|
Axmed
Faarax Cali(Idaajaa) Iyo Buugiisii ugu horeeyey ee
Caleema saarkii Garaad Jaamac Garaad Cali
Aug 25,
2006 By:
Caleemo-saarkii Garaadka
Axmed F. Cali “Idaajaa”
Hordhac:
“Qaab-dhismeedka bulshada Soomaalidu, markii
qoyska laga yimaado, wuxuu ku salaysan yahay
tolka oo isna u sii qaybsama jilibbo iyo
lafo. Kolkii uu qaab-dhismeedkaasi qun isu
taageyna, waxa uu tol waliba yeeshay nin u
madax ah oo wax u guddoomiya, guud ahaanna
maamulka arrimihiisa looga dambeeyo.
Ma jirto cid, dhab ahaan, u sheegi karta sidii ay ku
abuurmeen madaxdii ugu horraysey ee tolalka
Soomaaliyeed. Oo weli su’aasha aan jawaabta loo
hayni waxay tahay: Ma inta, maalin maalmaha ka mid
ah, la shiray ayaa nin la wada oggol yahay farta
lagu wada fiiqay, markaasna madaxnimadii loo shuumay?
Mase inta la diriray oo la kala adkaaday ayaa, ugu
dambaystii, waxaa taladii sandulle kula wareegey
dagaalyahan ka tirsan lafaha tolka middood? Waa
arrin baaris-cilmiyeed ka sugeysa aqoonyahannada
kasmooyinka bulshada iyo buuniyada ku foogan
barashada hababka kala-dambaynta ee sinjiyada
aadanaha.
Si kastaba ha ku abuurmee, Soomaalidu waxay leedahay
hannaan madaxtooyo oo ay u badan tahay inuu
jiritaankeeda la da’ yahay. Taasina waa wax aan
iyada keliya ku koobnayne, ay kala mid tahay
dadyowga kale ee dunida ku dhaqan, maxaa yeelay goor
hore ayay bulshooyinka aadanuhu dareemeen inay
noloshoodu sii wacnaan karayso, haddii ay tu’ waliba
yeelato madax agaasinkeeda ay ku aamminto, iyadana
kala hagta.
Siday u badan yihiin, tolalka waaweyn ee Soomaalida
waxa uu mid waliba iskiis u leeyahay nin u madax ah;
kaas oo ku abtirsada jilibka ama lafta tolkaas isaga
ah ugu curadsan. Waa hannaan, sida boqortooyooyinka
lagu yaqaan, dhaxaltooyo ku salaysan oo, geeri ka
dib, inanka curadka ahi uu aabbihiis uga haro.
Kolkol aad dhif u ah ayay dhacdaa inanka curadka ah
in jagadii uu aabbihiis banneeyey, si ku-meel-gaar
ah ama weligeedba, loo weydaarsho; iyada oo sabab
looga dhigaayo da’diisa oo yar, fayoobidarro xagga
maanka ah, cudur, oogo ahaan, u halakeeyey, iwm.
Inanka oo da’ yar haddii odayga dhalay oo madaxda
ahi uu geeriyoodo, waxaa badanaa duubka boqortooyo
loogu dhiibaa adeerkiis run ah ama, haddii aan adeer
jirin, ciddii markaas ugu sokaysa. Dabadeed, kolkii
uu qaangaar noqdo, loona filo inuu xilka ku fillaan
karo ayaa madal loo dhan yahay lagu shuumaa,
guddoonkuna uu uga soo noqdaa, intii uu yaraa,
ciddii u haysey.
Madax-dhaqameedyada Soomaalidu waxay kala sitaan
magacyo kala duwan oo, in door ah oo ka mid ah,
macnaha iyo halka ay ka soo jeedaan aan la qeexi
karin, kolka loo eego af-soomaaliga oo ah tolalka ay
madaxdaasi u taliyaani afka ay ku wada hadlaan.
Waxaa ka mid ah Ugaas, Malaakh, Garaad, Boqor, Wabar,
Islaan iyo qaar kale. Tol waliba wuxuu leeyahay
madax-dhaqameedkiisa u gaarka ah; kaas oo huwan
magac magacyadaas ka mid ah. Ma kala sarreeyaan oo
haddii ay goob keliya ku wada kulmaan fadhiga iyo
hadalkaba way u siman yihiin. Dhinaca kale, ma laha
ku-xigeenno hawlaha guddoonka la qaybsada, in kastoo
ku’ walba agihiisa lagu arko dhaxlsuge loo
malaynaayo inuu isagu talada uga hari doono
maalintii uu geeriyoodo”.
London, 3dii
Mey, 2006
Arrimahaas ayaan ka fekaraayey intii aan fadhiyey
kuraasta socotada loogu talo-galay ee gegida
dayuuradaha ee London/Gatwick. Isla iyaga quhooda
ayay maskaxdaydu ku hawllanayd markii aan sii
tafaayey jaranjarada dayuuraddii ii duulinaysey
Afrikada Bari. Runtiina, waxaa la igu oran karaa:
halkii aan ku sugnaa iyo arrimahaas maankayga ku
wareegaayey way kala fogaayeen, ha yeeshee ma sabab
la’ayn. Waxaan u socdaa waqooyiga Soomaaliya, gaar
ahaan magaalada Laascaanood. Martiqaad degdeg igu
soo gaarey, degdegna aan u yeelay ayaan haystaa.
Garaad cusub (Dhulbahante) ayaa loo ballansan yahay
in dhowaan magaaladaas lagu caleemo-saaro, looguna
dabbaaldego. Markaas bay qabanqaabiyeyaashu, iyaga
oo ku mahadsan, waxay garteen in la igu daro
ergooyinka madashaas goobjoogga ka noqon doona.
Wuxuu ahaa martiqaad aan u bogey, ina farax-geliyey.
Dadkuse waa kala maan. Waa tii la yiri: hal nin la
toosani nin la tuur lehe, garoonka London/Gatwick
intii aanan ka ambo-bixin ayaan wacay nin aannu
wadey nahay oo ka mid ah Soomaalida Waqooyiga Yurub
ku nool. Waxa aan u sheegay ulajeeddada sodcaalkayga
iyo meesha aan u socdo. Markaas buu inta qoslay igu
yiri: “Saaxiibow, maxaa shaqo la’aan kaa badatay? Ma
intaas oo dhul ah ayaad u jaraysaa oday la
caleemo-saarayo dartiis?!”. Aamus baan kaga jawaabey,
maxaa yeelay waxaa aad u kala fogaa arrintu sidii ay
saaxiibkay ugu muuqatey iyo sidii aan anigu u
arkaayey.
Xaggayga, waa madal uu joogitaankeedu abdo ii yeelan
doonto, maxaa yeelay: marka koowaad, waxaa suuraggal
ii noqon doonta in aan, kolkii iigu horraysey, ka
qayb-galo madax-dhaqameed Soomaaliyeed oo xilka
hoggaaminta qoladiisa loo shuumaayo. Marka labaad,
waxaan arki doonaa qayb ka mid ah hiddihii hore ee
Soomaalida oo hortayda laga dhaqan-gelinaayo. Marka
saddexaad, taariikhda suugaanta Soomaalida sidaan ka
dhex-helay, waxaa jirey maalintaas oo kale siyaabo
ay Soomaalidu u weyneyn jirtey. Taas qudheeda waxaa
ii suuraggeli doonta inaan wax ka ogaado bal wixii
ay waayuhu hiddahaas ka beddaleen iyo wixii ay ku
kordhiyeen.
Haddaba, saaxiibow, intaasi miyay tahay wax la
fududaysan karo? Jawaabtu waa ‘maya’ siday ila
tahay.
* * *
Garoonka intaan joogey, sheekooyinka hareerahayga ka
socdey sida iiga dhadhantay, dadka dayuuradda ila
raaci doona waxaa ka mid ah Soomaali Ingiriiska
qaxootinnimo ku soo gashay, haddase ‘British’ ah;
waraaqo ahaan. Waxaa ka dhex-muuqda odayo waayeelay
iyo islaamo gaboobey oo uu socodkuba dirqi ku yahay.
In kastoo ay guyaal door ah Yurub ku noolaayeen,
haddana weli cimilada qaaradda ma qabatimin. Weli
waxay ka eed-sheeganayaan qabowga oo bisha Mey aan
sidaasba u sii ridneyn. Waayeelkaasi waxay u
hilawsan yihiin inay mar kale soo arkaan dhulkii
qorraxda lahaa ee ay yiqiinneen, haddii ay toodii ku
gashana ay ku dhintaan.
Waxaa iyaguna socotada ka mid ah haween dhallin yar
oo qaarna uu raggoodii la socdo, qaarka kalena ay
keligood yihiin. Intooda badani waxay gacnaha
haystaan carruur ugu dhalatay London iyo
magaalooyinka kale ee Boqortooyada Midowdey (UK);
kuwaas oo ay u wadaan fasax gaaban oo qaraabo-salaan
iyo faanfaanba isugu jira!
* * *
Paris, 3dii Mey 2006
Hawada sare markii ay dayuuraddii ku xasishay ayaan
iska furay suunkii bedbaadada. Waxaan dherarayaa
inaan barto Jaamac Garaad Cali oo, maalmo ka dib,
tolka Dhulbahante inta loo caleemo-saaro Garaad
Jaamac loogu yeeri doono. Awel horeba waan u
war-hayey, isaga oo Maraykan ka yimid, inaan ku
kulmi doonno duullimaadkan aan aniguba ku jiro, mase
ahayn, magac guud mooyee, nin aannu isgaranayney.
Toyasho gaaban ka dib, waxaan ogaadey inuu fadhiyo
kuraasta dayuuradda kuwa ugu dambeeya; halkaas oo
intaan ugu tegey aan isku gacan-qaadnay. Waa nin da’
yar oo aan soddonkii wax weyni u dheerayn. Kolkaan
ka soo noqdayna, waxaan dareensanaa inuu yahay nin
culus oo aan fudaydkii dhallinyarnnimadu ka muuqan,
ka dib markaan sii bartayna waxaa ii caddaatay
malahaygaasu inuu run ahaa.
* * *
Kursigii aan fadhiyey markaan ku dangiigsadey ayaan
dib ugu noqday taariikh-bulshadeedka Soomaalida,
gaar ahaanna madax-dhaqameedyadii hore ee tolalku
kaalintii ay ku lahaayeen iyo wixii ay hawshoodu
ahayd.
Waxaa ii soo baxday inay ahaayeen rag warkooda la
maqlo, taladoodana la raaco. Siday u badnaayeen,
waxay ahaayeen rag qoor-iyo-xero leh. Rag aan
damiirkooda cid kale amaahin oo afkooda iyo uurkoodu
aanay kala tagganayn. Rag ay bulshadoodu ku maamuusi
jirtey tilmaamihii wanwanaagsanaa ee lagu bartay;
kuwaas oo runta iyo dhiirranaantu ay ugu
waaweynaayeen. Maantii shiranka la yahay, iyaga ayaa
afkooda la dhawri jirey oo talo la mahadiyona keeni
jirey, wixii geedka lagu gooyona tolka u guddoomin
jirey. Waxay ahayeen rag dadka ay u taliyaan daacad
u ah oo meel-marinta danahooda aan waxba dhaafsan.
Rag aan sandareerto lagu sabin, maalintii ay
xiniinyo-taabad joogtona aan ‘shisheeyaha’ u debcin.
Waxaa madax-dhaqameedka Soomaaliyeed laga fili jirey
wixii xaq ah oo dadkiisa tolalka kale kaga maqan
inuu, si uu yeeloba, ka soo dhiciyo, wixii lagu
sheeganayana uu ka daafaco. Haddii ay
lagama-maarmaan noqoto, isaga ayaa go’aanka
colaad-qaadashada ku dhawaaqi jirey, ciidanku inta
aanu dhaqaaqinna u nabaaddiino-xiri jirey oo inuu
Eebbe soo guuleeyo ugu ducayn jirey!
Ugaaska, Garaadka, Suldaanka iyo
madax-dhaqameedyadii kale ee la midka ahayd ma ay
lahayn ciidammo iyaga u qoran oo ay guddoonkooda ku
fuliyaan. Haddaba, su’aashu waxay tahay: sidee bay
taladoodu ku meel-mari jirtey? Marka koowaad, inta
aanay wax guddoomin waxay kala soo tashan jireen
odayada kale ee tolka. Sidaas darteed, waxay u
badnayd inay madasha keenaan wax la isku soo raacay,
kagana dhawaaqaan. Marka labaad waxaa lagaga
dambeeyey haybad gaar ah oo markii la
caleemo-saaraba ka soo if-bixi jirtey; taas oo
fududayn jirtey in warkooda dhegaha loo raariciyo.
Marka saddexaadna waxaa, wadar ahaan, loo rumaysnaa
inay leeyihiin karaamo ay ku waxyeellayn karaan
kooxdii ama ninkii kolba ku gacan-sayra amaba
aflagaaddo u geysta. Waxaa, hidde ahaan, lagu
tiriyaa dhawr kooxood oo bulshada Soomaalida ka
tilmaaman; kuwaas oo habaarkooda iyo
dhaawashadoodaba laga baqi jirey sida waalidka,
wadaadka, ilmiriglaha (nin col baqday lagala haray),
Yibirka, daan-ku-qalinlaha (ardayga Quraanka barta)
iyo qaar kale.
* * *
Hiddaha Soomaalidii hore sidii aan ugu maqnaa ayaan
ku baraarugey dayuuraddii oo cago-dhiganaysa gegida
ku magacaaban Charles De Gaulle ee ku taal
duleeddada Caasimadda Ilayska; Baariis (Paris). Waa
magaalo qurux badan oo magaceeda lala xusuusto
ilbaxnimo, falsafadaha casriga ah, suugaan, hababka
dhar-xirashada wacan, fanka kariska cuntada macaan,
cadar-samaynta iyo wax walba oo ay nafta aadanuhu u
beer-raqdo.
Maxayse iigu taallaa haddii aanu danjirihii joogin?
Muxuu milicsigeedu i tarayaa, haddii iilka la dhigay
Maxamad Siciid Samatar; diblomaasigii aan sannadaha
badan ugu iman jirey ee qaybaheeda taariikhiga ah i
kala baray? Sow inaan dhex-mushaaxaa iima beelin
haddii aanu ‘Gacaliye’ igu sugeyn rugta tareennada
ee Gare de Lyon? Isaga oo i xifaalaynaya haddii aanu
i daawisiineyn Tour Eiffel, Quarter Latin (Xaafadda
Laatiinka), waddada Champs-Elysees iyo makhaayadaha
yaryar ee dhinacyadeeda sariiran, Boulevard de la
Bastille, kaniisadda Notre Dame, Arc de Triomphe
(Qaansada Guusha), Chateau de Versailles, daamaha
webiga Seine iyo goobaha kale ee wax-ka-soo-qaadka
leh, dalxiiseyaashuna ay magaalada ku jecel yihiin?!
* * *
Waxba yaanan nin-doorkii tegey garwaaqsane, aan ku
noqdo sodcaalkaygii oo aan iraahdo : Mar labaad ayay
dayuuraddii hawada nala gashay ; iyada oo afka
saartay Afrikada Bari iyo halkii ay awelba u
rarnayd. Waxaa nagu soo kordhay uun askar Faransiis
ah oo, markuu fasaxii u dhammaaday, ku noqonaysa
Jabbuuti iyo xeryaha ay, mindhaa, ku leeyihiin.
Markii iigu horraysey ayaan isweyddiiyey : Oo,
tolow, dayuuraddan yaa iska leh ? Tigidkayga iyo
wixii ku dhignaa ayaan dib u fiiriyey. Waxa uu
Mukhtaar ka soo gooyey shirkadda Daalo (ma aqaan
sababta ay Daallo ugu qoraane?), ha yeeshee,
sida la ii sheegay, iyadu dayuurado ma laha. Waa
shirkad ay samaysteen saamiileyaal Soomaaliyeed ; ka
dib markay meesha ka baxday shirkaddii Somali
Arilines oo dawladdii Soomaaliyeed ee burburtay ay
lahayd. Daalo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba way
ka hawl-gashaa. Waxay Yurub ka uruurisaa Soomaalida
dalkooda dib ugu dhoofaysa, markaas bay shirkadaha
dunida ka jira dayuurado ka kireysataa ; halkaas oo
ay faa’iido ka soo gasho.
Markaan eegay qoraallada xayeysiinta ah ee gudaha
dayuuradda ku xardhan ayaan ogaadey inay leedahay
shirkad aan dhab loo aqoon oo la yiraahdo Astraeus,
dalka Ingiriiskana laga leeyahay.
Cid kastaa ha soo kireysato, cid kastaase ha
lahaatee, waxaan ka mashiiqsannay cashadii weelasha
balaastigga ah ku jirtey ee, cabbaar ka dib, ay
shaqaalaha dayuuraddu noo qaybiyeen. Ilaahay
maraggii, tiro iyo tayoba, waxay ahayd hafaryo.
Waxaa loo kala bayri waayey inay ahayd casho aan
sina ugu dhigmi karin dhererka saacadaha sodcaalka
(8 saacadood !); casho la wada qawadey oo, gaajo iyo
oon toona, aan waxba nooga tarin!
Dhaqdhaqaaqii shaqaalaha dayuuradduu kolkuu yaraaday
ee ay ururiyeen maacuuntii ay cashada ku qaybiyeen
ayuu qof waliba isku deyey inuu halkiisa seexdo
amaba ku nasto. Anigase, muddo aan hal saac ka
yarayn, ayay taasi suuraggal ii noqon weydey.
Waxaan damcay badhankii loogu talo-galay inta aan
hoos u riixo in aan kursigayga gadaal u fidsado, si
aan hurdo isaga doondoono. Waxaase tallaabadaas iska
kay hortaagey nin socotada ka mid ahaa oo fadhiyey
kursigii kayga ka dambeeyey. Wuxuu, isaga oo
dhirifsan, iga codsaday inaan kursigayga qun ugu
fadhiyo, si uu isagu ugu seexdo kii uu xaqa u lahaa
iyo mid bannaan oo xigey, sidii sariireedna uu isugu
kala bixiyey! Waxaan ku iri : «Saaxiibow, aniga iyo
adiguba, innaga oo labadeenna kursi isticmaalaynna
ayaynu seexan karaynaa». Hadalkaygii isaga oo aan
garowsanayn ayuu yiri: «Haddii aad kursigaaga soo
fidisid meesha ayaa ciriiri igu noqonaysa, sidaas
darteed sidii uu ahaa ku celi ».
Waxaan isku deyey inaan sheekada kaftan u rogo,
markaas baan ku iri : «Ninyahow, waad iga gardaran
tahay, waxaana muuqata in aadan wax badan dayuurado
raacin! Kuraasta dayuuraddu sariiro ma aha, waxaana
loo farsameeyey sida ay yihiin inuu qof waliba ugu
nasto.». Waaba ka daray! Intuu fariistay ayuu isku
deyey, si xoog ah, inuu kursigaygii u soo toosiyo,
taas oo u suuraggeli weydey. Mar saddexaad ayuu i
abhiyey, anna waan ka diidey. Kolkii dambe ayaan ku
iri : « Ninyahow, aniga iyo adigu, kolka, ismari
weynaye, maxaynu yeelnaa?». Wuxuu yiri : « Hablaha
dayuuradda ka shaqaynaya inoogu wac ». Waxaan
iri: «Habluhu inay yimaadaan mooyee, annagu ma
heshiin karayno miyaa ? ». Markaas buu ku jawaabey:
«Maya, maxaa yeelay sida iiga kaa muuqata waxaad
tahay nin madax adag!». Waxaan iri:«Waa tahaye,
garta sidii ay kolba habluhu ku gooyaan ma ku
go’daa?». Wuxuu yiri : «Haa».
Iyada oo ay iga go’an tahay in aan taladiisa yeelo
ayaan, haddana, eray kaftan ah ku tuuray. Waxaan ku
iri: «Ninyahow, sida aan dareensanahay, adiga oo aan
Xamar soo marin ayaad, burburkii ka dib, Yurub soo
gashay! Lillaahi, runtay ma tahay ?!». Si kale kuma
garatide intuu umlay ayuu karay! Wuxuu dibedda soo
dhigay indho cascas oo aan u filay inay dhiig
qabaan! Dabadeedna intuu hagaag ii soo dhawray ayuu
yiri: «War Xamar oo dhan qaadee, kursiga ma iga
durkinaysaa, mase maya!».
Inta aan wax xil lihi dhicin, sow inaan arrinta soo
af-jaro talo iilama ekaan? Badhan korkayga ku yaal
oo shaqaalaha dayuuradda loogu wacdo ayaan riixay.
Wax yar ka dibna waxaa i soo dul-joogsatey haweeney
da’-dhexad ah. Waxaan u sheegay aniga iyo ninka iga
dambeeyaa waxa aannu isku hayno. Markaas bay si
degdeg ah waxay isagii ugu sheegtay inaan xaq u
leeyahay kursigyga inaan gadaal u fidsado, kuna
nasto. Iyo inuu isaguna sidaas xaq u leeyahay. Hadal
kama dambeyn, gartiina aniga ayaa helay.
Sheekadaasi halkaas ayay ku dhammaatay, waxaase
habeenkii oo dhan maankayga ku wareegaysey su’aasha
ah: Khilaafkeedu heerkii uu doonaba ha joogee, si ay
uga heshiiso, Soomaalidu ma waxay ku qasban tahay
inuu shisheeye soo dhex-galo? Haddii ay jawaabtu
‘haa’ tahay, waa nasiibdarro iyo hoog iyo ba’!
Jabbuuti, 4tii-7dii Mey, 2006
Sidii noo qorshaysnayd, aroornimada 4tii Mey, 2006da
ayaannu Jabbuuti tagnay. Waxaan filaayey dhismaha
gegida dayuuradaha inta aan joogo inaan ololi doono;
kulaylka iyo hawada qoyan aawadood. Mase dhicin oo,
sidii aan ku ogaa, meeshu way ka beddalan tahay.
Hadda waa qabow, waxaana, sida la ii sheegay, ugu
wacan shirkad Carbeed oo Dabey laga leeyahay,
indhowaalena iyadu gacanta ku haysey maamulka
dekedda magaalada iyo gegida dayuuradaha labadaba.
Maalmihii dhawrka ahaa ee aannu Jabbuuti wada
joogney ayaa waxaa ii suuraggashay inaan Garaadka
dhallinta yar la sheekaysto. Wuxuu ka mid ahaa,
qaranjabka ka dib, Soomaalidii Waqooyiga Ameerika u
qaxday. Intii uu dhulkaas ku maqnaana, wuxuu ku
foognaa dhismaha shakhsigiisa iyo danaha qoyskiisa.
Siduu ii sheegay, waxa uu xoogga saaray
waxbarashada, taas baana geyeysiisey inuu ka fogaado
magaalooyinka iyo gobollada ay Soomaalidu ku badan
tahay. Meel gooyo ah intuu degey ayuu u
jeestey inuu wax raandhiis leh ku hawshoodo.
Wuxuu iigu muuqday nin xishood badan oo qofka uu la
sheekaysanayo indhaha ka dadba. Intii aan la joogey
marna ma aan arag ruux salaan ugu yimid oo uu
fadhiga ku gacan-qaadayo. Kol walba wuxuu ila ahaa
nin diyaar u ah inuu dhegeysto dadka ka da’da weyn,
waxna uu ka barto. Xilkan culus ee uu dhowaanta
dusha u ridan doono waa nin durbaba aad u dareensan,
wejigiisana laga akhrisan karo. Berrito yeelkeede,
maantaas waxaa foolkiisa ku dhignayd inuu yahay nin
caleemo-saarkan loogu yeeray dhab uga walaacsan.
Aniguna sidii aan is-iri, waxay arrintuba ka
joogtey: ‘Ma car baa dhamis leh, ma caanaa qubis
leh!’.
Dhawrkaas cisho ee aannu meesha wada degganayn ayaan
isla soo qaadnay, inta la xusuusan yahay, heerarkii
afarta ahaa ee madax-dhaqameedyada Soomaalidu ay soo
mareen:
1. Heerka koowaadi wuxuu ahaa ka hor Gumeysigii
Reer-Yurub iyo kan Xabashiduba intii aanay dalka soo
gelin. Wuxuu ahaa xilligii ay madax-dhaqameedyadu
ugu awoodda badnaayeen, guddoonkooduna uu si dhab ah
geyiga uga hirgeli jirey. Taasna waxaa ugu wacnaa
iyada oo aysan jirin awood kale oo talada tolka kula
tartamaysey.
2. Heerka labaadi wuxuu bilawday markii uu
shisheeyuhu dalka wada qabsaday, markaas oo awooddii
madaxda dhaqanku ay aad hoos ugu dhacday. Xilkooda
ugu weyn waxa uu Gumeystuhu ka dhigay inay
dadweynaha ka xigsadaan, si hawsha maamulka dalku ay
isaga ugu fududaato. Waxaa loo diri jirey tolka ay u
duuban yihiin inay ka soo uruuriyaan kolba magtii
lagu sheego, ganaaxii la saarana ay khasnadda
dawladda ku soo hubsadaaan. In badan oo ka mid ah
ayaa waxaa lagu qasbi jirey qorshaha Gumeysiga inay
wax ka fuliyaan, dadka ay u taliyaanna ka
dhaadhiciyaan dantooda iyo midda maamulka
shisheeyuhu inay mid yihiin! Dabadeed, intii sidaas
oggolaatay waxa ay ka dhacday indhihii dadkooda,
waxayna weydey maamuuskii ay bulshada dhexdeeda ku
lahayd!
Ha yeeshee, giddi madax-dhaqameedyadu sidaas ma wada
ahayn. Qorshihii shisheeyaha hawraarsan lama
wada oran. Taariikhdu sida ay ina barayso, waxaa
jirey rag hoos-u-dhigidda awooddooda ka
madax-adaygay, sidaasna qoodhoodii iyo xeradoodii ku
xagsadey. Xataa, waxaa la xusuusan yahay kuwo diidey
saraakiishii Gumeysiga ka-fool-ka-fool inay ula
kulmaan sida Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye
(Garxajis, Ciidaggale), Ugaas Cabdille Cali-xaabbuun
(Marreexaan, Reer-Diini), Garaad Jaamac Garaad Cali
(Dhulbahante, Bah-Ararsame) iyo kuwo kale oo
xusuustayda hadda ka maqan.
Si, haddaba, uu raggaas uga aarsado, awooddoodana uu
u wiiqo, waxa uu Gumeysigii ka garab-abuuray qaar
kale oo uu caaqillo ku magacaabay, mushaarna
uu u qoray. Siday u badnaayeen, waxay ahaayeen rag
aan laaluushka ka siqoon, gartana siiya labada wax
isku haysata kolba kii lacagta ugu badan jeebabka
ugu shuba!;
3. Heerka saddexaad wxuu la bilawdey xilligii ay
Soomaalidu gobannimadeeda heshay ee ay dawladda
noqotay, kaas oo laba qaybood laga dhigi karo.
Qaybta hore (1960-1969) waxaa dalka ka soo taliyey
xukuumado rayad ah oo ay hoggaanka u hayeen raggii
xukunka Gumeysigii Reer-Yurub kala wareegey. Qaybtan
iyada ah waxba ku dheeraan mayno, maxaa yeelay sidii
ay madax-dhaqameedyada ula dhaqm jireeni wax sidaas
ah kama ay duwanayn sidii uu Gumeysigu ula dhaqmi
jirey.
Waxa aynu, kolka, iftiinka ku daaraynaa xilligan
qaybtiisa labaad (1969-1991) oo ah markii dhaawicii
ugu cuslaa uu madax-dhaqameedka Soomaalida la soo
gudboonaadey. Waa xilligii saraakiisha Ciidammadii
Qaranku ay maamulkii dalka xoogga ku qabsadeen,
jamhuuriyaddiina u rogeen dawlad Kacaan ah
oo, beryihii hore, qorshaheeda gacan bir ah ku fulin
jirtey. Haddiiba markii ay taladii dalku gacmahooda
ku xasishay ayay ku dhawaaqeen inay dhisayaan dawlad
casri ah oo cilmi iyo ilbxnimo ku salaysan, sidaas
darteedna aan loo baahnayn dhaqammada gaboobey ee
aan qorshahaas la saan-qaadi karayn. Dhaqammadaas ay
saraakiishu weerarka ba’an ku qaadeen waxaa ugu
horreeyey qabyaaladda oo lagu macneeyey iyada iyo
dawladnimo in aanay meel wada geli karin, wadana
noolaan karin. Sidaas darteed, waxaa la qaaday
ol’olihii la-dagaallanka qabyaaladda; iyada oo lagu
xoojiyey sharciyo ka soo hor-jeeda ku-dhaqankeeda
iyo dhiirri-gelinteeda.
Markii ay ugu darrayd waxay ahayd 1970kii markii la
soo saaray xeer lagu baabbi’inaayo hawlihii
madax-dhaqameedyadu ay tolka dhexdiisa ka qaban
jireen. Doodda dawladdu waxay ku salaysnayd, marba
haddii ay dawlad waddani ahi dalka ka jirto, in aan
loo baahnayn iyada iyo muwaaddinka inay cid
saddexaadi u dhexayso. Dabadeedna, waxaaba dembi
ciqaab lagu muto laga dhigay in carrabka la soo
mariyo madaxdii hore ee Soomaalidu magacyadii ay,
maamuus ahaanta, u lahaayeen sida Ugaas, Malaakh,
Garaad, Islaan, iwm!.
Qiyaasta muddo aan 10 sano ka yarayn (1970-1980)
ayay madax-dhaqameedydii Soomaalidu ay
gacan-ku-gabbad ahaayeen, sidii loogu taliyeyna ay
sandulle ku oggolaadeen. Waxa uu mid waliba la awood
noqday xubnaha tolkii uu beri u talin jirey ilaa la
soo gaarey sannadihii ka dambeeyey dagaalkii ay
Soomaalidu ku jabtay ee iyada iyo Itoobiya
dhex-maray (1977-’78). Jabkaas ayaa xoogaa aqoonsi
ah waxa uu u sidey odayadii duubka madaxtinnimo
dhulka laga dhigay. Sababtu maxay ahayd? Waa sheeko
kale oo aan halkani qaadi karin.
4. Heerka afraadi waa xilligan qaran-jabka oo
bilawday 1991kii, welina aynu ku jirno. Tiirarkii
dawladnimo oo idil waa tii jirdaha loo siibey,
markii jabhado qabiil-qabiil ku dhisani ay dhinaca
Itoobiya dalka kaga soo duuleen, dabadeedna ay
burburiyeen. Degaanka Benaadir waa tii uu ka qarxay
dagaal silloon oo mid ‘sokeeye’ lagu sheegay, hase
yeeshee ay sokeeyennimadu ku yarayd, ujeeddo
la’aanta iyo anshax-xumaduna ay ku badnaayeen!
Booliskii iyo Ciidankii Ummaddu waa tii ay kala
firdheen. Waa tii la hooshay hantidii Qaranka iyo
tii gaar ahaaneed labadaba. Waa tii ay
kala-dambayntii luntay. Hay’adihii bedbaadada
muwaaddinku waa tii ay, si degdeg ah, meeshii uga
baxeen, waxaana mar qura Soomaaliya lagu arkay
bulsho, haba yaraatee, aan inna wax hoggaan ah
lahayn!
Hannaankii dawladnimo kolkii la waayey ayaa
hoggaanka keliya ee Soomaaliya ku soo haray waxa uu
noqday madax-dhaqameedyada tolalka. Meel la joogoba,
iyagii ayaa la wada eegay. Waxaa loogu yeeray inay
la soo noqdaan awooddii, awel hore, laga xayuubiyey;
iyada oo laga filaayo inay joojiyaan colaadaha lagu
wada hoobtay, guud ahaanna ay u maareeyaan
guuldarrada dalka la soo gudboonaatay.
Taasna, in kastoo odayaashu ay isku dayeen, haddana
waxba kama naaso-caddaan. Waxaa iska hor-taagey
kooxo hubkii dawladda inta gacanta ku dhigay
bulshada inteedii kale ku muquuniyey. Sida la og
yahay, waxaa gobol kasta ka soo if-baxay
dagaal-ooge magac qabiil huwan oo sheeganaya
inuu daafacayo qolada uu u dhashay. Dagaal-ooge aan
oggolayn talada reerka inay cid kale la wadaagto oo
madax-dhaqameedyada haybta la sheeganaya, ha yeeshee
aan wax awood ah u aqoonsanayn.
Meel kastaba dalka ha ka joogee, waxa uu dagaal-ooge
waliba gacanta ku dhigay ilihii dhaqaalaha ee ka
jirey halka ay qoladiisu degto, markaas baa waxaa u
suuraggashay deeq ama dil, kolba tii u
sahlanaata, inay qorshahooda ku meel-marsadaan!
Madaxdii dhaqanku candhuuf bay dib u liqeen.
Dhallinyaro iyo waayeelba, waxaa laga doortay
qabqableyaashii dhiigga dhallinyarada Soomaalida ka
tanaaday. Kaalintii ay bulshada ku lahaayeen ayaa
waxaa la geeyey halkii ugu hoosaysey ee ay weligeed
tagto. Waxaa la oggolaysiiyey arrimaha maamulka
dalka inay faraha kala baxaan, una daayaan
hooggaamiyeyaasha siyaasadda oo loola jeedo
ragga hubaysan. Markaas bay ka badin waayeen qorshe
kasta oo dagaal-ooguhu u soo jeediyo inay ku
duceeyaan. Si kale kuma garatide, waxay qaayibeen
inay noqdaan tiinbare ay ku dhufsadaan kolba
xaashidii ay soo qortaan!
Jabbuuti, 8dii Mey, 2006
Abbaaraha 8:30kii subaxnimo mar ay ahayd ayaan ka
soo degtey qolkii aan ku lahaa Hoteel Caaliya oo ah
Garaadka iyo anigu halkii aannu degganayn. Waxaan u
socdaa meesha quraacda martida loogu talo-galay oo
ku taal dabaqa dhismaha ugu hooseeya. Haddiiba
kulaylkii baa foodda iga leefay, waase filaayey oo
meeshu waa Jabbuuti. Intii aanan ku leexan halkii
aan u socdey ayaan milicsaday rag sheekaysanaya oo
ku dangiiga kuraas la dhigay meel u dhow halka
hoteelka lga soo galo. Haddii aan xaggooda u soo
dhowaadeyba waxaan ka gartay Dr Cali Khaliif Galaydh
oo markaan gacanta u soo taagey isna magacayga iigu
yeeray. Waan ogaa inuu imaanayo oo Jabbuuti aannu ku
kulmi doonno, iskana raaci doonno; isaga oo Garaadka
Laascaanood u gelbinaya. Isla maalintaas ayaan
ogaadey inuu yahay qabanqaabiyaha koowaad ee hawlaha
caleemo-saarka.
In aan anigu Cali gartaa layaab ma lahayn. Laga soo
bilaabo sannadkii 2000 waxa uu ku jirey warbaahinta
Soomaalida iyo midda adduunweynaha labadaba; taas
baana ugu wacnayd xusuusta wejigiisu inay si fudud
maankayga ugu soo noqoto. Waxaase layaab lahayd inuu
isagu i garto, maxaa yeelay waxaa isugu kaaya
dambaysey bartamihii 1900 iyo siddeetannadii; habeen
aan Rooma ku wada cashaynnay, ka dibna wax xiriir ah
ma aannu yeelan; toos iyo telefoon toona.
Muddo 3 sano ku-dhowaad ah ayuu Cali wuxuu ahaa
ra’iisulwasaaraha Soomaaliya. Haddii dhinac la iska
dhigo siyaasadihiisii gudaha dalka oo aanan wax kala
socon, waxa uu sameeyey laba arrimood oo aan anigu
aad ugu bogey, malahaygana taariikhda si wacan ugu
geli doona:
Arrinta hore waxay ahayd inuu inoo soo celiyey
qab-wadareedkii ummadda oo qaran-jabkeennii ka
dib, si degdeg ah, la inooga baduugay, lagana
samirsanaa inuu dib inoogu soo noqdo. Waxaan u soo
joogney ciidammada Itoobiya oo dalka gudihiisa ka
faltamaya, cid hey-hey oran kartaana aanay jirin.
Waxaan aragnay dagaal-oogeyaashii Soomaalida oo
haddii ay Xabashidu boqollaal disho iyagu dafiraya,
inta aanay iyadu dafirin! Waxaa la qaayibey labadii
‘hoggaamiye’ oo isqabtaaba inay Addis Ababa u kala
hormaraan, mid walibana uu saraakiishooda
nabadsugidda midka kale ku dacweeyo. Waxaa la inaga
dhaadhiciyey labadii gobol, labadii qabiil ama
labadii kooxood oo colaadi dhex-marto kolba dhinaca
ay Itoobiya la jirtaa inuu gar leeyahay!
Isku soo wada duub oo, sidii aynu Jamhuuriyad u
ahayn ayaynu is-aragnay innaga oo Itoobiya la inooga
taliyo. Kaftan-dhable dadweynaha dhexdiisa ka
hirgalay ayaa wuxuu ahaa: ‘haddii Soomaali-Galbeed
ay noqotay kililka 5d, Soomaaliya oo idilna
kililka 6d ayay ku dambaysey!’
Innaga oo caynkaas ay niyaddu inooga dhimatay, wixii
waxgarad ahaana ay ceeb la hagoogan yihiin ayuu Cali
ra’iisulwasaare noqday. Madaxeennii ayuu durbaba kor
u qaaday, kolkii uu af buuxa Itoobiya ku xusuusiyey
iyada iyo Soomaaliya inay yihiin laba dal oo deris
ah, loona baahan yahay inay sidaas u dhaqanto. Isla
markii uu xilka qabtayba, si aanay dagaal-oogeyaashu
malayn karayn ayuu Addis Ababa ugu sheegay inay
ciidammadeeda kala baxdo gudaha dalka, gaar ahaanna
3da degmo oo Gobolka Gedo ka tirsan, si toos ahna ay
iyagu uga hawl-geli jireen. Taasina waxay noqoty
tallaabo uu ku guuleystey; markii Reer Buulo-xaawo
ay subax soo tooseen oo ay arkeen xeradii askarta
Amxaarada oo inta ay xalay ka guureen haawaneysa!
Waayadaas ka dib, in kastoo ay faro-gelintii
Xabashidu xoog u soo korodhay, haddana waxay ahayd,
guud ahaan, tallaabo Soomaali badani ay qabkeedii
lumay ku soo ceshatey. Mar labaad waxay noqotay,
ilaa maanta, tallaabo Reer-Gedoodku ay Cali ugu
abaal-hayaan. Mar saddexaadna waxay ahayd tallaabo
muujisay, aadba xoog yaraatide, waxa ay
isku-kalsoonidu qaban karayso!
Arrinta labaad ee xilligii uu ra’iisulwasaaraha ahaa
aan Cali ugu bogey waxay ahayd habkii uu jagada kaga
tegey. Sida la xusuusan yahay, ismaandhaaf muddoba
socdey ayaa dhex-maray madaxweyne Cabdi-qaasin iyo
isaga; kaas oo, garashadayda, ay Baarlamaanku si xun
uga gar-naqeen. Yeelkeede, Cali oo hawlo qaran
dibedaha ugu maqan ayaa waxaa isu bahaystay
madaxweynaha iyo af-hayeenkii Baarlamaanka; kuwaas
oo, sida la leeyahay, jeebabka u buuxiyey qaar badan
oo hay’adda sharci-dejinta xubno ka ahaa, Xamarna
isaga tabaalaysnaa! Isaga oo sidii aan soo sheegay
Muqdisho ka maqan oo aan isdaafici karayn ayaa
jagadii uu hayey waxaa lagu weysiiyey cod
Baarlamaanku qaaday oo natiijadiisa la filaayey.
Sidii ay nagu soo gaadhey si la too ah ayay Calina
arrintu ku soo gaadhey, saas oo ay ahaydna wuxuu
goostay inuu xil-ka-qaadista yeelo. Waxaa, haddana,
geesinnimo ahayd inuu Xamar yimaado, dabadeedna
wareejiyo galalkii tirada yaraa ee muddadii gaabnayd
ee uu ra’iisul-wasaaraha ahaa gacanta maamulkiisa ku
ururay. Waxaan isweyddiiyaa: ‘tolow, galalkaasi
hadda meel ay ku dambeeyeen ma la yaqaan?! U malayn
mayo.
Si doontaba ha ahaatee, in kastoo si khashiinnimo ah
jagadii uu hayey looga qaaday, haddana isagu si
ilbaxnimo ku dhan tahay ayuu ku wareejiyey. Taas
ayaana muujinaysa inuu nin-dawladeed
(statesman) ahaan lahaa, haddii ay kasmo jirto oo ay
Soomaalidu deysan lahayd.
Laascaanood, 9kii-21kii Mey, 2006
‘Ballan fiid jarmaado arooryo ayuu leeyahay’ waa tii
la yiriye, goor hore ayaannu ka hilhilannay
hoteelkii. Annaga oo 8 ama 9 qof ah ayaannu ku
dhacnay dayuurad yar oo garoonka caalamiga ah ee
Jabbuuti diyaar noogu ahayd. 10kii barqannimo ayay
noola haaddey Waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaanna
Laascaanood oo ah halkii aannu u soconney,
dabbaaldegga caleemo-saarkuna uu ka dhici doono.
12kii duhurnimo oo wax yar dhimman hadday ahayd
ayaannu ku degney Laascaanood; halkaas oo ilaa saaka
aroortii magaalada inteedii badnayd ay ku dhammayd.
Waxaa dayuuraddii hareeraha ka soo joogsadey fardo
dhawr ah oo soo-dhoweynta Garaadka loogu talo-galay,
qaar ka mid ah dhallinyarada degaankuna ay ku
joogto. Madax-dhaqameedyadii iyo maamulka Gobolka
Sool ayaa iyaguna dayuuraddii hoosteeda isa soo
tubay, iyaga oo, si kalgacal leh, u gacan-qaadaya
Garaadka, Cali Khaliif iyo intayadii la socotey.
Isla markaasna waxa ay ishayadu qabanaysey dadweyne
aan boqollaal ku qiyaasay oo sugi la’aa inay
Garaadka cusub arkaan, haddii ay u suurowdana ay
salaamaan. Meel walba waxaa tubnaa baabuur faro
badan oo aanan u malaynayn, tiro intaas le’egi, inay
Laascaanood joogi karto. Dhawr ‘Landcruiser’ oo
loogu talo-galay inay wafdiga Garaadka qaadaan ayaa,
isla markiiba, dayuuraddii la ag-keenay. Markaas bay
iyagii iyo fardihii isdhex-galeen, isuna
midab-ekaadeen. Waxay ahaayeen laba gaadiid oo laba
xilli ku kala abtirsada, ha yeeshee ay waayuhu isku
soo simeen!
Intii ay salaanta iyo soo-dhoweyntu socotey ayaan u
tegey duuliyihii dayuuradda iyo kaaliyihiisii oo
meel gees ah taagan, waxa dhacayana fiirsanaya. Nin
Reer-Jabbuuti ah oo shaqaalaha Daalo ka mid ahaa
ayaan mar hore dayuuradda gudaheeda waxaan ku
weyddiiyey nimanka na wadaa cidda ay yihiin. Markaas
buu igu yiri: Waa Ruushan. Waan soo ag-joogsadey,
aniga oo ku tashan inaan istijaabiyo oo aan ogaado
bal inay wax iiga hareen afkii Ruushanka ee
bartamihii 1900 iyo toddobaatannadii aan Moosko ka
soo bartay. Markiiba waxaan ogaadey in aan nimanku
Ruushan ahayne, ay u dhasheen Armenia oo ah
dal ka tirsanaa Jamhuuriyadihii Federaalka ahaa ee
loo yiqiin Midowga Soofiyeeti, 1991kiina kala
daatay. Labadooda kii duuliyaha ahaa oo, malaha, la
ashqaraaray sida layaabka leh ee ay soo-dhoweyntu
garoonka uga socoto ayaa waxa uu i weyddiiyey:
“Raggii aannu wadney ma waxaa ku jira madaxweynihii
Soomaaliya?!” Markaas baan ugu jawaabey: “Maya ee
waa Garaadkii…gobolkan aynu hadda nimid Garaadkoodii
weeye”. Waan hubaa in aan jawaabtaydu waxba ku
kordhin, ha yeeshee, madaxa ayuu ruxay, sidii nin ay
wax ku kordhisey!
In kastoo hogadii kaliisha la soo dhaafay,
laba-saddex jeerna ay roobabkii gugu da’een, haddana
maantaas hawadu kulayl bay ahayd oo, sida ay
Soomaalidu tiraahdo, cirka weli kicin baa ku jirey.
Dadku saaka aroortii ayuu garoonka yimid. Sidaas
darteed, waa la daallanaa, lana harraaddanaa.
Dhididka ayaa la sayrayaa. Suudigii la taagnaa ayaa
lagu gubtey.
Markaas baa waxaa lagu dhawaaqay in wafdiga Garaadka
xagga magaalada loo gelbiyo. Dabadeedna, daqiiqad
gudaheed ayaa waxaa ku burburay, ilaa saaka lixdii,
nidaamkii la ilaalinaayey. Waxaan iskula hadlay:
‘Malaha Soomaalidu dulqaad uma laha wixii lagu
ballamo in ay muddo dheer ilaaliso!’. Baabuurtii
goobta la keenay ayaa lagu yaacay. Waa la kala
halabsaday. Waa lagu garabootamay. Kolkaas bay talo
faro ka haaddey. Nin waliba gaarigii u dhowaa ayuu
‘dalaq’ yiri amaba uu dhinaca qabsaday. Wiilal aad u
dhallin yar oo aan cidina soo barin ayaa ku’ walba
shukaanta u fadhiya. Eebbe ka sokow, iyaga ayaa
magan loo yahay. Waddadii baa cagta la saaray.
Booliis wax kala hagaa ma muuqdo. Loo meel-deyi
maayo inta kiiloomitir oo babuurka lagu wado,
waddada dhinaca uu ka maraayo, sida uu midka dambe u
dhaafayo midka ka horreeya, laba waliba inta ay isu
jirsanayaan iyo dhammaan xeerarka waddo-marinta
gaadiidka ee dunida laga yaqaan. Allow sahal!
Si kastaba ha ahaatee, sidii aan is-iri, karaamadii
Garaadka ayaa loo aayey. Isma lahayn xawligii
waddada lagu maraayey iyo dhibaatadii ka dhalatay.
Baabuur qura ayaa shil galay, waxaana ku dhaawacmay
nin maalmihiiba Jabbuuti loola cararay, dabadeedna
ku geeriyoodey.
* * *
Halkii nala dejin lahaa ayaa naloo wadaa. Waa
Laascaanood oo aad u ballaaratay. Waxaa iigu
horreysey 1973kii; iyada oo aad u kooban, waxaana
iigu dambaysey 2001dii; iyada oo fidday, hase
ahaatee inta ay hadda le’eg tahay si aad ah uga
darfo gaaban. Guryo cusub oo, qaran-jabka ka dib, si
casri ah loo dhisay ayaa dhinac walba ka muuqanaya.
Kuwaas ayaa kordhiyey bilicda iyo baaxadda
magaalada, in kastoo intooda badan aan la degganayn.
Markiibase waxaa kaaga muuqanaya maqnaanshaha
adeegyadii ay xukuumad dhexe ku qaybi lahayd, gaar
ahaanna waddo la’aanta. Taasina waa goldaloolo la
garan karo oo ay garawshiinyo inooga heli karayso.
Maxaa yeelay waxay kala mid tahay magaalooyinka
Soomaalida ee wixii burburka ka dambeeyey dib loogu
soo noqday, dabadeedna inta sidii la doono loo degey
u wada fiday si qaab daran oo aad uga fog habka
magaalo-qorshaynta casriga ah (modern town
planning).
Waxa ay magaaladu ka abuurantay dhawr buurood
dhexdood, xagga galbeedka meel ka xigta oo aan waxba
ka fogeynna waxaa ku taal buurta Xargaga loo
yaqaan oo ah sheeko-xariirada Soomaalida meel caan
ku ah, ayna ku noolaan jirtey dadqalato Dhegdheer!
Markii ugu horraysey waxaa unuggeeda lahaa, si
joogto ahna u degey ciidammadii gobannimo-u-dirirka
ahaa ee Sayid Maxamad Cabdille Xasan. Sidaas
darteed, waxay ku tirsan tahay dhawr-iyo-afartan
meelood oo ay Daraawiishi asaastay, dabadeedna
magaaloobey. Meelahaas oo waayadaas ilaa maantadan
la deggan yahay waxaa ugu magacyo dheer Qardho,
Beledweyne, Garoowe, Wardheer, Ayl, Qorraxey,
Gallaaddi iyo degaammo kale oo dalweynaha
Soomaaliyeed ku baahsan, gaar ahaanna inta u
dhexaysa webiga Shabeelle, Badweynta Hindiya,
Maakhir-koos iyo Soomaali-Galbeed.
* * *
Maalintii aannu nimid maalintii xigteyba shaqo culus
ayaa bilaabatay. Dhaqdhaqaaq xoog leh ayaa magaalada
oo idil laga dareemay. Qabanqaabadii caleemo-saarka
ayaa aad loo gudo-galay. Waxaa halhaleel loo
magacaabay guddiyo dhawr ah oo ka kooban odayada iyo
dhallinyarada degaanka sida Guddiga Dejinta martida,
Guddiga Dhaqaalaha, Guddiga Qoraallada iyo kuwo la
mase ah oo loo filay inay lagama-maarmaan u yihiin
meelmarinta hawlihii meesha loo fadhiyey. Shirarku
habeenkii iyo dharaartiiba kalaggo’ ma lahayn.
Ma anigaa? Dhaqan ahaan, ma ahayn in aniga la igu
daro guddiyadaas iyaga ah, sababtuna waa mid uu
waayeelku wada garan karo. Soomaalida weli
hiddaheedii kama wada lumin. Tolka oo shiran ah
haddii uu nin marti ahi soo dul-joogsado, geedka
lama fariisiyo. Hadalka la haysto inta la hakiyo
ayaa la gudbiyaa. Gabbaad iyo geed kale ayaa la
geeyaa oo lagu sooryeeyaa ilaa uu ka ambabbaxayo.
Xataa haddii loo oggolaado inuu shirka fariisto,
arrimaha laga shirayo sooma dhex-galo, isaguna
iskuma dayo inuu talo ka bixiyo.
Sidaas darteed, waxaan go’aansaday, inta laga
gaarayo maalinta caleemo-saarka, inaan hawlo kale
qabsado. Barqadii markay noqoto, ka dib markaan
quraacda Saafi Khaliif calafsado, ayaan bartamaha
magaalada u baxaa, iyadoo ay qorraxdu si naxariis
daran ay foolka iiga garaacayso. Waxaan fariistaa
makhaayadaha yaryar ee shaaha lagu gado, halkaas oo
aan kula sheekaysto, waayeel iyo dhallinyaraba,
dadka magaalada deggan amaba koytada ku ah.
Waa dad og taariikhda ugu weyn ee ay Soomaalidu ku
faani karaysaa inay gobolkooda ka soo if-baxday,
dhaqdhaqaaqii Daraawiisheedna ay iyagu cudud iyo
gabbaadba u ahaayeen. Waxay ku wada dhaataan inay
wax isu galeen duubcaddii gobannimada jeclayd ee
guutooyinkii Ingiriiska goomanka u qoyn jirey;
mujaahidiintii Sayid Maxamad hoggaamin jirey ee
Soomaalida iyo magaceedaba adduunka baray. In kastoo
cid xilligaas tabargal ahaydi aysan maanta Hawd iyo
Nugaalba ku noolayn, haddana dhacdooyinkii Jahaadku
xusuus-wadareedda bulshada waa ka buuxaan.
Sidoo kale, waa degaan uu qof waliba suugaanta jecel
yahay. Iyaga oo aan cidina u dhigin, dugsiyana aan u
gelin ayay in door ah waxay ka og yihiin waayaha
maansada Soomaalida iyo heerarkii ay soo martay.
Ruuxa ay dhab u dhegeystaani ma aha siyaasiga, mana
aha aqoonyahanka. Halkii la isugu yimaadoba waxa ay
si wacan ugu wada dheg-taagayaan kolba ninkii yaqaan
maansada raggii hore, goleyaashana ka marin kara.
Waxaad maqlaysaa iyaga oo isugu warramaya, ‘hebel
wuxuu hayaa gabayadii Sayidka, hebelna kuwii
Cali-dhuux, hebel kalena kuwii Ismaaciil Mire’.
Taasina waa tilmaan wanaagsan oo ragga gabayadaas
hayaa ay dadweynaha kale dheer yihiin, maamuus gaar
ahna ay uga helaan.
* * *
Aniga oo degaanka iyo dadkiisaba sidaas u aqaan
ayaan, sidaan soo sheegay, maalinba makhaayad
fariistaa. Markaas baa la igu soo xoomaa isla
goortii la ogaado inaan ahay hebelkii ay muddada
dheer magaciisa maqli jireen. Ilyarta ayaa isqabata,
dadka intiisa badanna inta kuraasta laga buuxiyo
ayay sarejoogga wax ku dhegeysanayeen. Mar walbaba
odayada ayaan doocdoociyaa, bal inaan ka helo tix
gabay ah oo raggii hore iiga maqan, dhacdo
taariikheed oo aan i soo gaarin ama sheeko xiiso leh
oo berri-ka-maalin aan Soomaalida u tebiyo; iyada oo
qoraal ah. Ilaa xilliga harimada la gaarayo ayay
gabayada iyo sheekooyinku ay fagaarahaas ka socdaan.
Inta aan wax doocdoocinayo, anigana waa la i
doocdoocinaayey. Wax baa la i weyddiinaayey. Wax baa
la ii toosinaayey, waxna waa la igu hanbalyaynaayey.
Waxay ahaayeen dad aad ula socda hawlihii suugaaneed
ee tan iyo ‘70kii aan ku soo jirey, hadday qoraal
tahay iyo hadday barnaamij idaacadeed tahayba. Isku
soo wada duub oo, dhalliil iyo ammaaniba ma yarayn.
Waxayse iigu darrayd nin makhaayadda fadhiyey markii
uu igu eedeeyey Cali-dhuux iyo maansadiisaba inaan
gacan-bidixeeyo, halka Sayidka, Qamaan iyo Ismaaciil
Mirena aan ka koolkooliyo! Waxaan u qaatay eed igu
culus iyo maag aan geed loogu soo gabban. Anna
intaan ka dhiidhiyey ayaan cod la wada maqlayo ku
iri: “Ninyahow, run sheegi maysid! Cali-dhuux oo ka
mid ah tiirarka waaweyn ee maansada Soomaalida,
sidee baan u gacan-bidixeeyaa? Maxaase in aan
hagrado i geyeysiin kara?”. Ninkii i maagay markuu
arkay inuu meel xun iga taabtay ayuu igu maslaxay:
“Horta Ilaah baa ina lehe, Cali-dhuux waxaa aasay
Kacaankii; iyada oo loo arkay inuu kacaan-diid
ahaa, maxaa yeelay Ina-Cabdille Xasan ayuu ka
soo hor-jeestey. Sidaynu og nahayna, xukuumaddii
Kacaanku kacaan-diidka ma jeclayn, haddii xataa uu
xilligii Daraawiishta noolaa sida Cali-dhuux!”.
Qosol baa lala daatay, aniguna mar hadday eeddii iga
wareegtey diyaar uma ahayn cid kale iyo nidaam tegey
toona inaan daafaco.
Odayadii aan Laascaanood kula kulmay waxaa iigu
waxtar roonaa Cali Cabdi Maxamad Weyd oo dadka
degaanku ay ‘Cali Qamar’ ku garan og yihiin. Waa nin
aad u haya gabayadii ay tirin jireen raggii hore ee
maansada Soomaalida magaca weyn ku lahaa sida Sayid
Maxamad, Cali-dhuux, Qamaan Bulxan, Ismaaciil Mire,
Axmed-Busur, Samatar Baxnaan, Xaaji Cismaan
sharma’arke iyo hal’abuurradii la ayniga ahaa ee ay
isku xilliga noolaayeen.
Sidoo kale, wuxuu si wacan wax uga garanayaa
taariikh-bulshadeedka degaannada Mudug, Hawd,
Nugaal, dhulka Galbeedka ah ee ay Xabashidu
gumeysato, Bari iyo Togdheer. Maanso iyo sheekaba
waa nin sheegi yaqaan, isaga oo maad iyo minqaxba ku
daraya. Sida ay Soomaalidu u badan tahay, waa nin
aad ugu kalsoon waxa uu sheegayaa inay 100%
hagaagsan yihiin. Sidaaas daraaddeed, ma uu
jeclaysanayn inay cid kale qalin-daarto amaba ay wax
u toosiso marka gabayada raggii tegey iyo
sheekooyinkooda uu marinaayo! Dhawr cisho ayaannu
isku keliyeysanney, markii aan London ku laabtayna
waxaan sitey cajalad 90 daqiiqo ah oo maansadii hore
uu Cali Qamar iiga buuxiyey, taas oo uu Cali-dhuux u
badnaa.
* * *
Weli hawshii caleemo-saarka oo mugga gebaggebo ah
ayaa lagu jiraa. Ergooyinkii la marti-qaaday ayaa
iska soo dabo-dhacaya oo magaalada soo buuxiyey. In
yar mooyee, madax-dhaqameedyadii Soomaalida ayaa
Gobolka Sool caawa ku wada urursan. Waxay u
qaybsanaayeen qaar dayuurado lagaga soo qaaday
gobollada fogfog sida Jubbada Hoose, Bay, Bakool iyo
Benaaddir iyo qaar ka soo galay gobollada Nugaal,
Bari, Togdheer iyo Waqooyi-galbeed oo iyagu baabuur
ku yimid. Madax-dhaqameed waliba wuxuu wataa ergo
dhawr qof ka kooban oo hareeraha ka socota.
Hoteelladii ayaa buux-dhaafay. Aqalladii loo
banneeyey ayaa ku yaraaday.
Sidoo kale, waxaa iyaguna magaalada soo gaarey
ergooyin ka kala socda maamullada Garoowe iyo
Hargeysa oo aan jacayl badani dhex-ool! Sida la og
yahay, muddo aan sidaas u sii fogeyn ayaa labadaas
maamul waxay u dagaallameen lahaanshaha Gobolka Sool
iyo xaruntiisa Laascaanood. Dagaalkaas isaga ahi ma
noqon mid lagu kala adkaaday, in kastoo ciidammadii
Reer Hargeysa ay weli fadhiyaan tuulada
Adhi-caddeeye oo xagga galbeedka magaalada kaga
toosan, qiyaastiina u jirta wax aan 30 kiiloomitir
dhammayn.
Dhinaca kale, madax-dhaqameedyada Nugaal iyo Bari ka
sokow, waxaa intii saddex aqoolood ah magaalada ku
sugnaa ergo ‘rasmi’ ah oo ka socotey maamulka
Garoowe; kaas oo isu haysta in madasha iyo
degaankaba isaga marti loogu yahay. Iyagana waxaa
hoggaaminaayey maamulkaas isaga ah madaxda ugu
sarraysa, kuwaas oo watey baabuurta dagaalka ee loo
yaqaan ‘teknikada’ iyo ilaalo aad u hubaysan.
Dr Cali Khaliif iyo waxgaradkii kale ee qabanqaabada
caleemo-saarka aanada u ahaa waxay ku taamayeen
hawsha oo idili inay hab-dhaqameed ku
dhammaato. Waxay ku dedaalayeen inay xasil iyo
xasarad la’aan ku bilaabato, kuna idlaato. Iyaga oo
u dhuun-daloola khilaafka siyaasadeed ee degaanka ka
aloosan ayay mar walba waxay dadka xusuusinayeen,
inta ay hawshani socoto, inaan bawdo-qaawin iyo
xiniinyo-taabad toona loo baahnayn. Ma ay doonayn
inay noqoto madal murammada maamullada ka
dhex-taagani ay ka soo if-baxaan; taas oo, haddii ay
dhacdo, magac-xumo ku noqon karta tolka iyo
maqalladiisa.
Sababahaas dartood, shalay iyo maanta oo bisha Mey
ay 21 tahay, walaacu ma yarayn. Salaad walba
dabadeeda, ducada ayaa la dareerinayaa. Waxaa Eebbe
laga baryayaa inay noqoto munaasabad, iyada oo la
wada nabdoon yahay, berri lagu soo kala dareero.
Runtii, wadnaha ayaa farta lagu wada hayaa, maxaa
yeelay waxaa laga wada dheregsan yahay nidaam li’ida
Soomaaliya ka jirta iyo waxa ay dhali karto. Maanta
iyo dhulka Soomaalida markii loo fiirsado, ammaanku
ma aha wax lagu tashan karo. Waxaa dhici karta
qorshe hagaagsan oo hal sano iyo ka badan uu
waayeelku soo wadey in, maalintii laga miro-dhalin
lahaa, wiil yar oo iska talo-xumooday uu ka dhigo
hal bacad lagu lisay! Allow sahal.
Laascaanood, 22kii Mey, 2006
Waa 22kii Mey. Intayadii iska war-haysey, nabad
baannu xalay ku seexannay, saakana dhaaddanaan
baannu la soo toosnay. Waa san ayuu Eebbe noo
beriiyey. Waa maalintii loo ballansanaa. Cid waliba
goortii ay toosi jirtey ka hor ayay gogoshii ka
jafjafatay. Ninkii goobta dabbaaldegga hawl ku lahaa
wuu kallahay. Kii marti ahaana wuxuu la soo baxay
hu’gii uu ku talo-galay inuu ku shir-tago. Wuxuu
sugayaa cid guddiyada qabanqaabada ka tirsan oo
xalayto loo ballamiyey, madashana u kaxayn doonta.
Siyaasadda gobolkuba ha u badnaatee, runtii way
jiraan waxyaabo dadka degaanku ay isku khilaafsan
yihiin, tanise waa arrin la wada oggol yahay oo inay
wanaag ku dhammaato uu qof waliba doonaayo. Waa
munaasabad, si kal iyo laab ah, ay u soo wada
dhoweynayaan oo, siday Ciiddii Arrafo tahay, ay
dadweynuhu isugu hanbalyaynayaan!
Hadda waa 9:00kii iyo hodhodho’. Waxaan u xirxiran
nahay togga Geedo-qarsey oo ku yaal dhinaca
bari ee magaalada, ahna goobta saaka Garaadka lagu
caleemo-saari doono. Waxaan isku lug nahay koox
Jabbuuti iska soo raacday oo Garaadka iyo Cali
Khaliif ay hormuud u ahaayeen, markii dambena isu
aqoonsatay inay tahay ergo ergooyinka kale iska
xigta! Aniga iyo kooxdaydiiba waxaa nalagu sharfay
baabuurkii uu Garaadku saarnaa in nalagu qaado,
barxadda caleemo-saarkana nalagu geeyo.
Cabbaar yar haddii uu gaarigii socdeyba waxaa naga
dabo-yimid tobaneeyo faras oo dhallinyaro taaggood
fuuli taqaani ay ku joogto. Iyaga oo kadlaynaya ayay
hareeraha naga galeen. Waxay gelbinayaan Garaadka;
taasina waa wax dhaqankii hore ee Soomaalida ka soo
jeeda, gaar ahaan markaynu joogno Nugaal oo
weligeedba ahayd geyi fardaha wanaagsan lagu kuunyi
jirey.
Nasiibdarro, neefafka fardaha ah iyo dhallinyarada
ku joogtaaba ma dhaqaalaysna. Labaduba ma dhaaddana.
Intaan muraayaddii daaqadda iska dejiyey ayaan
wiilashii midkood sheeko la furay. Dulucdu waxay
ahayd in aan u ogaado, fuullaanka ha joogtee,
hiddihii hore ee fardaha bal wax ay ka hayaan.
Waxaan ku iri: “Adeer, faraskaaga magacii?”. Wuxuu
yiri: “Magac ma leh!”. Waan yaabay, maxaa yeelay
taariikhda laguma sheegin faras ama geenyo
Soomaaliyeed oo aan magac lahayn. Sidii geela, lo’da
iyo arigaba ay magacyo gaar ah ugu bixin jireeen
ayay fardahana magacyo ugu bixin jireen, weliba aan
koolkoolini ka maqnayn. Waxaan weyddiiyey su’aal
labaad oo ahayd: “Ma taqaan sengaha aad fuushan
tahay geenyadii iyo faraskii iska dhalay?”. Isaga oo
aad mooddo inay su’aashu la gurracan tahay ayuu inta
muusooday iigu jawaabey: “Garan maayo, adeer! Oo
maxaa i baray?”. Kama harine, kol saddexaad ayaan ku
iri: “ Marmar intaad wan u qasho, faraska ma ka
subag-siisaa?”. Markanna intuu dhab u qoslay ayuu
yiri: “Adeer neefka anigu ma lihi!”. Dabadeedna
intuu faraskii cagta u rogey ayuu naga hormaray, si
sheekada iyo su’aaluhuba ay u soo af-jarmaan!
Maanta oo kale waxay ahaan jirtey fardaha dushooda
in laga geeraaro; iyada oo la ammaanayo Garaadka,
loona muujinaayo sida daacadda loogu yahay ee
taladiisa loo okobban yahay. Waxay ahaan jirtey
fardaha inta la soo kiciyo in la hojiyo goobta uu
fadhiyo, dabadeedna, iyada oo busku cirka isku
shareeray in fardooleyda oo idili ay iskummar ku
dhawaaqaan: ‘Garaad mood! Jir oo joog!’.
Waxaase ii soo baxday maanta in aanay shalay ahayn,
fardaha iyo wiilasha ku joogaana aanay ehel isu
ahayn!
* * *
Cabbaar haddaan ku maqnaa fardaha iyo Soomaalidii
hore ayaan mar keliya waxaan ku war-helay baabuurkii
oo joogsadey iyo Garaadkii oo inta hareeraha laga
galay ay rag loo qaybiyey u wadaan halkii loogu
talo-galay. Buuq iyo isriixriix ayaa xoog u
bilawday. Labadii wada timidba way kala habawday.
Waxaannu dhexda u galnay mawjado dad ah oo kadinkii
madasha laga geli lahaa isku wada kakabinaya. Waxaa
foodda isla galay waardiyihii ammaanka madaxda loo
saantay iyo raggii ku dedaalaayey inay xoog kaga
gudbaan, si ay u helaan kursi meel hoos leh yaal.
Tan iyo waabberigii nidaamkii la ilaalinaayey ayaa
hal mar ah burburay. Taasina, sidaan isleeyahay,
waxay salka ku haysaa Soomaalida oo ku tilmaaman
ummad dulqaadkeedu kooban yahay, wax lagu ballamayna
aan muddo dheer ilaalin karin.
Yeelkeede, sidaan soo sheegay, goobtu waa tii saaka
lagu ballansanaa. Waa bartamaha togga
Geedo-qarsey oo geedaha darayga ahi ay si hagar
la’aan ah uga baxeen. Cagta dadka iyo shaagga
baabuurta midkoodna habaas yar kicin maayo. Waa goob
deggan oo toddobaadkii na dhaafay inta roob helay uu
ciiddii aad u nabay. Teendhooyin la isku xirxiray
ayaa si wacan la isugu dhisay, kuwaas oo ay goor
hore soo buuxiyeen Reer-Laascaanood oo soo kallahay
iyo martidii timid oo aan qudheedu tiro yarayn.
Dhallinyarada darayda fuushan, ragga iyo dumarka
taagtaagan iyo madaxda sare mooyee, inta soo hadhay
waxay ku fadhidaa kuraasta, badanaa, cadcad ee
caagga laga sameeyo, markii Galbeedka dunida la
joogona qoysaska fasaxyada u baxaa ay xeebaha u
qaataan, fudaydkooda awgiis.
Wax badani kama soo wareegin hawshii la isugu yimid
kolkii la gudo-galay. Maanta oo kale halkii wax laga
bilaabi jirey ayaa laga bilaabay. Garaadkii ayaa
lagu shubay caanihii geela oo ah Soomaalida
raacatada ahi wax ay jidiinka mariso waxa ay ugu
jeceshahay. Waa astaanta barwaaqada iyo
hodontooyada, aroos walba marka la hooyona waxay ugu
ducayn jireen wiil iyo caano. Waa tadcaar,
dhan ay joogaanba, ay tolalka Soomaalidu ka siman
yihiin, rajaduna waxay tahay in xilliga
madax-dhaqameedka cusubi uu noqdo xilli uu tolkiis
wada mahadiyo, taladiisana ay ku wada liibaanaan.
Caanihii kolkii lagu shubay, sacabka iyo orkuna ay
toggii gilgileen ayaa waxaa Garaadkii loo kaxeeyey
aqal-Soomaali goobta horay looga dhisay, si uu
dharka caanaha leh isaga soo beddalo. Waxaa la ii
sheegay aqalkaba in loo dhisay ujeeddadaas oo
keliya! Wax yar ka dibna halkii loogu talo-galay
ayuu ku soo noqday, isaga oo qaba dhar hidde
oo cusub, kii saaka uu ku soo shirayna aan ahayn.
Haddana waxaa, isaga oo dharkii hiddaha xiran, isna
dhinaciisa fariistay Cali Khaliif oo, in kastoo ay
ka horba caddayd, ay maantaasna sii caddaatay inuu
boqor-tiirshe yahay.
Dabadeed, waxaa bilawday qaar ka mid ah
madax-dhaqameedyada kale ee tolka martida loo yahay
khudbadihii ay ku soo dhoweynayeen Garaadka cusub.
Sidoo kale, ergooyinkii la casuumay raggii
hoggaaminaayey ayaa iyagana loogu yeeray inay goobta
erayo ka jeediyaan. Taana way yeeleen; iyaga oo
marna Garaadka u hanbalyaynaya, marna talooyin
siinaaya. Haddiiba madashii ayaa waxay xasishay
markii ay khudbaduhu bilawdeen, qof walibana waxa uu
u dheg-taagayey hebel oo reer-hebel ka
socdaayi waxa uu oran doono.
* * *
Ugu dambaystii, waxaa mikrafoonka lagu soo dhoweeyey
Garaad Jaamac Garaad Cali oo daqiiqado ka hor la
caleemo-saaray. Waa madax-dhaqameed Soomaaliyeed oo
la boqro kii u dambeeyey, malahaygana waa kii ugu
da’ yaraa. Waa 34-jir!
Wuxuu yeelay aabbihiis iyo awowgiis wax aanay yeelin
waagii la caleemo-saarayey: waraaq dheer oo wixii uu
oran lahaa ay ugu qoran yihiin ayuu jeebka kala soo
baxay! Sidii madaxweyne la dhaariyey oo
siyaasadihiisa mustaqbalka qeexaya ayuu daaha ka
qaaday waxa uu ka damacsan yahay maamulka tolka
boqraday, sida ay la tahay in tolalka ay deriska
yihiin loola dhaqmo, xoojinta nabadda iyo, guud
ahaan, arrimaha horumarka bulshadiisa ku saabsan.
Dhinaca kale, wuxuu si tiiraanyo ka muuqato kaga
hadlay siyaasadda murugsan ee Soomaaliyeed. Ballan
ayuu ku qaaday, intii karaankiis ah, inuu ku dedaali
doono sidii ay Jamhuuriyaddu uga soo kaban lahayd
qaran-jabka ku dhacay iyo sidii ay midnimadeedii ku
soo ceshan lahayd. Sacab aan kala-joogsi lahayn ayaa
u dhacay markii uu sheegay in, timaaddada, uu
magaalada Laascaanood ku shirin doono dhammaan
madax-dhaqameedyada Soomaalida. Wuxuu ahaa go’aan
loogu wada bogey iyo tallaabo ragga dhiggiis ahi
aanay weligood ku dhaqaaqin, kuna fekerin.
Garaadka cusubi ma uu illoobin inuu madax u noqday,
siyaasad ahaan, degaan iyo dad kala qaybsan. Iskama
uu dhego-tirin in loo shuumay gobol ay laba maamul
isku haystaan oo mid waliba sheeganaayo inuu isaga
ka mid yahay. Taas isaga oo dareensan, ogna in
mawqifkiisa la male’awaalayo ayuu af buuxa ku
sheegay Gobolka Sool iyo Buuhoodle inay qayb ka
yihiin maamulka ay Garoowe xarunta u tahay ee
‘Puntland' loo yaqaan. Waxaa hubaal ah inuu
hadalkaasi farax-geliyey jeneraalka maamulkaas
madaxda ka ah iyo ergadii xoogganayd ee dabbaaldegga
iyo caleemo-saarka kala soo qayb-gashay. Sidoo kale,
waxaa iyaduna hubaal ah inuu kaga caraysiiyey rag
iyaguna maantaas togga wax ka joogey oo isla Sool
iyo Hawd u dhashay, ha yeeshee u xagliya dhinaca
Hargeysa ama maamulka ka jira hay’adihiisa ka
tirsan.
Gebaggabadii khudbaddiisa wuxuu Garaadku si la wada
jeclaystay uga soo dhalaalay hawlihii loo
caleemo-saaray middood. Wuu duceeyey. ‘Aammiinta’
ayaa isu baxday markii uu u duceeyey tolka boqraday
iyo markii uu Soomaalida dhammaanba u rajeeyey inay
degdeg u yeelato dawlad midaysa oo cadawga ka rawda,
danaheedana u kacda. Iyada oo isaga loo wada
ducaynayo ayaa barqo dambe toggii laga dareeray,
qof walibana uu ku noqday halkii uu magaalada ka
degganaa.
* * *
Duhurkii mar ay tahay oo qado munaasabadda loogu
talo-galay la sugaayo ayaa nin i garab-fadhiyey
wuxuu igala sheekaystay habkii ay saaka wax u
dhaceen. Sidii baaxadda lahayd ee looga soo
qayb-galay ayaannu la yaabnay. Waxaannu isla helnay
tan oo kale in aan weli loo soo joogin, taariikhda
Soomaalidana aan lagu werin intaas oo dad ahi
madax-dhaqameed ay caleemo-saarkiisa u soo
sodcaashay. Sidoo kale, waxaan isku raacnay inay
ahayd xaflad si qurux badan loo soo abaabuley, Ugu
dambaystiina, Eebbe ayaannu uga mahad-naqnay shil
la’aantii ay ku dhammaatay.
Annaga oo markaas qadadii ka faro-xalannay ayuu
ninkii wuxuu mar kale igu soo celiyey togga
Geedo-qarsey wixii saaka ka dhacay. Mooggan waxaannu
faallaynay khudbadihii ay madaxda ergooyinku soo
jeediyeen, annaga oo hebello u bogeyna, hebello
kalena aan darraabayno.
In yar haddaannu kala aamusnayn ayuu igu soo tuuray
su’aal ahayd: “See kula ahayd khudbaddii Garaadku?”.
Aniga oo aan meel fogba ka doonin ayaan ugu
jawaabey: “Aad bay iila wacnayd”. Markaas buu yiri:
“Anigaba, guud ahaan, way ila fiicnayd, waxaase la
rabey arrimaha siyaasadda inaanu soo qaadin, kana
fogaado!”. Waxaan iri: “Oo sababtuna maxay tahay?”.
Wuxuu yiri: “Marba haddii uu Garaad yahay, dadka uu
u arrimiyaana ay kala qaybsan yihiin, waxaa habboon
intuu siyaasadda faraha ka qaado inuu ku ekaado
arrimaha dhaqanka”. “Maxaad u diri lahayd?” ayaan
weyddiiyey. “Wixii guurtida iyo odayaasha tolku ay
soo gooyaan inuu u guddoomiyo, kuna duceeyo” ayuu si
fudud ugu jawaabey!
Halkaas bay sheekadaasi nooga go’day, waxaase daymo
u baahan waayadan dambe sababta hawsha
madax-dhaqameedyada loogu koobay inay ku duceeyaan
uun go’aanno hortii hore aanay wax ka ogeyn, odayo
kalena ay soo gooyeen. Ninkii aannu qadada ku
sheekaysannay iyo inta la da’da ahiba waa gartood.
Waxay ku indho-dillaacsadeen madax-dhaqameedyadii
Soomaaliya oo si tartiib-tartiib ah awoodihii ay
lahaayeen looga xayuubinaayo. Waxay soo arkeen
xukuumadihii dalka soo maray oo madax-dhaqameedkii
tolka aan wax maamuus ah u haynin, iyaga iyo dadkii
ay u talin jireenna la simay. Waxay ku barbaareen
magacyadii ahaa Garaad, Boqor,
Suldaan, Imaam iyo kuwii la midka ahaa
iyada oo buugga dawladda laga tirtiray, odayada
intoodii laga xishoodayna nabaddoonno loo
bixiyey! Sidoo kale, ninkaas iyo inta la da’da ahiba
waxay u soo joogeen xilligan qaran-jabka
dagaal-oogeyaasha soo baxay oo madax-dhaqameedkii si
foolxun awooddii ugala wareegey, waxbana aan u
hanbayn, welibana si xil leh u xurmo-tiray.
Intaas oo idili in kastoo ay run tahay, haddana gar
ka dhigi mayso madax-dhaqameedyada Soomaalidu inay
sidaas ku ahaadan! Kaalintii ay lahaan jireen ee
laga duudsiyey ayaa maanta dhab ugu bannaan. Weliba
xilligan waxay u badan yihiin rag dhallinyaro ah oo,
sida Garaad Jaamac, dugsiyo sare ama jaamacado ka
soo aflaxay. Waa rag, iyaga oo da’ yar, odayadii
dhalay xilkoodii dhaxlay, aqoontooduna ay ka gun
weyn tahay wax-ka-qabashada arrimaha tolka oo
keliya. Si fiican ayay ugu dhug leeyihiin waxa
dunida ka jira, gaar ahaanna qaran-jabka
dawladdoodii ku dhacay iyo damaca dhuleed ee
Itoobiya ay Soomaaliya ka leedahay. Waxa ay wax u og
yihiin siyaasi-u-yaallada muddaba la inagu
qasbaayey iyo dagaal-oogaha Soomaaliyeed si aanay
wax u ogeyn. Sidaas darteed, waxay si wacan u garan
karaan, wadajir in wax loo wada qabsado mooyee,
Soomaalida tol waliba inaanu keligiis danihiisa u
maarayn karin.
Haddaba, mar haddii siyaasigii daacadda ahaa uu
gabaabsi inagu noqday, mar haddii gabbalkii
dagaal-ooguhu uu haatan dam yahay, lagana
aammin-baxay, mar haddii haadaan dheer ay dalkii iyo
dadkii ku sii hoobanayaan; maxaa madax-dhaqameedyada
ka hor-taagan iyaga oo wadajira inay ummadda
bedbaadiyaan? Maxaa u diidaya inay, si buuxda,
siyaasadda u soo dhex-galaan, dabadeedna intay
qarannimadii soo celiyaan ay wax ka dhisaan dawlad
tolalka oo idili ay hooskeeda harsadaan, intii uu
tol waliba keligiis dhinac ugu bixi lahaa?! Bal, waa
yaabe, yaa xilkaas uga toobboon? Jawaabtaydu waa
cidna. Waaba dhallinyaree, maxaa kartida iyo aqoonta
ay leeyihiin loogu gaaggixinayaa? Hawshooda maxaa
loogu koobayaa maaraynta arrimaha qolyaha ay u
boqran yihiin iyo shirarkooda inay ka duceeyaan oo
keliya?
* * *
Midda kale, sidee loogu dhiirradaa in Garaad Jaamac
oo kale loo sheego inuu siyaasadda ka fogaado? Bal
dheeho taariikhda qoyskooda oo kooban: Garaad Cali
oo ahaa awoowgiisii labaadi sow siyaasi ma ahayn,
siyaasad awgeedna uma dhiman, ka dib dabayaaqadii
qarnigii 19d markii ay arrimaha degaanka Sayid
Maxamad isku maan-dhaafeen, sidaasna lagu xujeeyey?
Awowgiis Garaad Jaamac sow siyaasad awgeed,
horraankii qarnigii 20d, muddo dheer Bari qaxooti
kuma joogin? Gadaalkii markii uu Nugaal ku soo
noqdayna, sow siyasad ma ahayn wixii uu u diidey
inuu la kulmo madaxdii maamulka Ingiriiska ee
degaankiisa xoogga ku qabsaday, jabkii Daraawiisheed
ka dib? Aabbihiis Garaad Cali, isaga oo Garaad ah,
sow siyaasina ma ahayn? Sow baarlamaankii hore ee
Soomaaliya xubin iyo xildhibaanba kama soo noqon?
Sow xukuumadihii lixdannadiina wasiir kama soo ahaan
jirin? Mar kalena sow siyaasad ma ahayn
siddeetannadii qarnigii 20d wixii geyeysiiyey meelo
Yurub ka tirsan iyo dalalka Carabtaba inuu dhawr
sano qaxooti ku ahaado?
Ugu dambaystii, Garaad Jaamac Garaad Cali aan mar
kale qoraalkan ugu hanbalyeeyo, kuna tirtirsiiyo
inuu ka dhabeeyo ballan-qaadkiisii ahaa inuu shirin
doono madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed; taas oo laga
yaabo inay innaga baajiso kala-fogaansho hor leh iyo
burbur laxaw badan oo midkan aynu ku sugan nahay ka
qoob culus, xilliga uu dhammaan karona Eebbe
keliyihi uu suurayn karo!
Juun, 2006
Birmingham, England |