|
Gabaygii:Gasabley
...........................................................................................
Xumaan iyo samaan, guuldarro iyo guul
wax alla wixii qofka aadanaha la
soo gudboonaada isaga ayaa gasbaday, wax walibana
sabab bay ku dhacaan ee
wax iskood isaga dhacaa ma jiraan. Falsafadda iyo
fikradda caynkaas ah dad
badan oo uu Ismaaciil Mire ka mid yahay ayaa rumaysan
ama qaba. Maansadan
soo socota oo dadka intii taqaani jeceshahay ayuu
gabayaagu kaga hadlay
arrimo dhawr ah oo dhaqanka Soomaalida iyo dhaqammada
kaleba guuldarro ku
ah. Nin macaluul iyo gaajo u dacdarraysan, maxaa u
keenay? Gabadh
garcatay, maxay u garcatay, maxaa hortii u geeyey
? Haweeney kolkii ciddu
guurtay iyadii iyo ayalkeedii degelkii looga tegey
maxay eersatay ? Naag
da'ah oo aan tacab Iahayn, wax u gargaarana haysani
maxay galabsatay?
Meel dagaal ka dhacay oo dad badan haad ku kigaayo,
Maxaa u horreeyey ?
Nin aakhiro Cadaabta loo taxaabay maxuu mutaystay
?
Guulaantayda habloodoo
Garoorkii iyo ciirtii
Ku ladnaatay gugii
Gurigooda dushiisa
Haddii qoon ka gableeyo
Ay gacaloy samcanay iyo
Ku gooraamo ammaanta
Cabbaar ay garab roorto
Guuldarayse sur xiirihi
Yarehe gees ula leexdo
Ay garac guudka ku qaaddo
Markay oodda ganeysey
Gurigooda ma joogine
Gasab baa u horreeyey.
* * *
Gaadiidkeeda
haweeney
Gabtay oo ceshan weydey
Gurgurshahay raranaysey
Gudguduud ka dhaqaaqay
Gaalaw meel la haweeyey
Dabarkoo ay ku gaadhiyo
Qoofalkii gelin weydey
Markay guuyadu fooftiyo
Markii uu makhrib gaabtay
Gogosheeda ku jiiftey
Galaxeeda dhamayseyoo
Hadba-gees u dhacaysey
Gooraan goorna ahayn iyo
Indhalaawe gudcur bay
Hadba geed is - ag taagtay,
Galowgii kor u duuliyo
Gambadeedii col mooddeyoo
Libaax guudha la leexday
Oo gudguduudka kaleeto
Gorgorkiisu hableeyey
Markii ay ciddu guurtayoo
Garna loo rari waayey
Xarnaantii ay geleysey
Hadba gees ka deyeysa
Gasab baa u horreeyey
* * *
Nimay
gaajo dulleysey
Gotay ov macallulay
Gabankii wax u waayey
Koluu reer gabadhiisa
Intuu guudka ka laacay
Guuyaditsi ka dhiibay
Armuu geedka ka seexdayoo
Beryo Geydho' halleeyey
Gasab baa u horreeyey
* * *
Nin shisheeye u guuray
Haddii geed lagu ciilo
Amay guuto horayso
Maalintaa garbo waayo
Gasab haa u horreeyey ;
* * *
Hadday naagi gabawdo
Gablantoo kici weydo
Gorof baas la wareegto
Kolay goosan dabqaatay
Ama ay gurgur xaabtay
Ama ay gudaheeda
Ku gaadgaadday amuuro
Gasab baa u horreeyey.
* * *
Meel ay Good' ololeyso
Gaabanno sumucil iyo
Gariirayso rasaastu
Ragga haadku gigaayo
Golxaalow jabayeey iyo
Galaayuus ka baxaayo
Gashi laysku lahaa iyo
Gabar layska dhirbaaxiyo
Gaban layska uleeyey
Godob laysaga dhaartay
Annagaa gob ahaynoo
Gunnufgaannufka hoosow
Nama gaadhi kartaan
Guuldaraa xigi doonta iyo
Gasab haa u horreeyey ;
* * *
Nin cadaabta la geeyey
Gogga loo dhigay naarta
Koluu waalid guhaaday
Amuu gaarrax' agoona
Guuyadoodal ka qaadayoo
Ka gumaartay, calooshana
Gasab baa u horreeyey
* * *
Maansadaa gasableeya
Gun waxaan uga yeelay
Meeluu khayr ku gadaantey
Gasab baa u horreeyey
Meel ay guuldarro joogtana
Gasab haa u horreeyey
|