badhameede.
Ciil iyo haddu Yuusuf Cali cadho la taahaaye.

Casar baad kasii daasateen cuurka aan ahaye.
Caloola-cad raggii aad dhigteen kaama ciil bixine.
Cad-bursiinyo adinkaa sidee dhiga culayskeeda.
Cabdallaha ku eed reer tolkaa ceesid laga waay
e

 


<Top>

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)