Cali-Dhuux Adan
Gobile
...................................................................................
Dusha gobabley dooxadii Cawoley wixii ka duulaayey
Nin aan daafin sow kii ilmada duugi jirey ma'aha
Diihaal ALLAA baday ninkay dixo u muuqdaane

Dalka ay nimanku caabbiyahayaan yaydinaan degin eh
Dugsiga ayayna caawinahaya iyo dararta Heemaal e
Dodda iyo Yayda baan reer ku furin dixihii Yaaheel eh

Degmadaanay uga uubateyn Doollo iyo Ciid eh
Ma dabteen Dameeraha hadhkii daaqaya Il-dheer eh
Heeliga diyaar uma gurteen iyo darayga caydhiin eh
Dadkuna waa u xalaal in ay cunaan duraha jiilaal eh.

<Top>
By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)